29/09/2025
๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ
Maanta oo taariikhdu tahay ๐ฎ๐ต/๐ฌ๐ต/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ Garyaqaanka Guud ee Dawladda, ๐๐ฟ. ๐๐๐๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ถ๐น๐บ๐ถ ๐๐๐๐น๐ฒ๐ฒ๐ฑ, kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Wasaaradda Mudane ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐๐๐ฑ. Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa masโuuliyiin sare oo ka kala socday labada hayโadood.
๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฑ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐:
*Adkaynta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hayโadaha sharci dejinta iyo fulinta.
* Dardar-gelinta hawlaha sharci-qorista iyo dib-u-eegista xeerarka muhiimka ah.
* Kor u qaadista hufnaanta iyo hab-raacyada shaqo ee labada dhinac.
Garyaqaanka Guud ee Dowladda wuxuu xusay in iskaashigan joogtada ahi uu laf-dhabar u yahay ilaalinta sharciga, hagaajinta nidaamka caddaaladda, iyo horumarinta dowladnimo casri ah oo ku dhisan kala dambeyn iyo daah-furnaan.
Dhamaad!
Instagram: https://www.instagram.com/osagsomalia?igsh=MWl0ZmU0Nng5emM4Yg%3D%3D&utm_source=qr
X: https://x.com/osagsomalia?s=21
Website: https://osagsomalia.com/
30/06/2025
Waxan ummadda soomaliyeed Ugu Hambaleynayaa Habeenkan taariikhi ah oo xusuus gaar ah u leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed. 1-da Luulyo 1960, waa maalintii ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana ay dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed โ qaran xor ah, hal calan leh, hal dad ah, hal himilo ah.
Waxaa munaasabaddan ku xasuusaneynaa halgankii geesinimo ee ay hormuudka ka ahaayeen aabayaasheenii u soo halgamay xornimada iyo midnimada. Waa maalin aan xusno qiimaha midnimada, waddaninimada, iyo rabitaanka qaranimo.
26/06/2025
๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ FS wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda qiimaha badan ee Maalinta Madaxbannaanida Gobollada Waqooyi (26-ka Juun) iyo Isbuuca Xorriyadda Soomaaliya.
Xilligan xusuusta iyo sharafta leh, waxaan xasuusanahay halgankii geesinimada lahaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u galeen helitaanka xornimada iyo midnimada dalkeenna. Waa waajib in aynu ilaalinno qiyamkaas, ayna inoo noqoto dhiirrigelin aynu ku xoojino midnimada, cadaaladda, iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.
30/03/2025
Ciid Mubaarak!
๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta dunida oo dhan munaasabadda Ciidul-Fitriga awgeed.
Waxaa la gaaray xilli farxad, naxariis, iyo isu-cafin. Waxaan Alle ka rajeynaynaa in uu naga aqbalo soonkeenna, salaadeenna, iyo cibaadadeenna oo dhan. Waxaan idiin rajeyneynaa ciid ku wada ciida nabad, caafimaad, iyo barwaaqo.
Farxad iyo caafimaad ha idinla jirto!
Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda.
13/03/2025
Afur wadareed qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda . Kulankan ayaa ahaa mid is-xogwareysi iyo is-xiriirin ah, kaas oo sare u qaaday wada-shaqaynta iyo is-dhexgalka xubnaha.
28/02/2025
"ุฑู
ุถุงู ู
ุจุงุฑู"
Ramadaan Kariim!
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda waxa uu ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta ku nool caalamka ugu hambalyeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa bil cibaado, naxariis, iyo is-daryeel. Ilaahay ha inaga dhigo kuwa ka faa'iideysta fadhigeeda, soonkeeda, sadaqadeeda, iyo ducadeeda.
14/10/2024
Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo ka jawaabeysa codsiga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, ayaa xayiraad saartay dhul danguud ah oo ah barxadii Tarabuunka, kaas oo dad shacab ahi sifo sharci daro ah ku dhisanayeen
Sidoo kale waxaan ka rajeynaynaa Taliska Booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliiska Degmada Hodon in ay Waajibaadkooda sharci ka gutaan.
Qofkii Daneynaya Inuu Si Wanaagsan U Aqristo Warqadan
Gal Link Hoos Ku Lifaaqan๐
Warqada Xafiiska Garyaqaanka Guud
https://www.osagsomalia.com/blogs/details/joojin-dhismo-sharci-darro-ah-iyo-ku-tagri-fal-dhu/
๐๐
Warqada Maxkamada Gobolka Banaadir
https://www.osagsomalia.com/blogs/details/amar-xayiraad-iyo-joojin-dhaqdhaqaaq-dhismo/
12/10/2024
Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya ๐ธ๐ด
Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, waa maalin ku weyn taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waana maalintii calankeena qaaliga ah la taagay markii ugu horreysay sanadkii 1954.
Calankeenna buluugga ah ee leh xidigta shanta geesood waxay astaan u tahay midnimada, sharafka, iyo gobanimada Soomaaliyeed. Waa xusuus joogto ah oo ku saabsan halgankii adkaa ee awoowyadeen u soo galeen xorriyadda iyo midnimada dhammaan gobollada Soomaaliyeed.
Dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxaan xusuusaneynaa qiimaha iyo macnaha uu calankeenu leeyahay. Waa astaanta qarankeenna iyo astaanta riyooyinkeenna mideysan.
Soomaaliya ha noolaato!
02/10/2024
๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐๐๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ฎ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ oo masuul ka ah Difaaca iyo daryeelka dhammaan Hantida Danta-guud, ayaa waxaa uu digniin kasoo saaray Xad-gudubka iyo boobka lagu hayo dhulalka ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐จ๐บ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ku leedahay Degmada Hodon, gaar ahaan Dhulka Xaruntii Jiifka Ardayda iyo Xeeyn-daabkeeda guud ee Ex-control Afooye, kaas oo dad shacab ahi iyo Ganacsato isku dayayaan in ay ku milkiyaan sifo sharci darro ah.
La Aqriso Blog-ka Website-ka
https://www.osagsomalia.com/blogs/details/joojin-xad-gudubka-lagu-hayo-xaruntii-jiifka-arday/
14/09/2024
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda wuxuu umadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamed NNKH.
Dhalashadda Nabi Muxamed (NNKH) adduunkan wuxuu u ahaa waa cusub oo u baryay, Suubanaha waxa uu na dhaxalsiyay Wanaag fara badan iyo wadiiqooyin suuban oo ku dayasho mudan.
Waxaan ilaahay weydiisaneynaa in uu naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa.