Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda

Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda

Share

๐—ข๐—ณ๐—ณ๐—ถ๐—ฐ๐—ฒ ๐—ผ๐—ณ ๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜๐—ฒ ๐—”๐˜๐˜๐—ผ๐—ฟ๐—ป๐—ฒ๐˜† ๐—š๐—ฒ๐—ป๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น ๐—ผ๐—ณ ๐˜๐—ต๐—ฒ ๐—™๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—น ๐—š๐—ผ๐˜ƒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐—ผ๐—ณ ๐˜€๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฎ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Photos from Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda's post 29/09/2025

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ
Maanta oo taariikhdu tahay ๐Ÿฎ๐Ÿต/๐Ÿฌ๐Ÿต/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ Garyaqaanka Guud ee Dawladda, ๐——๐—ฟ. ๐—–๐˜‚๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ถ๐—น๐—บ๐—ถ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ, kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Wasaaradda Mudane ๐—ซ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ. Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa masโ€™uuliyiin sare oo ka kala socday labada hayโ€™adood.

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†:
*Adkaynta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hayโ€™adaha sharci dejinta iyo fulinta.
* Dardar-gelinta hawlaha sharci-qorista iyo dib-u-eegista xeerarka muhiimka ah.
* Kor u qaadista hufnaanta iyo hab-raacyada shaqo ee labada dhinac.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda wuxuu xusay in iskaashigan joogtada ahi uu laf-dhabar u yahay ilaalinta sharciga, hagaajinta nidaamka caddaaladda, iyo horumarinta dowladnimo casri ah oo ku dhisan kala dambeyn iyo daah-furnaan.

Dhamaad!
Instagram: https://www.instagram.com/osagsomalia?igsh=MWl0ZmU0Nng5emM4Yg%3D%3D&utm_source=qr
X: https://x.com/osagsomalia?s=21
Website: https://osagsomalia.com/

30/06/2025

Waxan ummadda soomaliyeed Ugu Hambaleynayaa Habeenkan taariikhi ah oo xusuus gaar ah u leh dhammaan ummadda Soomaaliyeed. 1-da Luulyo 1960, waa maalintii ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana ay dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed โ€” qaran xor ah, hal calan leh, hal dad ah, hal himilo ah.

Waxaa munaasabaddan ku xasuusaneynaa halgankii geesinimo ee ay hormuudka ka ahaayeen aabayaasheenii u soo halgamay xornimada iyo midnimada. Waa maalin aan xusno qiimaha midnimada, waddaninimada, iyo rabitaanka qaranimo.

26/06/2025

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ FS wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda qiimaha badan ee Maalinta Madaxbannaanida Gobollada Waqooyi (26-ka Juun) iyo Isbuuca Xorriyadda Soomaaliya.

Xilligan xusuusta iyo sharafta leh, waxaan xasuusanahay halgankii geesinimada lahaa ee shacabka Soomaaliyeed ay u galeen helitaanka xornimada iyo midnimada dalkeenna. Waa waajib in aynu ilaalinno qiyamkaas, ayna inoo noqoto dhiirrigelin aynu ku xoojino midnimada, cadaaladda, iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

30/03/2025

Ciid Mubaarak!

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta dunida oo dhan munaasabadda Ciidul-Fitriga awgeed.

Waxaa la gaaray xilli farxad, naxariis, iyo isu-cafin. Waxaan Alle ka rajeynaynaa in uu naga aqbalo soonkeenna, salaadeenna, iyo cibaadadeenna oo dhan. Waxaan idiin rajeyneynaa ciid ku wada ciida nabad, caafimaad, iyo barwaaqo.

Farxad iyo caafimaad ha idinla jirto!

Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda.

Photos from Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda's post 13/03/2025

Afur wadareed qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda . Kulankan ayaa ahaa mid is-xogwareysi iyo is-xiriirin ah, kaas oo sare u qaaday wada-shaqaynta iyo is-dhexgalka xubnaha.

28/02/2025

"ุฑู…ุถุงู† ู…ุจุงุฑูƒ"
Ramadaan Kariim!

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda waxa uu ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta ku nool caalamka ugu hambalyeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa bil cibaado, naxariis, iyo is-daryeel. Ilaahay ha inaga dhigo kuwa ka faa'iideysta fadhigeeda, soonkeeda, sadaqadeeda, iyo ducadeeda.

14/10/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo ka jawaabeysa codsiga Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, ayaa xayiraad saartay dhul danguud ah oo ah barxadii Tarabuunka, kaas oo dad shacab ahi sifo sharci daro ah ku dhisanayeen

Sidoo kale waxaan ka rajeynaynaa Taliska Booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliiska Degmada Hodon in ay Waajibaadkooda sharci ka gutaan.

Qofkii Daneynaya Inuu Si Wanaagsan U Aqristo Warqadan
Gal Link Hoos Ku Lifaaqan๐Ÿ‘‡

Warqada Xafiiska Garyaqaanka Guud

https://www.osagsomalia.com/blogs/details/joojin-dhismo-sharci-darro-ah-iyo-ku-tagri-fal-dhu/
๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
Warqada Maxkamada Gobolka Banaadir

https://www.osagsomalia.com/blogs/details/amar-xayiraad-iyo-joojin-dhaqdhaqaaq-dhismo/

12/10/2024

Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, waa maalin ku weyn taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waana maalintii calankeena qaaliga ah la taagay markii ugu horreysay sanadkii 1954.

Calankeenna buluugga ah ee leh xidigta shanta geesood waxay astaan u tahay midnimada, sharafka, iyo gobanimada Soomaaliyeed. Waa xusuus joogto ah oo ku saabsan halgankii adkaa ee awoowyadeen u soo galeen xorriyadda iyo midnimada dhammaan gobollada Soomaaliyeed.

Dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxaan xusuusaneynaa qiimaha iyo macnaha uu calankeenu leeyahay. Waa astaanta qarankeenna iyo astaanta riyooyinkeenna mideysan.

Soomaaliya ha noolaato!

02/10/2024

๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐˜†๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ oo masuul ka ah Difaaca iyo daryeelka dhammaan Hantida Danta-guud, ayaa waxaa uu digniin kasoo saaray Xad-gudubka iyo boobka lagu hayo dhulalka ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—จ๐—บ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ku leedahay Degmada Hodon, gaar ahaan Dhulka Xaruntii Jiifka Ardayda iyo Xeeyn-daabkeeda guud ee Ex-control Afooye, kaas oo dad shacab ahi iyo Ganacsato isku dayayaan in ay ku milkiyaan sifo sharci darro ah.

La Aqriso Blog-ka Website-ka
https://www.osagsomalia.com/blogs/details/joojin-xad-gudubka-lagu-hayo-xaruntii-jiifka-arday/

14/09/2024

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda wuxuu umadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynayaa Dhalashada Nabigeena Suuban ee Muxamed NNKH.

Dhalashadda Nabi Muxamed (NNKH) adduunkan wuxuu u ahaa waa cusub oo u baryay, Suubanaha waxa uu na dhaxalsiyay Wanaag fara badan iyo wadiiqooyin suuban oo ku dayasho mudan.

Waxaan ilaahay weydiisaneynaa in uu naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

https://www.sag.gov.so/

Address


Villa
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00