18/08/2020
Ogaysiis! Ogaysiis! Ogaysiis!
Waxaa Maamulka sare ee Jaamacadda Horyaal, ogaysiinayaa dhammaan Ardayda jecel waxbarashada caafimaadka in la bilaabi doonno Dibloomooyin Caafimaad oo socon doonna hal sano.
Dibloomooyinka Jaamacadda ay bixineyso waxaa ka mid ah:
Diploma of Basic Medical Laboratory.
Diploma of Basic Nurse Skills.
Diploma of Midwifery.
Diploma of Nutrition.
Diploma of Pharmacology.
Diploma of Clinical Skills
FG: Full Time iyo Part Time-ba waa heli kartaa.
Waxii faah-faahin ah kala xiriir:
+252(0)612888806,
+252(0)615113330.
Info: [email protected]
11/08/2019
Ciid wanaagsan;
Jaamacadda Horyaal waxa ay maalintan farxadda badan ee Ciidul Adxa la wadaageysaa dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.
"كل عام وانتم بخير"
22/07/2019
Waxaa beri oo ay taariikhdu tahay 23-ka July, 2019 buuggooda difaacan doonnaan kulliyadaha kala ah Economic and Management Science department of Public Adminstration iyo Faculty of Agriculture and Veterinary department of Agticulture.
We wish you the best.
20/07/2019
Ogaysiis:
Waxaa dhammaan ardayda difaacaneysa buugga la ogaysiinaya in buugga la difaacan doonno maalinta Talaadada oo ay taariikhdu ku beegantahay 23-ka July 2019.
Guul baan idin rajeynena inshaa allaah.
02/07/2019
OGAYSIIS! OGAYSIIS! OGAYSIIS!
Waxaa dhammaan ardayda danaynaysa barashada luuqadda Ingiriiska la ogeysiinayaa in Jaamacadda Horyaal laga bilaabayo koorsooyin cusub oo ingiriis ah kuwaas oo isugu jira bilaw, dhexdhexaad iyo dhammaystirba, ayna dhigayaan macallimiin Ajinabi iyo Soomaali.
Buugaagta la dhigaayo waxay kala yihiin;
Interchange, High Grammar kuwa Advancedka ahna waa Developing and Fluency.
Waxaa kaloo ardaydii horey isu diiwaan gelisay lagu wargelinayaa in daruusta la bilaabi doonno maallinta sabtida bishuna ku beegan tahay 06/07/2019.
Hadaba ciddii kaloo danaynaysa inay kuso biirto waxay is qorista si toos uga socotaa xafiiska jaamacadda
Wixii faahfaahin ah; kala xiriir
☎📞 +252(0)615560206 /0617165000
facebook: .
23/06/2019
Waxaa maanta Hall-ka Jaamacadda Horyaal lagu qabtay Seminar ku saabsanaa sida loo doorto kulliyadaha Jaamacadda.
Waxaana seminaarkaas loo qabtay ardayda dugsiga sare ee Al-imra, waxaana qayb ka ahaa sida loo noqdo hal-abuure hibo sare u leh aqoonta uu darsaayo markaas.
Waxaa sidoo kale ardayda la hadlayey bareyaal sar-sare iyo dhiimanka kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda;
-Mr UK
-Mr Taliyow
-Mr Kassim iyo
-Eng Yasir.
.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir;
☎📞 Tell +252(6)15560206.
FB: .
06/06/2019
Hambalyo Computer Science semester 2.
Tartanka Kubadda cagta kulliyadaha Jaamacadda Horyaal oo lasoo gabagabeeyay… + SAWIRRO
(Muqdisho) 05 Juunyo 2019. Waxaa magaalada musqisho lagu soo gabagabeeyay Tartanka Kubadda cagta kulliyadaha Jaamacadda Horyaal. Waa tartan loogu tala galay in sare loogu qaado is dhexgalka dhallin…
04/06/2019
Waxaa si toos oo qurux badan usoo dhammaaday Tartanka Kubadda Cagta Kulliyadaha Jaamacadda Horyaal ee Bisha Ramadaan.
Waxaa k**a dambeys isugu haray kulliyadaha Beeraha iyo IT oo soo bandhigay cayaar qurux badan.
Agriculture oo ka mid ahayd kulliyadaha ugu cad cadaa ee loo saadaalinyay Inay ku guuleystaan tartanka ayaa banaanka soo istaagtay ka dib markii 3 iyo 2 looga adkaaday, waxaana sidaa koobka ku qaadday kulliyadda IT semester 2.
Hambalyo IT semester 2, guuleystayaasha Tartanka kubadda cagta kulliyadaha Jaamacadda Horyaal 2019/2018.
.
02/06/2019
Waxaa beri oo ay taariikhu tahay 3-da Juun, la cayaari doonnaa cayaarta k**a dambeysta ah ee tartanka kulliyadaha ardayda Jaamacadda Horyaal, oo isugu soo hartay kulliyadaha AgriS8 vs CSS2.