11/04/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa tababar ku saabsan “Ilaalinta iyo Dhowrista Dakhliga Kastamyada Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha” u qabtay hawlwadeenadiisa.
Tababarka, oo uu bixiyey Lataliyaha Sare ee Maamuulka iyo Maareynta Dakhliga Gudaha ee XHGS Maxamed Yusuf Sheekh, ayaa diirrada lagu saaray Baarista Kastamyada (Customs Audit/Inspection), gaar ahaan hababka lagu hubiyo dakhliga Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha, iyo sida lagu ogaado khaladaadka maamul ama maaliyadeed ee ay suurtagalka tahay in ay ka dhacaan.
Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ahayd in la xoojiyo xirfadaha baarista kastamyada ee howlawadeenada Xafiiska, adkeynta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka la xiriira dakhliga dowalada, yareynta khaladaadka wax-isdaba-marin ee dhici kara iyo hubinta in khaqliga dowlada si sax ah loo diiwaangeliyo.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa tababarkan uga gol lahaa in uu sare ugu qaado tayada shaqo iyo karaanka hawlwadeenadiisa, si loo xoojiyo ilaalinta hantida iyo khayraadka dadwaynaha.
08/04/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu soo saaray "Bayaan Rasmi ah" oo ku saabsan dukumentiyada looga baahan yahay diiwaangelinta heshiisyada shaqo iyo qandaraasyada dowladda ee "Heer Federaal", waxaana bayaankan uu si toos ah u khuseeya shirkadaha, ganacsatada, shaqsiyaadka la macaamilaya hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee looga baahan yahay dhaqangelinta nidaamkan.
Akhri bayaanka si aad u ogaato dukumentiyada iyo shuruudaha loo baahan yahay, iyo masuuliyadda ka saaran dhinacyada ay khuseyso.
06/04/2026
Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Gutaale, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, kaas oo ku saabsanaa fulinta heshiiska Is-fahamka ah (MoU) ee u dhexeeya Maxkamadda Xisaabaadka ee Turkiga iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Heshiiskan oo la saxiixay July 2025 ayaa ku qotoma iskaashi la xariira horumarinta aqoonta iyo xirfadda hantidhowrista, waxaana Hantidhowraha Guud intii uu socday kulanka uu tilmaamay muhiimadda heshiiska iyo dowrka ay hirgelintiisa ka qaadanayaan hay’adda TİKA iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Danjire Alper Aktaş ayaa si diirran u soo dhoweeyey Hantidhowraha Guud, Mudane Axmed Ciise Gutaale, isagaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay taageerada dhaqangalka heshiiska iyo wada-shaqeynta hay’adaha Hantidhowrka Guud ee labada dal, isaga oo sidoo kale sheegay in horumarinta Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ay muhiim u tahay horumarka iyo hirgelinta mabaadiida dowlad wanaagga iyo hufnaanta.
06/04/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabtay kulan shaqo oo ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, iyo Agaasinka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iyo fududeynta dukumentiyada ku xiran diiwaangelinta iyo fulinta heshiisyada iyo qandaraasyada ay qaybta ka yihiin hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankani waxa uu muhiim u yahay xoojinta nidaamka dowladeed, hagaajinta habsami-u-socodka shaqada hay’adaha, iyo adkaynta isla-xisaabtanka maamulka guud. Sidoo kale, waxa uu door muuqda ka qaadanayaa xaqiijinta in heshiisyada iyo qandaraasyadu u socdaan si waafaqsan nidaamka, sharciyada, iyo habraacyada dowladda, taas oo lagama maarmaan u ah ilaalinta danaha qaranka iyo kor-u-qaadidda kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.
Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu aaminsan yahay in isku xirnaanta hay’adaha, mideynta fahamka habraacyada, iyo dardargelinta geeddi-socodka dukumentiyadu ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo hufan, maamul sugan, iyo adeeg dowladeed oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo daahfurnaan.
02/04/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u eegis gaar ah ku sameeyey heshiisyada kirada dhulka dowladda ee 𝟕 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 oo kamid ah shirkadaha ganacsiga gaarka ah ee ka howlgala xerada Bootiko, ama Xalane, ee magaalada Muqdisho.
Dib u eegista gaarka ah ee lagu sameeyey heshiiska kirada dhulka ee 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐊𝐀 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 ayaa muujisay in shirkaddu ay ku ganacsanayso dhul dowladeed oo cabbirkiisu ku dhow yahay 𝟒𝟎,𝟎𝟎𝟎 𝐒𝐐𝐌, isla markaana ay dowladda uga baaqatay lacag dhan 𝐔𝐒 $𝟖𝟔𝟎,𝟎𝟎𝟎.𝟎𝟎.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa Warbixinta Dib u eegista gaarka ah ee heshiiska kirada dhulka ee Shirkadda SKA International Group la wadaagay 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐮𝐮𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚.
01/04/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon-is-weydaarsi ku saabsan "Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa", kaas oo socday muddadii u dhexeysay 30ka Maarso ilaa 1da Abriil, 2026.
Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo habraacyada ka hortagga musuqmaasuqa.
Hirgelinta aqoon-is-weydaarsigan waxa ay ku timid iskaashi u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC, iyada oo UNODC ay bixisay taageero farsamo, halka Xafiiska Hantidhowrka Guud uu lahaa hoggaaminta iyo jihaynta aqoon-is-weydaarsiga.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu uga mahadcelinayaa UNODC taageerada farsamo ee ay ka geysteen aqoon-is-weydaarsigan, iyo dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka qayb qaatay.
31/03/2026
Fulinta talooyinka hantidhowrku waa halka ay ka bilaabato faa’iidada dhabta ah ee baarista hantidhowr. Talooyinka hantidhowrku waxa ay ka caawiyaan hay’adaha dowladda in ay saxaan gaabisyada jira, xoojiyaan nidaamyada shaqada, ilaaliyaan hantida guud, isla markaana wanaajiyaan adeegyada ay bulshada u hayaan. Xogta 2024 waxa ay muujineysaa horumar wanaagsan, iyadoo 46.9% talooyinka si buuxda loo fuliyey, halka 32.7% ay weli ku jiraan heerka fulinta.
Fadlan halkan ka akhri xogtaas oo faahfaahsan:
https://is.gd/qN2vv7
26/03/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu wadaa horumarinta Hagaha Erey-bixinta Hantidhowrka Guud, si loo helo eray-bixin cilmiyeed oo English iyo Soomaali ah oo sax ah, isla markaana la isku waafaqsan yahay.
25/03/2026
Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa Xarunta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socday Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Intii uu socday kulanka, Hantidhowraha Guud waxa uu saxiixay warbixinadii ugu dambeyay ee baarista hantidhowr ee Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika iyo shan mashruuc oo heer gobol ah. Sidoo kale, waxa uu ansixiyay qorshaha baarista sannadkan ee la bilaabayo bisha Abriil 2026, waxaana kulanka goobjoog ahaa Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud, Mudane Cabdijamaal Ismaaciil.
Tallaabadan waxa ay muujinaysaa iskaashiga u dhexeeya Hay’adaha Hantidhowrka Guud ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, si loo xaqiijiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka heer gobol.
23/03/2026
𝐁𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐝𝐡𝐨𝐰𝐞𝐲𝐧!
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS (SAI Somalia) waxa uu soo dhoweynayaa dhismaha iyo ku soo biirista Xafiiska Hantidhowrka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Hantidhowrka Guud ee Federaalka.
Waxa aan bogaadineynaa tallaabada waxtarka leh ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari u qaadday hirgelinta iyo horumarinta Xafiiskiisa Hantidhowrka Guud.
19/03/2026
𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧!
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidda Soon-fur (Ciidul-Fitriga).
Farxad, caafimaad, nabad iyo barwaaqo kula ciida Muslimiinta oo dhan, Illaaheyna ha naga aqbalo Soonkii, Salaaddii, Ducadii, iyo dhammaan acmaashii suubbaneyd ee aan ku gudannay intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.
𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙✨
08/03/2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu bogaadinayaa haweenka Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda, iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarka iyo hufnaanta dowladnimada Soomaaliya. Maanta, oo ku beegan "Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka", waxa aan si gaar ah u xusaynaa halganka iyo dhabar-adeegga haweenka, anaga oo xoojinayna doorkooda hoggaamineed iyo kaalinta lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.
Haweenka Soomaaliyeed waa tiir-dhexaadka bulshada, waxa ayna mar kasta ku suntan yihiin dedaal, karti iyo hufnaan la mahadiyey oo saldhig u ah maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida qaranka.
Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu munaasabaddan awgeed hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed - meel kasta oo ay joogaan - waxa uuna u rajaynayaa horumar iyo guul waarta.
Hambalyo Maalinta Haweenka Adduunka! 💐