BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change

BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change, Government Organization, HQ Benadir Local Government, Mogadishu.

The Department of Water, Environment and Climate Change works to ensure access to clean water, protect the environment, and build climate resilience in the Benadir Region.

06/05/2026

Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar kasoo saaray shuruucda iyo illaalinta Tayada Biyaha si loo dhowro caafimaadka dadweynaha

01/05/2026

Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Maamulka Gobolka Banaadir.

01/05/2026

WARGELIN

Muwaadin waxay masuuliyad kaa saaran tahay ka hortaga wasaqowga iyo ilaalinta Nadaafada Deegaanka, si gaar ah u Ilaali bullaacadaha, iyo goobaha biyamareennada gaar ahaan inta lagu gudajiro xili roobaadka Guga.

Photos from BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change's post 29/04/2026

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda XFS iyo Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Maamulka Gobolka Benaadir mudane Mahad Baraawe oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, khubaro, ganacsato,ayaa booqday shirkado soo saara bacaha deegaanka u wanaagsan, si loo dardargeliyo joojinta bacaha hal mar la isticmaalo.

Photos from BRA Directorate of Water, Enviroment & Climate Change's post 27/04/2026

𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐃𝐀𝐀𝐇-𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐒𝐁𝐄𝐃𝐃𝐄𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎 (𝟐𝟎𝟐𝟔–𝟐𝟎𝟑𝟎)

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐀𝐛𝐫𝐢𝐢𝐥 𝟐𝟕, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daah-furay qorshaha isbedelka Muqdisho (2026–2030), kaasi oo ah mid hagaya qorshaha istaraatiijiga ah ee caasimadda shanta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar waara iyo kobac dhaqaale

Qorshahan wuxuu si gaar ah diiradda u saaraaye Cutubkiisa Afaraad ilaalinta deegaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada, dhir-beerista, iyo horumarinta adeegyada biyaha si loo yareeyo saameynta fatahaadaha.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Wasiirka Wasaaradda Kulluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culamada, Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

23/04/2026

FARIIN MUHIIM AH!

MUWAADIN BADBAADADA WAA MUDNAANTA KOOWAAD.

FADLAN RAAC TALOOYINKA BADBAADO INTA LAGU JIRO XILLIGA ROOBAADKA .

1. Si degdeg ah ugu guur meelaha sare haddii fatahaad timaado.

2. Demi korontada guriga haddii biyo soo galaan.

3. Ka fogow wadista gaadiidka, dhiiqada iyo meelaha biyuhu ku ururaan.

4. Ha ku socon meelaha biyuhu qoto dheer yihiin.

5. Ka fogow fiilooyinka korontada ee dhacaya ama biyaha dhex yaalla.

6. La soco wararka iyo digniinaha rasmiga ah (raadiyaha & TV-ga).

7. Ka fogow buundooyinka ama waddooyinka ay biyuhu daboolaan.

22/04/2026

World Earth Day

Maalintan waa xasuusin qiimo leh oo ina tusaysa muhiimadda ilaalinta deegaanka iyo badbaadinta khayraadkeenna dabiiciga ah. Dhulku waa hoygeenna, waxaana waajib nagu ah in aan daryeelno, nadiifino

Deegaanka waa nolol — ilaalintiisuna waa waajib.

20/04/2026

Agaasinka Biyaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Maamulka Gobolka Banaadir Mahad Baraawe oo wareysi siiye Radio Ergo Barnaamijkiisa Deegaanka.

19/04/2026

Wasiiru dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada JFS Mudane Axmed Maxamed Cumar oo sheegay in dhirta faa'ido badan u tahay guud ahaan dalka gaar ahaana ah ka caawineyso xaaladaha abaaraha iyo isbeddelka Cimilada, sido kalena sheegay hal ku dhiga sanadkan "Maanta Beer Beri ku Noolow.

19/04/2026

Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajid Daahir Aadan ayaa sheegay in Dowladda hoose ee Xamar ay ka go'an tahay in wadooyinka magaalada caasimadda Muqdisho ay noqdaan kuwa dhammaantood dhireysan.

19/04/2026

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile Maxamuud oo ugu baaqday Bulshada ku dhaqan magaalada in ay ka qeyb qaataan dhireynta Deegaanka

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


HQ Benadir Local Government
Mogadishu