15/02/2020
7 SABABOOD OO BARAKADA LAGU HELO
BARAKADA NOLOSHA QOFKA MUSLIMKA AH.
Barakada waa kheyr Allah bixiyo oo shaygii ama Qofkii la siiyo ama la galiyo uu kheyrkiisa iyo nafaciisa bato, wax yar hadii la barakeeyo wuu bataa, waxaa badanna wuxuu noqdaa mid wax tara.
والبركة: هي ثبوت الخير الإلهي في الشيء؛ فإنها إذا حلت في قليل كثرته، وإذا حلت في كثير نفع، ومن أعظم ثمار البركة في الأمور كلها إستعمالها في طاعة الله عز وجل.
1. Dhawr soonaanta laga dhawr-sado xumaanta , macaasida , Allahna laga xishoodo iyo in la talo saarto isaga lana aamino.
{وَمَن يَتَّقِ اللَّهَ يَجْعَل لَّهُ مَخْرَجاً . وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ} [الطلاق:2-3]،
2. Istiqfaarta ama In Allah laga tuugo danbi dhaaf iyo ceeb-asturaad waayo gefafka iyo macaasida waxay keenan in Barakada la waayo
{فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إنَّهُ كَانَ غَفَّاراً . يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَاراً . وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَاراً} [نوح:10-12]، وقال جلَّ شأنه: {وَأَنِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إلَيْهِ يُمَتِّعْكُم مَّتَاعاً حَسَناً إلَى أَجَلٍ مُّسَمًّى وَيُؤْتِ كُلَّ ذِي فَضْلٍ فَضْلَهُ} [هود:3].
3.In Allah la waydiisto Barakada.
Baryada Allah waa sababta lagu helo Barakada iyo kheyrka. Ha Illawin in aad Markasta Allah barido oo aad kheyr oo dhan waydiisato .
فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «بَارَكَ اللهُ لَكُمَا فِي غَابِرِ لَيْلَتِكُمَا»
Waa ducadii Nabigu Sallalahu Calayhi wasalam, ugu duceeyay Abii dalxa iyo xaaskiia Allahna wuxu sii 10 wiil xufaad ah.
4. Toosnaanta , kasabka xalaasha aha , dhawr-soonanta, Xaaraanta iyo wixii shaki ku jiro oo laga dheeraado .
Qofki Barakada raba waa in uu ku dadalaa , Runta, Ammaanada, dhawr-soonaanta iyo Is-ilaalinta.
رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «البَيِّعَانِ بِالخِيَارِ مَا لَمْ يَتَفَرَّقَا، -أَوْ قَالَ: حَتَّى يَتَفَرَّقَا- فَإِنْ صَدَقَا وَبَيَّنَا بُورِكَ لَهُمَا فِي بَيْعِهِمَا، وَإِنْ كَتَمَا وَكَذَبَا مُحِقَتْ بَرَكَةُ بَيْعِهِمَا» (متفق عليه: رواه البخاري [2079]، ومسلم [1532]
5. Samafalka , Xiriirinta qaraabada iyo dhaqanka wanaagsan
عن أنسٍ رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ فِي رِزْقِهِ، وَيُنْسَأَ لَهُ فِي أَثَرِهِ، فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ» (متفق عليه: رواه البخاري
Qofkii raba in xoolaha iyo maalka loo badiyo, cimrigana loo barakeeyo Qaraabadiisa ha xiriiriyo.
وعن عائشة رضي الله عنها قَالَتْ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم: «صِلَةُ الرَّحِمِ وَحُسْنُ الخُلُقِ وَحُسْنُ الْجِوَارِ، يَعْمُرَانِ الدِّيَارَ، وَيَزِيدَانِ فِي الْأَعْمَارِ» (رواه أحمد [25259]
Xiriirinta Qaraabada, Akhlaaqda wanaagsan iyo samfalka dariska dhulka aya ku cammirma sidoo kale waxay kordhiyaan cimriga qofka.
6. Waqtiga oo la nadaamsado , laga faa,iidaysto waana waajib weyn oo qofka muslimka ah saaran in uu san waqtigiisa dayacin.
النبيَّ صلى الله عليه وسلم قال: «اللَّهُمَّ بَارِكْ لِأُمَّتِي فِي بُكُورِهَا»،
"Ilaahayow Umaddayda u barakee jarmaadada/kallahaada ".
Muslim iyo gaal waxaa la isku raacsan yahay Jarmaadadu in ay barakaysan tahay oo qofkii raba in uu meel gaaro aakhiro iyo aduunba ay tahay in uu ka faa,iidaysto.
7. Deeqsinimada , gacan furnaanta iyo wadajirka.
{مَثَلُ الَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنْبَتَتْ سَبْعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنْبُلَةٍ مِّائَةُ حَبَّةٍ وَاللَّهُ يُضَاعِفُ لِـمَن يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ} [البقرة:261]،
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «كُلُوا جَمِيعاً وَلَا تَفَرَّقُوا؛ فَإِنَّ طَعَامَ الْوَاحِدِ يَكْفِي الِاثْنَيْنِ، وَطَعَامَ الِاثْنَيْنِ يَكْفِي الثلاثة والْأَرْبَعَةَ، كُلُوا جَمِيعاً وَلَا تَفَرَّقُوا؛ فإن البَرَكَة في الجماعة» (رواه ابن ماجة [3287]،
Wax isla cuna oo ha kala tagina, cuntada hal qof loogu talagay waxay ku filantahay labo qof, tan labaduna sedex iyo afar , Wax isla cuna ha kala tagina waayo Barakadu waxay ku jirtaa wada jirka.
Intan qayb ka mid ah asbaabta barakada keenta oo aad u badan .
Allah ha naga dhigo kuwo barakaysan oo wax tarkoodu bato.
Amiin.
BARWAAQO.