Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Call Directions Website Contact the organization

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SOMALI NATIONAL TELEVISION SNTV is regulated by the Ministry of Information, Culture & Tourism Federal Government of Somalia
(1434)

Industry Broadcasting

Founded 1983

2011 (re-launch)

Headquarters Mogadishu, Somalia
Area served

Somalia & abroad (satellite)

Owner Federal Government of Somalia

Daud Aweis is the Minister of Information of Federal Government of Somalia

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu, the nation's capital, its main responsibility is to provide public service broadcasting throughout the country.

03/11/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdullaahi Xayir Ducaale "Wasaaradda Warfaafinta waxay door weyn ka qaadatay, sidii dadweynaha loogu wacyigelin lahaa doorashooyinkii ka dhacay dalka."

03/11/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa si rasmi ah u furay Shirka Horumarinta Waxbarashada Reer Guuraaga.

03/11/2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maalintii saddexaad ee shirka khibrad-wadaagga kulan la yeeshay bulshada rayidka, oo ay ka mid yihiin Golaha Haweenka Qaranka iyo culimada Soomaaliyeed.

03/11/2026

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir: “Jaamacado ka socda afar dal ayaa iska kaashanaya sidii bulshada reer guuraaga ah loo gaarsiin lahaa fursado waxbarasho oo ballaaran.”

03/11/2026

Horumarka dhismaha caasimadda oo dardar ku socda, iyadoo injineerrada dalka wax ku bartay ay qayb ka yihiin kobaca Muqdisho. (Warbixin)

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA IYO WAFDIGIISA OO XAFLAD SOO DHOWEYN AH LOOGU SAMEEYEY CAASIMADDA JAMHUURIYADDA JABUUTI.Dji...
03/11/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA IYO WAFDIGIISA OO XAFLAD SOO DHOWEYN AH LOOGU SAMEEYEY CAASIMADDA JAMHUURIYADDA JABUUTI.

Djibouti City, Djibouti – 03 November 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa caasimadda wadanka aan walalaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti uga qeyb galay xaflad casho sharaf ah oo isaga iyo wafdigiisa uu u sameeyey Guddoomiyaha Golaha Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, taasoo ka tarjumaysa walaaltinimada qotada dheer, is-qaddarinta iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Maamuuska qiimaha badan iyo martigelinta milgaha leh ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa ku tilmaamay mid ka turjumeyso walaaltinimada, kalsoonida iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Jabuuti, oo ay mideeyaan af, dhaqan, taariikh iyo masiir-wadaag, isla markaana sii xoojinaya xiriirka ku dhisan saaxiibtinimada, is-ixtiraamka iyo sidoo kale iskaashiga baarlamaannada labada dal.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, ayaa k...
03/11/2026

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (ISA) ee New Delhi

New Delhi, Hindiya – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Caalamiga ah ee Tamarta Qorraxda (International Solar Alliance – ISA), oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Hindiya, Mudane Narendra Modi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen madax, wasiirro, wakiillo dowladeed iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 130 waddan.

Khudbaddiisii furitaanka, Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta tamarta nadiifta ah, ilaalinta deegaanka iyo xaqiijinta helitaanka tamar waarta. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta iyo khibradda farsamo si caddaalad ah loo gaarsiiyo dhammaan waddamada, gaar ahaan dalalka Afrika.

Waxa uu sidoo kale soo bandhigay hindisaha Sanduuqa Tamarta Qorraxda ee Afrika oo dhan 200 milyan oo doollar, kaas oo loogu talagalay dhiirrigelinta mashaariicda tamarta qorraxda iyo ballaarinta helitaanka tamar nadiif ah ee dalalka Afrika.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in awoodda tamarta aan shidaalka laga dhalin ee Hindiya ay gaartay 308 gigawatt (GW), iyadoo hiigsanaysa in ay gaarto 500 GW marka la gaaro sannadka 2030. Waxa uu sidoo kale tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka badan 220 bilyan oo doollar ee laga filayo waaxda tamarta nadiifta ah ee Hindiya dhammaadka tobankan sano.

Intii uu khudbadda jeedinayey, waxa uu tusaale u soo qaatay barnaamijyada PM Surya Ghar iyo PM-KUSUM, kuwaas oo dhiirrigelinaya adeegsiga tamarta qorraxda ee guryaha iyo beeraha, isaga oo ku baaqay in waddamada xubnaha ka ah ISA ay xoojiyaan iskaashiga iyo wada-shaqaynta ku aaddan horumarinta tamar nadiif ah oo waarta.

Wafdiga Soomaaliya waxaa sidoo kale ka mid ahaa diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee shirweynahan caalamiga ah wuxuu muujinayaa muhiimadda ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta, gaar ahaan horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo, soo jiidashada maalgashiga iyo ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoolajiyadeed ee kor u qaadi kara helitaanka tamar nadiif ah oo waarta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY MADAX-DHAQAMEED KA YIMID GOBOLLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYAMuqdisho, 03 Nofeembar 2026:...
03/11/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY MADAX-DHAQAMEED KA YIMID GOBOLLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA

Muqdisho, 03 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee (Somaliland), kuwaas oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Muqdisho.

Madax-dhaqameedka uu Madaxweynuhu qaabilay ayaa kala ah Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee adkaynta is-fahamka iyo isku-duubnida ummadda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay madax-dhaqameedku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed ay yihiin tiirar muhiim u ah xoojinta walalinimada, kalsoonida iyo midnimada ka dhaxeysa dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

02/11/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha wadanka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO QASRIGA MADAXTOOYADA JABUUTI KULA KULMAY MADAXWEYN...
02/11/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO QASRIGA MADAXTOOYADA JABUUTI KULA KULMAY MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI.

Djibouti City, Djibouti – 02 November 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti (Palais Présidentiel) kula kulmay Madaxweynaha wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo ay mideeyaan dhalasho-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh soo jireen ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay in xiriirka laba dal ee walaalaha ah uusan ku koobneyn keliya xiriir diblomaasiyadeed balse uu salka ku haayo walaaltinimada qotodheer ee labada shacab iyo masiir-wadaagga ka sarreeya xuduudaha siyaasadeed, islamarkaana xiriirkaas soo jireenka uu saldhig adag u yahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada dal.

Address

Jamaal Abdinasir Street
Mogadishu

Telephone

+2521861035

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed:

Shortcuts

Share