Muuqaalkaan waa qeyb ka mid ah ololaha lagu hormarinayo dugsiga Godey Kaaraan.
Waana wejiga koowaad ee interlock saarida.
Alx Waxaan marka h**e u mahadcelineynaa allaah S.W marka xigtana guushaan waxaa lagu gaaray isku xirnaanta dhamaan maamulka,Macallimiinta Waalidiinta iyo Ardayda dugsiga Godey Kaaraan waxaana u rajeynaa iskaashi iyo horumar intaas ka balaaran.
Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY, Public School, Karan Banaadir, Muqdisho.
24/11/2023
03/11/2023
Bismillaah.
Waxaa khamiistii 5aad oo xeriir ah innoogu qabsoomay من فضل الله وإحسانه imtixaankii todobaad laha ahaa oo aan ka qaadi jirnay Ardayda shahaaddiga ah ee fasalada (8aad iyo 12aad).
Waxaan horay u soo qaadnay 4 Khamiis oo min 3 Maaddo ah , taas oo ka dhigan in 12ka Maaddo ay ku galeen imtixaanka cashiradii ay qaateen September iyo qeyb ka mid ah October.
Imtixaanka ayaa innoo noqon doonno , mid isbuucle ah ilaa dhamaadka Sanad-dugsiyeedka 2023-2024.
Waxaan helnay natiijo hor u dhac ah oo ku aadan imtixaanadii la soo galay.
1: Ardayda dhibcahoodu u dhaxeeyo (100%---85%) 19%.
2: Ardayda dhibcahoodu u dhaxeeyo (85%---65%) 52%.
3: Ardayda dhibcahoodu u dhaxeeyo(65%--50%) 17%.
4: Ardayda dhibcahoodu ka hooseeyo 50% waa 12%.
Ardaydeena iyo ardayda soomaaliyeedba waxaan u rajeyneenaa guulo wax ku ool ah.
19/10/2023
Alxamdullaah waxaa todobaadkii sedexaad oo xeriir ah maanta innoo qabsoomay imtixaankii billaha ahaa Ee fasalada shahaaddiga ah (8aad & 12aad) , imtixaanka oo Muhiimaddiisu iyo hadafkiisu yahay , kordhinta ka warqabka waxbarashada ardayda & Hubinta tayada ardayda fasalada shahaaddiga ah (8aad & 12aad)
Waxaana u rajeyneenaa dhamaan ardaydeena iyo ardayda soomaaliyeedba guulo wax ku ool ah iyo Nasiib wacan.
Golaha Ardeyda Dugsiga Godey
17/10/2023
2-dii Maalin ee ugu danbeesay waxaa xarunta Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY ka socday dhireyn ah , mahadi ha ka gaadhee waxaa naga gacan siisay GreenLight oo ah urur dhalinyaro oo u taagan soo celinta bilicda iyo dooga dhulkooda hooyo.
Sidoo kale waxaa gacan Libaax leh ka geestay barnaamijka dhireynta Maamulaha Dugsiga oo ah khabiir sare xaga beeraha iyo tacliinta , waxaa kale oo aanan la hilmaami karin doorkii Golaha Ardeyda Dugsiga Godey ay ku lahaayeen soo celinta bilicda dugsigooda.
Balanteenu waa .
14/10/2023
Bismillaah
Waxaa Isbuucii/Todobaadkii labaad si xiriir ah innoogu qabsoomay imtixaankii billaha ahaa oo loo asteeyay in Ardayda Fasalada 12aad-ka ah laga qaado todobaad walbo , sida caadiga imtixaanka waxaan qaadi-jirnay maalinta ah balse maanta ayaan qaadnay oo aheyd sababo laxiiro fasaxii 12 October oo ku aadanaa maalinta khamiista aheyd.
Imtixaanka ayaa inno noqon doono todobaadle ilaa dhamaadka Sanad-dugsiyeedka 2023-2024 insha'allaah.
Imtixaanka ayaa u jeedkiisu yahay hubinta tayada ardayda shahaaddiga ah ee fasalada 8aad iyo 12aad ee ka qeyb geli doono imtixaanada heer gobal iyo heer fadaraal.
Guul iyo Nasiib wacan ayaan u rajeyneenaa dhamaan ardaydeena iyo ardayda soomaaliyeedba.
11/10/2023
Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusaayay Nabigeena (swc) ayaa saakay ka dhacday Hoolka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY , Video-yada iyo sawirada goor dhaw filo.
02/08/2023
Marka h**e waxaan Hambalyeyneenaa dhamaan ardaydii guuleesatay Ee ka gudubtay Marxaladda Dugsiga dhexe una gudubtay Marxaladda Dugsiga sare. Guulo intaan ka badane waan idiin rajeynaa bi idnillaah.
Marka xiga Labada arday ee hartay waxaan leeyahay k**a harin waxbarashada iyo nolosha intaba , haddaad dhibco fiican keeni weyday micnaheedu ma ahan in aadan wax aqoon , balse imtixaanka dabeecaddiisa ayaa ah in dadna dhacaan , dadna baasaan , maxaa yeelay imtixaanku waxa uu leeyahay ( stress , wareer , il-duuf iwm ) waxaa laga yaabaa In aad il-duufto su'aal aad taqaano , waayo binu aadam ayaa tahay. si la mid ah waxaa laga yaabaa in uu il-duufo qofka saxaayo , oo jawaab saxan uu qaldo amaba qalinka kaga dhaco , waayo asagaba waa binu aadam.
Ugu danbeen waxaan idiin leenahay waxaa dhacay/haray qofkii asaga is-reebo oo ka haro waxbarashada , dadaal oo ka sii badi , haddaad shalay dhacday bari waa baasee ha niyad-jabin , dadaal , hadafkaaga mar-walbo ha kuu muuqdo.
Mahadsanidiin.
01/08/2023
Bismillaah.
Waxaa goor dhaw la shaacin doonnaa natiijada ardayda fasalka 8aad Ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. AWGB imtixaanka ka qaaday , guud ahaan ardayda Gobalka Banaadir oo natiijadooda la shaacin doonno waxaan u rajeynaa guul iyo dhibco sareeyo , gaar ahaan Ardaydeena Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY waxaan u rajeynaa dhamaantood guulo waaweyn iyo natiijooyin ee ku farxaan.
Mahadsanidiin.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Golaha Ardeyda Dugsiga Godey.
30/07/2023
Ayadoo la tixraacaayo warqadda ku taariikheesan 26/07/2023 , sumaddeyduna tahay WWH&TS/XW/114/07/2023 taasi oo ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , si la mid ahna la soo dhigay page-ka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. AWGB , Waxaan halkaan ku shaacineynaa oo aan ogeysiineynaa Macalimiinta , Ardayda , Waalidiinta iyo dhamaan bahda Waxbarashada in Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee GODEY dib loo furi doono 02/September/2023 , Sanad-dugsiyeedka cusub Ee 2023-2024.
Haddaad aragtay warbixintaan , waxaa jira walaalkaa oo aanan wali arkin una baahan in uu helo fariintaan , fadlan gaarsii oo share-dheh oo Like 👍saar Mahadsanidiin.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Karan Banaadir
Muqdisho

24/11/2023
24/11/2023