Office of the Auditor General FGS

Directions Website Contact the organization

Office of the Auditor General FGS This is the Official page of the Office of the Auditor General of the Federal Republic of Somalia.

Mabda’a Dhowrista madaxbannaanida Hay’adda Hantidhowrka Guud waa mid kamid ah mabaadii'da Dastuuriga ah ee ay tahay in d...
22/09/2026

Mabda’a Dhowrista madaxbannaanida Hay’adda Hantidhowrka Guud waa mid kamid ah mabaadii'da Dastuuriga ah ee ay tahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay ilaaliyaan, si Xafiisku howlihiisa ugu guto si madaxbannaan, una xaqiijiyo waajibadkiisa Shaqo ee ku faahfaahsan Sharci Lr. 17, 2019 iyo Sharci Lr. 14, 2023.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Madasha Hoggaaminta Wadajirka ah ee “Audit for...
19/09/2026

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Madasha Hoggaaminta Wadajirka ah ee “Audit for Development”, oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Dalalka Carabta (ARABOSAI) iyo Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB). Madasha ayaa 15–16 Sebtembar 2026 lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madasha oo isu keentay hoggaanka iyo wakiillo ka socday Hay’adaha Hantidhowrka Guud iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa baarista mashaariicda horumarineed iyo doorka hay’adahani ku leeyihiin hubinta in mashaariicdu gaaraan natiijooyinkii loogu talagalay.

*Doodaha madasha waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay hababka casriga ah ee baarista mashaariicda horumarinta, gaar ahaan Nidaamka Iibka (Procurement) iyo kaalinta Hay’adaha Hantidhowrka Guud ay ka qaadan karaan xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta habraacyada iibka. Sidoo kale, waxaa lagu gorfeeyay sida loo aqoonsan lahaa meelaha khatarta iyo saameynta weyn ka jirto, iyo sida ay baaristu diiradda u saari lahayd natiijooyinka iyo saameynta dhabta ah ee mashaariicda.*

Madasha waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay adeegsiga teknoolojiyadda dhijitaalka ah iyo garaadka macmalka ah (AI) ee shaqada baarista, si loo horumariyo hab-socodka shaqada loona xoojiyo baarista Hantidhowrka.

Maalinkii labaad ee madasha, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa soo bandhigay khibraddiisa ku saabsan iskaashiga u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Guud, gaar ahaan Iskaashiga Waddamada Soo-koraya ee Koonfureed (South-South Cooperation). Bandhigga ayaa diiradda lagu saaray is-dhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, horumarinta xirfadaha shaqaalaha, iyo wadaagga khibradaha farsamo iyo kuwa hay’adeed.

Ka qaybgalka madashan ayaa qayb ka ah dadaallada muhiimka ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS uu ku xoojinayo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah, iyada oo ujeeddadu tahay dhismaha awoodda Xafiiska iyo sare-u-qaadidda tayada shaqada baarista.

La-taliyaha Sharciga ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Saciid Birmad Cigaal, ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaars...
17/09/2026

La-taliyaha Sharciga ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Saciid Birmad Cigaal, ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi muddo afar maalin ah (14 ilaa 17 September 2026) Muqdisho uga socday howl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS), iyi khuburo ka socotay Xafiiska Hantidhowrka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar (ASA).

Aqoon-is-weydaarsigan oo ku saabsanaa ““Istaraatiijiyadaha iyo Xirfadaha Ogaanshaha Xadgudubyada Maaliyadeed” ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay XHGS iyo ASA, waxa uuna qayb ka yahay iskaashiga farsamo ee labada hay’adood.

Muddadii aqoon-is-weydaarsigu socday, ka qaybgalayaashu waxa ay ka doodeen fahamka la xiriira khaladaadka iyo xadgudubyada maaliyadeed, qiimeynta khataraha qiyaanada iyo wax-is-daba-marinta, iyo hababka loo maro baarista arrimahaas ku saabsan, si loo xoojiyo maamul wanaagga, loona helo istaraatiijiyado ka hortaga, isla-markaana hoos u dhiga, xadgudubyada maaliyadeed.

Howl-wadeennadii ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsiga ayaa bogaadiyay aqoonta iyo khibradda ay la wadaageen tababarayaasha ka socday ASA, waxa ayna sidoo kale sheegeen in tababarku xoojiyay fahamkooda xirfadeed, isla-markaana uu ka taageerayo shaqada la xiriirta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Aqoon-is-weydaarsigan waa kii labaad oo ay sanadkan gudihiisa khubaro ka socda ASA iyo howl-wadeennada XHGS ku yeeshaan magaalada Muqdisho, waxa uuna qayb ka yahay dadaallada Xafiisku ku horumarinayo awoodda xirfadeed ee howl-wadeennadiisa, korna ügü qaadayo aqoontooda farsamo, isdhaafsiga khibradaha, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Hay’adaha Sare ee Hantidhowrka.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan dabagalk...
17/09/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan dabagalka waxqabadka, ka warbixinta horumarrada iyo la socodka hirgelinta talooyinka baarista Hantidhowrka, kaas oo socday 13-17 September, 2026.

Aqoon-is-weydaarsigu waxa uu qayb ka yahay hirgelinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Xafiiska 2023–2027 iyo qorshe-hawleedka sanadlaha ah, waxaana looga gol leeyahay xoojinta dabagalka waxqabadka Xafiiska, isla-xisaabtanka, go’aan-qaadashada ku saleysan xogta iyo la socodka hirgelinta talooyinka Baarista Hantidhowrka.

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa ka qaybgalay howl-wadeenno ka kala socday waaxyaha iyo qaybaha ay shaqadoodu la xiriirto qorsheynta iyo waxqabadka, isku-dubaridka mashaariicda, maamulka tayada iyo dabagalka talooyinka Baarista Hantidhowrka.

Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, ka qaybgalayaashu waxa ay diiradda saareen halbeegga iyo tilmaamayaasha waxqabadka, ururinta iyo adeegsiga xogta, dabagalka natiijooyinka hay’adda, diyaarinta warbixinnada waxqabadka iyo nidaamyada lagu la socdo hirgelinta talooyinka Baarista Hantidhowrka.

Arrintan ayaa qayb ka ah iskaashiga 2025–2027 ee u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Hindisaha Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo AFROSAI-E, kaas oo lagu taageerayo hirgelinta mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Xafiiska, horumarinta awoodda Xafiiska iyo xoojinta waxqabadkiisa.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Hay’adda Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar (ASA) ayaa maanta mag...
14/09/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Hay’adda Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar (ASA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon-is-weydaarsi afar maalmood soconaya oo ku saabsan “Istaraatiijiyadaha iyo Xirfadaha Ogaanshaha Xadgudubyada Maaliyadeed.”

Aqoon-is-weydaarsiga, oo soconaya 14 ilaa 17 September 2026, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira ogaanshaha khaladaadka iyo xadgudubyada maaliyadeed, qiimeynta khataraha qiyaanada iyo wax-is-daba-marinta, iyo hababka loo maro baarista arrimahaas.

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa tilmaamay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay horumarinta awoodda xirfadeed ee howl-wadeennada Xafiiska.

“Xoojinta awoodda Hantidhowrayaasha ee ogaanshaha xadgudubyada maaliyadeed iyo khataraha qiyaanada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta hantida dadweynaha. Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu naga taageerayaa horumarinta xirfadaha lagu qiimeeyo khataraha, lagu helo caddeymaha ku habboon, laguna soo tebiyo natiijooyinka baarista,” ayuu yiri Mudane Mukhtaar.

Ku-xigeenka Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mohamud Khalid Tawfiq, oo ka qaybgalay munaasabadda furitaanka, ayaa dhankiisa xusay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan wada-shaqeynta sii kordheysa ee u dhexeysa Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee labada dal. Waxa uu muujiyey taageerada ay Masar siinayso sii xoojinta iskaashigan iyo dadaallada lagu horumarinayo daahfurnaanta, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Aqoon-is-weydaarsigan waa kii labaad oo muddo sanad gudihiisa ah ay khubaro ka socda Hay’adda Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo howl-wadeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Bishii July 2026, Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Masar waxa ay si wadajir ah u qabteen tababar afar maalmood socday oo ku saabsanaa “Istaraatiijiyadaha La-dagaallanka Musuqmaasuqa,” kaas oo diiradda lagu saaray fahamka musuqmaasuqa iyo saameyntiisa, dowlad wanaagga, qaab-dhismeedyada sharci iyo hay’adeed, iyo diyaarinta iyo hirgelinta istaraatiijiyadaha la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Barnaamijyadan waxa ay qayb ka yihiin iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya iyo Masar, kaas oo looga gol leeyahay horumarinta awoodda xirfadeed, isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo xoojinta iskaashiga labada hay’adood.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu mudnaan siinayaa horumarinta kartida howl-wadeennadiisa iyo casriyeynta hababka baarista Hantidhowrka, si loo sii xoojiyo tayada shaqada, isla-xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi uu Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka ...
11/09/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi uu Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Carabta (ARABOSAI) ku qabtay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, intii u dhexeysay 1da ilaa 5da September ee sanadkan.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saaray Heerarka Xisaabaadka Maaliyadda ee Hay’adaha Dawliga ah (IPSAS), gaar ahaan IPSAS 1 iyo IPSAS 3.
Ka qaybgalayaashu waxa ay wadaageen aqoon ku saabsan diyaarinta iyo soo-bandhigista warbixinnada maaliyadeed, dejinta siyaasadaha xisaabaadka, dib-u-eegista qiyaasaha xisaabeed, marka xog cusub soo baxdo, iyo saxidda khaladaadka ku jira warbixinnada maaliyadeed.

Aqoon-is-weydaarsigu waxa uu sidoo kale fursad u ahaa is-weydaarsiga khibradaha la xiriira adeegsiga heerarka IPSAS iyo sida ay uga qayb qaataan tayeynta warbixinnada maaliyadeed ee hay’adaha dawladda.

Ka-qaybgalka Xafiiska ee barnaamijkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, laguna xoojinayo tayada Baarista Maaliyadeed, iyada oo la raacayo heerarka xirfadeed ee caalamiga ah.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi ay hay’adaha xubnaha ka ah Ururka Hay’adaha Hanti...
05/09/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi ay hay’adaha xubnaha ka ah Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee AFROSAI-E diiradda ku saareen sidii qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare loogu xiri lahaa natiijooyin la taaban karo, loona xaqiijin lahaa in shaqada baarista hantidhowrku ay gaarto saameynta laga filayo.

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika intii u dhexeysay 31ka August ilaa 4ta September, 2026, ayay ka qaybgalayaashu kaga doodeen sidii hay’adaha xubnaha ka ah AFROSAI-E isaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-ku-oolnimada baarista hantidhowrka, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta mudnaanta istaraatiijiyadeed.

Ka-qaybgalka aqoon-is-weydaarsigan waxa uu Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS u ahaa fursad uu hay’adaha dhiggiisa ah kula wadaagayay waayo-aragnimadiisa, isla-markaana uga kororsaday hababka lagu horumariyo qorsheynta iyo maamulka istaraatiijiyadeed, tayada, maareynta khataraha, iyo dhijitaaleynta shaqada baarista, si loo xoojiyo tayada iyo natiijooyinka baarisyada hantidhowrka.

Madashu waxa ay kulmisay khubaro iyo saraakiil sare oo ka socday Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee xubnaha ka ah AFROSAI-E, waxaana gabagabadii hoosta laga xariiqay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha istaraatiijiyadeed loo beddelo ficillo iyo natiijooyin la cabbiri karo, si Hay’adaha Hantidhowrka Sare ay si wax-ku-ool ah uga qayb qaataan xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo ka gudanaya waajibaadkiisa sharci, adeegsanayana aqoonta iyo xirfadaha shaqaalihiisa, waaya-aragnimadiisa hay’adeed, iyo iskaashiga farsamo ee hay’adaha dhiggiisa iyo saaxiibada horumarinta, waxa uu sii xoojinayaa dadaallada lagu horumarinayo in shaqada baarista hantidhowrku ay horseeddo natiijooyin muuqda oo taageeraya isla-xisaabtanka iyo dowlad wanaagga, si waafaqsan qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee Xafiiska.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay hadalna ka jeediyey Shirka Aasaaska Ururka Hay...
03/09/2026

Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay hadalna ka jeediyey Shirka Aasaaska Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Afrika ee ku Hadla Af-Carabiga (AFROSAI-A), kaas oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

AFROSAI-A ayaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS u doortay Hantidhowraha Dibadda ee Keydsan (Alternate External Auditor) ee Ururka muddada 2026–2029, halka Hantidhowrka Guud ee Aljeeriya loo doortay Hantidhowraha Dibadda ee AFROSAI-A muddada 2026–2029.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa AFROSAI-A, oo ka kooban sagaal dal, uga mahadceliyey kalsoonida ay siisyeen Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ururku ka gudbay marxaladda aasaaska, una gudbay heerka hawlgalka iyo wax-ku-oolnimada, si loo xoojiyo iskaashiga xirfadeed ee u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee xubnaha ka ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in AFROSAI-A ay tahay madal muhiim ah oo lagu xoojin karo is-weydaarsiga aqoonta, horumarinta awoodaha hay’adaha iyo fulinta barnaamijyo hantidhowr oo wadajir ah.

Hantidhowrayaasha Guud ee dalalka Masar, Liibiya, Aljeeriya, Marooko iyo Tuunis ayaa Xafiiska Hantidhowraha Guud ee JFS uga mahadceliyey kaalinta wax-ku-oolka ah ee uu ka qaatay diyaarinta iyo tifaftirka dukumentiyada aasaaska Ururka.

Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Afrika ee ku Hadla Af-Carabiga (AFROSAI-A), oo ka duulaya mabaadi’da iyo iskaashiga xirfadeed ee AFROSAI, ARABOSAI iyo INTOSAI, ayaa kaalin muhiim ah ka qaadanaya horumarinta Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee dalalka xubnaha ka ah.

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya (XHGS) iyo Türkiye (TCA) ayaa magaalada Ankara ku soo gabagabeeyay wejiga saddexaad e...
22/08/2026

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya (XHGS) iyo Türkiye (TCA) ayaa magaalada Ankara ku soo gabagabeeyay wejiga saddexaad ee hirgelinta Heshiiska Iskaashiga labada hay’adood, kaas oo ku saabsanaa Baarista Nidaamyada Macluumaadka (Information System Audit).

Barnaamijka oo qabsoomay 17 ilaa 21 August 2026, isla-markaana ay taageertay Hay’adda Iskaashiga iyo Is-uduwidda Türkiye (TİKA), ayaa lagu falanqeeyay qiimeynta baariyada khataraha nidaamyada macluumaadka, habraacyada baarista, amniga macluumaadka, falanqaynta xogta, adeegsiga Garaadka Macmalka ah (AI) ee baarista, iyo isweydaarsiga khibradaha labada hay’adood.

Khubarada TCA ayaa wafdiga Xafiiska la wadaagay aqoon, habraacyo iyo khibrado wax-ku-ool ah oo la xiriira Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyada oo casharrada iyo doodaha la wadaagay lagu xoojiyay tusaalooyin laga soo keenay shaqooyinka baarista.

Barnaamijka waxa kale oo qeyb ka ahaa booqasho aqoon-kororsi ah oo wafdigu ku tagay xarunta dhexe ee HAVELSAN ee magaalada Ankara, halkaas oo loogu soo bandhigay shaqada iyo teknoolojiyadaha casriga ah ee ay xaruntu hirgelisay.

Iskaashiga waxa uu gacan ka geysanayaa isweydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, kobcinta awoodda xirfadeed ee Baarista Nidaamyada Macluumaadka, iyo xoojinta iskaashiga labada hay’adood.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu uga mahadcelinayaa TCA iyo TİKA taageerada, martigelinta iyo kaalinta ay ka qaateen hirgelinta barnaamijkan.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo D...
20/08/2026

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (XHGS) ayaa si rasmi ah uga mid noqday Koox-hawleedka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Dhaqista Lacagaha (WGFACML) ee Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka Sare (INTOSAI).

Arrintan ayaa timid kadib kulankii 19aad ee Kooxda, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay (18–20 August 2026) ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxaa kulanka ku matalayay Agaasimaha Baarista U-hoggaansanaanta ee XHGS, kaas oo kooxda horteeda ka jeediyay hadal uu uga mahadceliyay xubinnimada Xafiiska ee WGFACML.

Ku biirista WGFACML waxa ay XHGS u suurtagelineysaa in uu kaalin mug leh ka qaato la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo dhaqista lacagaha, isla-markaana uu si dhow ula shaqeeyo Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee caalamka, gaar ahaan horumarinta mihnadda iyo xirfadaha Hantidhowrka, si baarisyada ay sameeyaan ay gacan uga geystaan la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo dambiyada la xiriira maaliyadda.

Intii uu socday kulanka WGFACML, waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta xogta milkiilayaasha dhabta ah, korjoogteynta iibka iyo qandaraasyada dowladda, iyo maareynta khataraha la xiriira musuqmaasuqa, qiyaanada iyo dhaqista lacagaha.

Xubinnimadan waxa ay XHGS uga dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo h**e loogu qaaday xoojinta ka-qaybgalka Xafiiska ee dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo wax-ku-oolnimada korjoogteynta hay’adaha dowladda.

Address

Villa
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Office of the Auditor General FGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Office of the Auditor General FGS:

Shortcuts

Share