06/10/2026
Agaasimaha Khayraadka Biyaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Mahad Baraawe oo ka qaybgalaya Bandhigga Caalamiga ah ee Biyaha iyo Bullaacadaha ee Afrika
Nairobi, Kenya – 6 October 2026:
Agaasimaha Khayraadka Biyaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Mahad Cabdi Faarax (Baraawe), ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qaybgalaya Africa's International Water & WasteWater Technology Event, oo soconaya inta u dhaxaysa 6–8 October 2026.
Munaasabaddan caalamiga ah ayaa isu keentay khubaro, hay’ado, shirkado iyo daneeyayaal ka shaqeeya maareynta biyaha, adeegyada bullaacadaha, tiknoolajiyadda biyaha iyo xalalka waara ee la xiriira khayraadka biyaha.
Ka qaybgalka Agaasimaha ayaa fursad muhiim ah u ah Maamulka Gobolka Banaadir si uu uga qaybqaato is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada, loogana barto teknoolojiyadaha iyo hababka casriga ah ee lagu horumarin karo adeegyada khayraadka biyaha.
Sidoo kale, munaasabaddan waxay fursad u tahay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa xalal wax-ku-ool ah oo wax looga qaban karo baahiyaha sii kordhaya ee adeegyada biyaha iyo bullaacadaha ee Muqdisho.
Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu sii wadaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo maaraynta khayraadka biyaha, iyadoo la xoojinayo aqoonta, iskaashiga iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah.