Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Talo Qaran
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Talo Qaran, Political Party, Mogadishu.
06/05/2026
Ololle ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan taageerayaasha Ururka Siyaasadeedka Talo-Qaran ayaa laga sameeyey xaafadaha magaalada Baydhabo, kaas oo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka qof iyo cod.
Ololahan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista fahamka bulshada ee muhiimadda doorashooyinka, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayey inay si firfircoon uga qeyb qaataan hannaanka doorashada dimuqraadiyadeed.
Waxaa hoggaaminayey ololahan Guddoomiyaha Guud ee Ururka Talo-Qaran, Mr.Cabdwali Cismaan Cabdi Shancad, waxaana ku wehlinayey Wakiilka Koonfur Galbeed ee ururka, musharrixiin u taagan xilalka Wakiilada Kgs iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ee Degmada Baydhabo, iyo xubno kale oo ka tirsan ururka.
Mas’uuliyiintii ka hadlay goobaha ololaha ayaa xusay in ka qeybgalka bulshada ee doorashooyinka qof iyo cod uu yahay tiirka horumarka iyo dimuqraadiyadda, iyagoo shacabka ku boorriyey inay codkooda si xor ah u dhiibtaan.
Xisbigan, oo uu musharrax madaxweyne ka yahay Mr. Xasan Sheekh Isxaaq Xasan Nation, ayaa guud ahaan ka wada deegaanada Koonfur Galbeed—gaar ahaan magaalada Baydhabo—ololaha doorashooyinka Golaha Deegaanka, Golaha Wakiillada iyo tan madaxweynaha.
06/05/2026
Baydhaba 03/05/2026
Musharaxa urur siyaasadedka dhalinyarada Talo Qaran mudane Hassan Sheik Isak Ayaa manta booqasho ku yimid mid kamid ah xafiisyada uu ururku kuleeyahay magaalada baydhabo, isaga oo ukuur galayey shaqada ka socota xafiiska.
Howlwadeenada xisbiga ayaa si mug leh ugu so dhaweyey gudaha xafiiska iyaga oo ugu warbixiyey howlaha maalinlaha ah ee kasocda xafiiska.
Ugu dambeen musharax madaxwayne xasan sheeq isaaq ayaa howl wadeenda xafiiska ku dhiiragaliyey howsha adag ee hayaan islamarkaana ku adkeeyey inay laba jibaaran shaqada.
03/05/2026
03/05/2026
Maanta waxaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga bilowday munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo musharaxa madaxweynaha dowlad goboleedka Kgs , Mudane Dr. Hassan Sheikh Issack Hassan Nation.
Musharaxan oo ka mid ah hogaamiyayaasha Urur siyaasadeedka Dhalinyarada Talo Qaran ayaa si diirran waxaa u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo lagu muujiyay taageerada xooggan ee musharaxa uu ka heysto shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo. Khudbado kala duwan oo halkaasi laga jeediyay ayaa lagu bogaadiyay doorka musharaxa iyo himiladiisa ku aaddan horumarinta dowladnimada, cadaaladda iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn, munaasabaddan ayaa qeyb ka ah ololaha siyaasadeed ee musharaxa, iyadoo la filayo in uu sii wado kulamo isdaba joog ah oo uu la qaadan doono bulshada si uu u soo bandhigo qorshihiisa hoggaamineed.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
