Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Share

SOMALI NATIONAL TELEVISION SNTV is regulated by the Ministry of Information, Culture & Tourism Federal Government of Somalia

Industry Broadcasting

Founded 1983

2011 (re-launch)

Headquarters Mogadishu, Somalia
Area served

Somalia & abroad (satellite)

Owner Federal Government of Somalia

Daud Aweis is the Minister of Information of Federal Government of Somalia

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main responsibility is to provide public service broadcasting throughout the country.

01/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.

Wadahadallada labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eswatini.

Dr. Gina ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Eswatini ay u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada Afrika, is ixtiraamka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha iyo mudnaanta guud.

01/06/2026

Isku soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah ayaa lagu qabtay degmada Wadajir.

01/06/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud "Dhawaan waxaa deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka bilaaban doona howlgallo ka dhan ah Khawaarijta."

01/06/2026

Munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee Waxbarashada gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu qabtay degmada Afgooye.

Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 01/06/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (Sida), kuwaas oo ay hoggaaminaysay Annika Jayawardena, Ku-xigeenka Madaxa Qeybta Bariga iyo Geeska Afrika ee Xarunta Hay’adda Sida. Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ahaa Madaxa Iskaashiga Soomaaliya ee Safaaradda Sweden.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada maareynta musiibooyinka, yareynta khataraha masiibooyinka, iyo horumarinta nidaamyada digniinta h**e ee dalka. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday Xarunta Xogta ee SoDMA (Data Center), waxayna u kuur-galeen hababka ururinta, falanqeynta iyo faafinta xogaha digniinta h**e.

01/06/2026

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands ayaa bilaabay lacag uruurin lagu taageerayo dib u dhiska Guri weyn oo safaaradda Soomaaliya ku leedahay Biljamka kaas oo burbur xoog leh ka muuqdo.

01/06/2026

Wareysi: Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Francesca Di Mauro oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Warbaahinta Qaranka ayaa shaacisay in bisha October 2026 la qaban doono shirweyne maalgashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

01/06/2026

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

01/06/2026

Kulan ay qurba-joogta Soomaaliyeed ku qabteen Muqdisho oo looga hadlay maalgashiga dalkeenna.

01/06/2026

Sheekh Maxamed Cumar (Dirir) "Qabyaaladu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha saameeyay aduunkeyna iyo aaqiradeyna.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jamaal Abdinasir Street
Mogadishu