قال الرسول -صلّى الله عليه وسلّم-:
إنَّ اللَّهَ لَيُمْلِي لِلظّالِمِ، حتَّى إذا أخَذَهُ لَمْ يُفْلِتْهُ. قالَ: ثُمَّ قَرَأَ {وَكَذَلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَى وَهِيَ ظَالِمَةٌ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ} [هود: 102].
Dr.Abdinasir M Ibrahim
Official page for Abdinasir Mukhtar, former Director General federal Ministry of Health,Somalia.
Waxaan Fahmi waayay Soomaalida Markii Xil-Siyaasadeed eey joogto Waa leesku ciriiriyaa oo lees Riix-riixaa Laakiin Markii eey difaaca Dalka Noqoto Maxaa Loo Kala Dhuuntaa?
Ogoow Waa Ethiopia!!!!
Taariikhbaa Qormeysa, Taariikhdana ayadaa is qorta.
01/07/2024
Hambalyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed 64 guuradii Ka soo wareegtay Midowgii iyo Aas-aaskii Jamhuuriyadda Somaaliya.
MAALINTAA QAAXADA ADUUNKA.
WORLD TB DAY.
Ayadoo maantoo kale dunida laga xuso Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada(TB) oo sanadkaan halku-dhig looga dhigay ‘’ HAA! WAA DHAMEEN KARNAA QAAXADA(TB)’’ ayaa waxey sheegayaan warbixinada eey soo saartay Hey’adda Caafimaadka Aduunka(WHO), in Sanadkii 2022, ku dhawaad 10.6 million oo qof Uu Ku dhacday cudurka Qaaxadda(TB) aduunkoo dhan.
Sidoo kale, 1.3 million qofood ayaa u dhinteen cudurka Qaaxada aduunkoo dhan.
Haddaba markaan u nimaadno Soomaaliya, intii u dhaxeysay Sanadadii 2019 iyo 2021 ayaa waxaa kordhay tirada dadka cususb ee qaba cudurka Qaaxada taas oo kordheesay qiyaas ahaan sanad kasata 1.5 boqolkiiba, laga soo bilaabo sanadkii 2019 oo tirada guud ee dadka qaba cudurka Qaaxada eey aheed 16,918, sanadkii xigay ee 2020 waxey aheed 17,203 iyo sanadkii 2021 oo ahaay 17,422 Sida lagu xusay (Somalia 2022 Epi review report).
Dhamaan xogahaas waxey muujinayaan in sanad kasta oo sanadahaas ka mid ah eey sii kordhayeen tirada dadka qaba cudurka Qaaxadda, sababa la xariira Cudurkii Safmarka ahaa ee COVID-19 oo dunidoo dhan dhibaatooyin u geestay.
Haddaba, anagoo ka faa’iideysaneena Maalintan, waxaa lagama maarmaan ah inaan uga faa’iideysano Baraarujinta dhibaatada iyo saameynta eey ku yeelan karto bushada si gaar ah Ummadda Somaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Caafimaadka DFS, oo kaashaneysa saaxibadda Caalamka eey Dadaal ugu jirto sidii eey u yareen laheed dhibaatada iyo baahitaanka Cudurka Qaaxada.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
10/03/2024
RAMADAAN KARIIM
Waxaan Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Ugu Tahniyadeenayaa Bilashada Bisha barakeysan Ee Ramadaan.
Ilaah Caafimaad iyo Camal Wanaagsan Hanoogu Dhameeyo.
Weligeed ayaa Ummaddi jabi jirtay, laakin kuwa jab ku dhacaaya aan dareemeyn ama aan falcelin laheyn waa yaab.
Waxaan ku talin lahaa Dowladdeena Inee xad-gudubyadaan cusub ee waxuushnimada ah ee Qoysaskii Soomaaliyeed ku soo kordhay in il gooni ah Dowladu ku fiiriso, 2 dhacdo oo isku nuuc ah inee isku xigsadaan Asbuuc gudihiis!!!!!!
Hambalyo xulka kubadda Cagta Galmudug waad u qalanteen Guusha, Hirshabelle adinkana waad
dadaasheen.
Ma garan karo qof Caqli yar ku dambeeyo oo Caaynaaya Hooyadiis, Walaashiis, iyo Gabar haduu dhalay.
Marooko ayaan Gabar u raadsanaa waa gef aad u geeysatay familkaaga intaan Somaalida kale la gaarin.
Garyaqaanka wuu garnaqsaday waxuuna la hadlay intii fahmeysa Hadalka iyo dooda Mandiqa ah ee uu kaga jawaabay boobkii Hantida Soomaaliyeed ee Muuse u hibeyay Ethiopia.
Very powerful words
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
A Corso SomaliaStreet
Mogadishu
