Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Share

Cilmibaarista dhaqanka, afka, suugaanta iyo sayniska.

01/06/2026

Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), Kusimaha Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta "Af-Soomaaligu waa inuu la jaanqaadaa horumarka aqoonta iyo tiknoolojiyadda si bulshadu uga faa’iidaysato isbeddellada casriga ah.”

Photos from Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta's post 01/06/2026

Xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA (AGA) ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda daahfurka ereybixin ku saabsan Amniga Saybarka (Cyber Security Terminology) oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta , Akademiye Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kusimaha Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta, kusimaha Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA , Maareeyaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay munaasabadda.

Prof Cabdalla Cumar Mansuur kusimaha Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Afka Soonaaliga ee AGA ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimadda ay leedahay in eraybixin loo sameneyo Aminga Saaybarka isaga oo halkaasi kusoo bandhigay tusaalooyin waxku-ool ah oo ay ka faa'ideen bulshadii goobta ku sugneyd.

Kusimaha Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar ay waxa uu sheegay in guddiyada loo diyaariyay ka shaqeynta eraybxinta Amniga saaybarka looga fadhiyo hawl muhiim ah maaddaama Amniga Saaybarku ka mid yahay cilmiga tiknoolajiga.

Ugu dambeyn Maareeyaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Musdafa Sheekh Yaasiin ayaa waxa uu u mahadceliyay Madaxda labada Akademiyo shaqada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyo sida ay waqti weliba ugu heelan yihiin inay soo bandhigaan cilmbaarisyo waxtar leh, waxa uuna sheegay in guddiyada loo xilsaaray hawlaha eraybixinta Amniga Saaybarka looga fadhiyo hawl adag.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XIRIIEKA DADWEYNAGA EE AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA

31/05/2026

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Akademiya Goboleedka (AGA) iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabanaya ereybixin ku saabsan Amniga Saybarka (Cyber Security Terminology).

Maalinta berri oo ay taatiikhdu tahay 1/6/2026, waxaa xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA (AGA) lagu qabanayaa xafladda daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security Terminology) oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta , Akademiye Goboleedka af Soomaaliga ee (AGA) iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, cilmibaarayaal iyo qaar ka mid ah labeenta bulshada ayaa lagu martiqaaday daahfurka.

Waa markii ugu horreysay ee ereybixin loo samaynayo Amniga Saybarka (Cyber Security) oo ka mid ah cilmiga tiknoolajiga.

Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada.

26/05/2026

CIID MUBAARAK عيد مبارك

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa hambalyo u diray dhammaan Ummadaha Islaamka gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa awgeed.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sannadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan barwaaqo, isagoona tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay ahaayeen maalmo kheyr iyo baraka ku dheehan.

كل عام وأنتم بخير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

Photos from Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta's post 16/05/2026

GUDDI-HOOSAADYADA GUDDIGA AF SOOMAALIGA OO SOO BANDHIGAY HAWLQABADKOODA RUBACLAHA AH EE SANNADKA 2026

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Af Soomaaliga, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa ka shirguddoomiyay kulanka joogtada ah ee guddi-hoosaadyada Guddiga Af Soomaaaligu ay uga doodaan hawlqabadkooda rubaclaha ah ee sannadka.

Guddi-hoosaadyada Guddiga Af Soomaaliga ayaa soo bandhigay geeddisocodka hawlahooda, iyagoo muujiyay habsami-u-socodka iyo dadaalka ay ugu jiraan ebyidda hawlihii loo igmaday. Kulankan ayaa daarranaa milicsiga waxqabadkii qabsoomay, qiimaynta heerka fulintooda, iyo isweydiinta hawlaha dhammaystirka u baahan.

Gabagabadii, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ku bogaadiyay xubnaha Guddiga Af Soomaaliga dardargelinta hawlaha qaran ee horyaalla, isaga oo kula dardaarmay in ay labajibbaaraan dadaalkooda si, loo gaaro yoolasha qaran ee la hiigsanayo.

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

08/05/2026

Jumca wanaagsan dhammaan Ummadaha Muslimiinta gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Photos from Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta's post 03/05/2026

AKADEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA OO SOO QABANQAABISAY BANDHIGFANEED CASRI AH OO LAGU SOO BANDHIGAY CIYAARDHAQAMEED SOOMAALIYEED

Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka duulaysa horumarinta iyo casriyaynta ciyaara-dhaqameedyada Soomaaliyeed ayaa soo qabanqaabisay bandhigfaneed casri ah oo lagu soo bandhigayay ciyaardhaqameedda Gaddoon, oo laga ciyaaro qeybo badan oo geyiga Soomaaliyeed ka mid ah; iyadoo lagu laray habridmeedka iyo muusigga Afrikaanka ee “Afrobeat”.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ciyaardhaqameedyadu ku leeyihiin dhowridda dhaxalkeenna dhaqan iyo hiddaha soojireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Fanka iyo Suugaanta ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Maxamuud Faarax Warsame (Badmacaaeye) oo goobta ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaantu uga go’antahay casriyaynta iyo horumarinta jaadadka kala duwan ee ciyaaradhaqameedyada, si ay da’yarta Soomaaliyeed isula jaanqaadaan.

Gabagabadii, Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo madasha soo xiray ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqay in ay ku fara-adaygaan hiddahooda guunka ah iyo dhaqankooda suubban.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

03/05/2026

TOOS: BANDHIGGA CIYAARAHA DHAQANKA GADDOON IYADOO LAGU LARAYO MUSIGA AFROBEAT IYO ADEESIGA DIGITAALKA

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Waddada Makka Al Mukarrama, Ka Soo Horjeedka Taallada SYL
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30