Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya

Share

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa hay'ad dastuuri ah, u madax bannaan shaqadiisa.

Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa hay'ad dastuuri madax bannaan, lagu unkay Hindise-Sharciyeed ay ansixiyeen Goleyaasha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, Xeer Madaxweynena lagu soo saaray.

26/05/2026

HAMBALYADA MUNAASABADADA CIIDUL-ADXAA EE SANADKA 1447-H

Muqdisho: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta caalamka ugu hambalyeeynayaa munaasabadda Ciidda Adxaa ee sanadka 1447-H. Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan iyo ducadii maalmaha barakeeysnaa.

Ciiddu waa munaasabad farxadeed sidaas dardeed waxaan rajeyneynaa in dadka Eebbe wax siiyay aay caawiyaan dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda ciidda.

Ugu danbeyn ; Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waxuu hambalyo gaar ah la wadaagaya dhammaan shaqaalaha rayidka ee Dowladda iyo qoysaskooda ee ku dhaqan dhammaan deegaanada kala duwan ee dalka.

caafimaad iyo nabad ku ciidaan.
CIID WANAAGSAN .
____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya.

E-mail:[email protected]
Web: ncsc.gov.so

15/05/2026

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA OO HAMBALYO U DIRAY DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow Maxamed, ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May, taas oo ku beegan aasaaskii ururka gobonnimo doonka Soomaaliyeed (SYL) iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta xusaya sannad-guuradii 83-aad ee aasaaska ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Waxaan idin rajeynayaa guul iyo barwaaqo,” ayuu yiri Guddoomiye Abshiroow.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka soo qaateen guusha iyo horumarka uu dalku haatan ku tallaabsaday.

“Mar kale, hambalyo ayaan leeyahay Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda. Runtii, dalkan waxaa heerkan soo gaarsiiyay waa dadaalka dhallinyarada, ma jirto maalin uu dalkeennu idinkaaga baahi badan yahay. Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad gacmaha is qabsataan si loo gaaro horumar iyo guul,” ayuu yiri Guddomiye Abshiroow.

Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku beegan 15-ka May.

DHALINYARADA WAA CUDUDDA HORUMARKA DAL WALBA.
__________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
E-mail:[email protected]
Website: www. ncsc.gov.so

01/05/2026

HAMBALYADA GUDDOMIYAHA EE MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA EE 1-DA MAY

Muqdisho, 01 May 2026: Guddomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Abshiroow Maxamed ayaa u diraya hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa la asteeyey 1-da May 1919-kii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha adduunku u dabaal-dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxadda qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Guddomiye Xasan Abshiroow ayaa bogaadiyey shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalka iyo hawlkarnimada ay muujiyeen si ay horumar u gaarsiiyaan bulshadooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu u naxariisto shaqaalihii geeriyooday iyagoo u adeegaya shacabkooda, inta dhaawaca iyo waxyeellada soo gaartayna u rajeeyey caafimaad taam ah inuu Eebbe siiyo.

Ugu dambayn; Guddomiye Abshiroow ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda heerarkooda kala duwan inay xil weyn iska saaraan shaqaalaha una diyaariyaan goobo caafimaad ahaan iyo badbaado ahaan ku habboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado inaysan dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xilliyada ay shaqada ku guda jiraan, kuna dhiirri-gelinaysa inay waajibaadkooda u gutaan si hufnaan iyo hawlkarnimo leh.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.
—DHAMMAAD—
____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Photos from Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya's post 30/04/2026

Mudane Axmed Maxamed Xasan oo ka tirsan Xubnaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa ka qeybgalay Munaasabadda Xil Wareejinta Guddoomoyaha Hay'adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka.
___________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya.
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Photos from OPM Office's post 13/04/2026
12/04/2026

HAMBALYADA SANAD GUURADA 66-AAD EE AAS-AASKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.

Muqdisho: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu hambalyo sharaf iyo bogaadin leh u dirayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, munaasabadda sanad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska CXDS, oo ku beegan 12-ka Abriil.

Xuska munaasabaddan qiimaha leh awgeed, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa dhammaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaa oo si geesinimo leh ugu heelan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryeynaa naxariistiisa janno intii ku shahiiday difaaca qaranka, inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah iyo bogsiimo buuxda.

GUULEYSTA GEESHKAYAGOOW!
____________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya

Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Photos from Hodan Hospital 's post 09/04/2026
05/04/2026
Photos from Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya's post 05/04/2026

GUDDIGA QARANKA EE SHAQAALAHA RAYIDKA IYO ISBITAALKA HODAN OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS ISKAASHI OO MUHIIM AH

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Isbitaalka Hodan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo istiraatiiji ah, kaas oo lagu xoojinayo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ay si fudud u heli karaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya in dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ay ka faa’iideysan doonaan qiimo dhimis gaaraysa 50% dhammaan adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Hodan, qofkii danaynaya. Qiimo dhismitan ayaa sidoo kale si toos ah u gaari doonta xubnaha qoysaskooda, taas oo kor u qaadaysa daryeelka guud ee shaqaalaha.

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo daryeelka caafimaad ee shaqaalaha dowladda. Waxa uu xusay in dhammaan shaqaalaha si xur ah oo buuxda uga faa’iideysan karaan qiima dhimista iyo adeegyada la xiriira qofkii danaynayna.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hodan, Dr. Maxamed Isxaaq Cumar, ayaa si diirran u soo dhaweeyay iskaashigan, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay in Isbitaalku bixiyo adeegyo caafimaad oo heer sare ah, la awoodi karo, isla markaana si buuxda ula jaanqaadaya baahiyaha shaqaalaha rayidka iyo qoysaskooda.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu ugu jiro horumarinta badqabka iyo daryeelka caafimaad ee shaqaalaha, gaar ahaan iyadoo weli aan si buuxda loo hirgelin nidaamka Caymiska Qaranka.

___________________________________
Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya.
Website: ncsc.gov.so
E-mail: [email protected]

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Guriga Hooyooyinka, Hamarwayne
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 16:30
Tuesday 09:00 - 15:00
Wednesday 09:00 - 15:00
Thursday 09:00 - 12:00
Saturday 09:00 - 15:00
Sunday 09:00 - 15:00