26/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ก MUHIM ๐๐ ๐๐ ๐ค๐๐๐ง๐๐ฌ ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐๐๐๐.
๐ ๐จ๐ค๐๐๐ฆ๐๐ข, ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ โ ๐ฎ๐ฒ ๐ข๐๐ง๐ข๐ข๐๐๐ฅ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐A๐A๐E๐ ๐A๐A๐ ๐A๐A๐L๐M (๐O๐M๐A๐I) ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda sare ee shirkadaha isgaarsiinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqeynta.
Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo saraakiil sare oo ka kala socday shirkadaha isgaarsiinta, ayaa lagu falanqeeyay heerarka kala duwan ee uu soo maray adeegga isgaarsiinta dalka, caqabadaha taagan, iyo hiigsiga guud ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta isgaarsiinta iyo dhijitaalka.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ka goโan tahay dhijitaaleeynta dalka iyo dhisidda hannaan casri ah oo lagu hormariyo isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, si bulshadu uga faaโiideyso adeegyo isku halayn leh oo casri ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shirkadaha isgaarsiinta doorka muuqda ee ay ku leeyihiin kobcinta adeegyada iyo joogteynta isku xirka bulshada Soomaaliyeed.
โ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ณ๐ธ๐ฒ๐ฒ๐ป๐ป๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ป๐ผ๐พ๐ผ๐๐ผ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐๐ฎ๐ณ๐ธ๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐ธ๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ท๐ถ๐ฟ๐๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐ณ๐ฎ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐๐๐๐ฎ ๐๐ฒ๐ธ๐ป๐ผ๐ผ๐น๐ผ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐๐ฟ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต. ๐๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ถ ๐ท๐ผ๐ผ๐ด๐๐ผ ๐ฎ๐ต ๐๐ด๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐๐ป๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ฏ๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ต๐ฒ๐น๐ป๐ผ ๐ฎ๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ผ ๐ฐ๐ฎ๐๐ฟ๐ถ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ณ๐๐ฑ๐๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ ๐ป๐ผ๐น๐ผ๐๐ต๐ผ๐ผ๐ฑ๐ฎ, ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ด๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ป๐ฒ๐๐ป๐ฎ ๐
๐ถ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฑ๐น๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ธ๐ต๐๐ฏ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ด๐๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ,โ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Masโuuliyiinta ka socday shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda soo dhaweeyay dadaalka iyo hoggaanka Wasaaradda, iyagoo bogaadiyay kaalinta ay wasaaradu ku leedahay hagaajinta iyo tayeynta adeegyada tiknolojiyadda ee dalka.
Kulamadan uu hoggaamiyo Wasiirka Isgaarsiinta dalka ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo shirkadaha isgaarsiinta, si loo dardar geliyo horumarka dhanka isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ee dalka.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
25/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฌ๐๐ฌ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐ฆ๐๐จ๐จ๐-๐๐๐๐ ๐๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐ง๐๐๐ก๐ข๐๐ข๐๐๐ฌ๐๐๐๐
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ โ ๐ฎ๐ฑ ๐ข๐ธ๐๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Soomaali, ayaa maanta guddoomiyay shirka asbuuc-laha ah ee maamulka wasaaradda, kaas oo lagu falanqeeyay howlaha socda, hannaanka shaqo ee waaxyaha, iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo adeegyada tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dalka.
Shirka oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada kala duwan, ayaa ahaa mid lagu qiimeeyay waxqabadka toddobaadyadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo waajibaadka shaqo ee wasaaradda.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horrayn soo dhaweeyay Agaasimaha Guud, oo shirkaasi uu u ahaa shirkiisii ugu horreeyay ee guud ahaan Agaasime Waaxeedyada ay si wadajir ah uga soo qayb galaan tan iyo markii loo soo magacaabay Wasaaradda.
Wasiirka oo furay shirka ayaa hoosta ka xariiqay in wada-shaqeyn dhow iyo isfaham buuxa ay yihiin furaha horumarka waax kasta. Wuxuuna ku dhiirrigeliyay Agaasime Waaxeedyada in ay ka shaqeeyaan kor u qaadista xirfadda shaqaalaha, joogteynta imaanshaha shaqada, iyo tayeynta adeegyadii bulshada si toos ah u taabanaya.
โQof kasta oo ka tirsan Wasaaradda waa muhiim. Mid kasta wuxuu leeyahay kaalintiisa, waxaana rabnaa inaan dhisno nidaam shaqo oo qof walba uu dareemo qiimaha uu leeyahay,โ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali, isagoo hadal dhiirrigelin iyo hoggaan leh u jeediyay Agaasimaha Guud iyo madaxda waaxyaha.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay xaaladda guud ee shaqada inta uu xafiiska joogay, halka Agaasimayaasha Waaxyaha ay iyaguna soo gudbiyeen warbixino faahfaahsan oo ku saabsan horumarka, caqabadaha, iyo qorshayaasha waaxyahooda.
Ugu dambayn, wasiirka isgaarsiinta dalka xildhibaan maxamed Soomaali ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta isla-xisaabtanka, dhiirrigelinta shaqaalaha, iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee wasaaradda.
Shirka asbuuc-laha ah ee maanta la qabtay ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu joogteynayo wada-shaqeynta iyo isku xirka heerarka maamulka, taas oo horseedaysa in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ay sii xoojiso kaalinteeda hoggaamineed ee dhanka dijitaalka iyo hal-abuurka tiknolojiyadda dalka.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
16/10/2025
๐ ๐จ๐ก๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ช๐๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ช๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐.
MUQDISHO โ SOOMAALIYA, 16 OKTOOBAR 2025:
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ (๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐), iyo Wasiirka Howlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Agaasimayaasha Guud ee labada wasaaradood, munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo qaar kamid ah howl-wadeenada labada wasaaradood.
Furitaanka munaasabadda kadib, waxaa hadal jeediyay Agaasimihii h**e ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Faarax Cabdinuur, oo xusay shaqadii wanaagsaneyd ee ay si wadajir ah u qabteen Wasiir ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐, isaga oo tilmaamay in muddo kooban lagu gaaray guulo muuqda oo ka tarjumaya dadaal, isku-duubni, hufnaan shaqo iyo walba isagoo ku shaqeeyey fulinta siyaasadda wasiirkiisa.
Dhinaca kale, Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi, ayaa sheegay in uu howsha uu ka sii amba-qaadi doono halka uu soo gaarsiiyay agaasimihii h**e. Wuxuu intaa raaciyay in uu ku faraxsan yahay in mar kale uu la shaqeynayo Wasiir Maxamed Soomaali, oo h**ey ugu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud xilli uu isagu ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaraddaas.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, mudane Cilmi Maxamuud nuur, ayaa madasha ka hadlay, isagoo xusay in ay si dhow u soo wada shaqeeyeen Agaasime Mahdi, kuna tilmaamay shaqsi howlkar ah oo waqti iyo xirfad u huray waajibaadkiisa shaqo. Wuxuu kula dardaarmay in uu si daacadnimo iyo karti leh uga soo baxo xilka cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa jeediyay khudbaddiisa, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Agaasimihii h**e ee Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalkii iyo kartidii uu muujiyay intii uu xilka hayay. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Faarax Cabdinuur uu ahaa shaqsi har iyo habeen u taagnaa horumarinta shaqada wasaaradda, taasna ay horseeday guulaha muuqda ee ay gaartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Agaasimaha cusub isagoo xusay in looga fadhiyo dardargelinta howlaha socda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee wasaaradda, isagoo carabka ku adkeeyay in dhammaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaraddu ay garab istaagi doonaan.
โX๐ถ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฑ๐ผ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ ๐๐ฎ๐ฎ ๐พ๐ผ๐ฟ๐ถ ๐ถ๐๐ธ๐ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฏ, ๐ถ๐๐ฏ๐ฒ๐ฑ๐ฒ๐น๐ธ๐๐ป๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ ๐๐๐ป๐ป๐ผ. ๐๐ป๐ถ๐ด๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎn ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ ๐ธ๐ฎ๐๐ผ๐ผ ๐ป๐ผ๐พ๐ฑ๐ฎ๐, ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ ๐น๐ฎ ๐ถ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ท๐ถ๐๐ฒ๐. ๐๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฒ, ๐ต๐ผ๐๐น-๐ด๐๐ฑ๐ฎ๐๐ต๐ผ ๐ถ๐๐ผ ๐ธ๐ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฒ๐๐ป๐๐ฎ ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐น๐ฎ ๐ท๐ผ๐ผ๐ด๐๐ฎ๐ฎ๐ป, ๐๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฎ๐๐๐๐น๐ถ๐๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐ฑ๐ถ๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป .โ ayuu kusoo xiray munaasabadda Wasiir Maxamed Soomaali.
Intaa kadib, labada agaasime ayaa midba midka kale soo baray qeybaha ay ka kooban tahay wasaaradda uu katagay, iyo shaqaalaha kusuganaa xarumaha wasaaraddaha.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
13/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐จ ๐ค๐๐๐๐๐๐๐ฌ W๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐๐๐๐ฌ ๐๐๐ฌโ๐๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐๐ข๐ข๐๐๐ฌ ๐๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ (๐จ๐ก๐ข๐ฃ๐ฆ).
Muqdisho, Soomaaliya 13-ka Oktoobar 2025 โ
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ (๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hayโadda Qaramada Midoobay ee Mashaariicda ๐จ๐ก๐ข๐ฃ๐ฆ oo uu horkacayey Alaโa Nemer, Agaasimaha Guud ee UNOPS ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada dhijitaalka ah ee dowladda, xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta, iyo kor u qaadista iskaaashiga wadajirka ah ee Wasaaradda iyo UNOPS.
Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee barnaamijyada socda ee dhijitaalka iyo baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta adeegyada dowladda ee hal-meel looga heli karo (Digital Government Services). Waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhanka maareynta xogaha, isku xirka adeegyada dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeeg bixinta.
Wafdiga UNOPS ayaa soo bandhigay fursado lagu taageerayo mashaariicda Wasaaradda ee la xiriira dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta, horumarinta nidaamyada dijitaalka, iyo tababarrada kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha dowladda ee ku shaqeeya dhanka ICT-da.
Wasiir ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ayaa uga mahadceliyay UNOPS garab istaagga Wasaaradda, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay ka goโan tahay in ay si buuxda u hirgeliso adeegyo dijitaal ah oo mideysan, kuwaas oo fududeyn doona helitaanka adeegyada dowladda iyo isku xirka hayโadaha kala duwan.
Ugu dambeynt, Wasiirka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta iyo qorsheynta mashaariicda la xiriira teknolojiyadda, isgaarsiinta, iyo maamulka dijitaalka, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faaโiideeya tignoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadda daahfurnaanta, hufnaanta iyo helitaanka adeegyada bulshada.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
12/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐จ๐ฅ๐๐ฌ ๐ช๐๐๐-๐ง๐๐ฆ๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐๐ฅ๐๐๐ง๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ (๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑโ๐ฎ๐ฌ๐ฏ๐ฌ)
Muqdisho, Soomaaliya โ 12ka Oktoobar 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan ๐๐ผ๐๐ผ๐๐๐ฟ ๐ผ๐ผ๐ฟ๐ผ๐ ๐๐ผ๐พ๐ผ๐๐๐ (๐๐๐๐๐ผ๐ผ๐๐), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Wada-tashi Qaran oo socon doona laba maalmood, laguna gorfeynayo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025โ2030).
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa xusay in istaraatiijiyaddan cusub ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha ICT-da ee dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee caalamiga ah, isagoo sheegay in uu saldhig u yahay dhismaha nidaam dhijitaal oo casri ah, loo dhan yahay, isla markaana adkeysi leh. Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo dhammaan bahda ka qeybgaleysa wada-tashigan.
Wadatashigan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo kaashaneysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa laโisugu keenay wakiillo ka socda hayโadaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, iyo bahda farsamada, si ay uga wada hadlaan qorshaha cusub ee horumarinta dhijitaalka dalka.
Daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha Hayโadda Isgaarsiinta Qaranka, masuuliyiin ka kala socday wasaaradaha, hayโadaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku hawlan adeegyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.
Inta lagu guda jiro wada-tashigan, waxaa lagu gorfeynayaa aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyadoo xoogga la saarayo habraaca maamulka, qaababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta qorshaha qaranka ee dhijitaalka ah la leeyahay kuwa Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).
DHAMMAAD
....................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
12/10/2025
๐ฆ๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ข๐ช ๐ ๐ ๐ก๐จ๐ฆ๐ค๐๐๐ ๐ข๐ข๐ช
๐๐๐ก ๐ฆ๐๐๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ ๐๐๐๐ก๐๐
๐๐๐ก๐ก๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ก๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ.
WASIIR MAXAMED SOOMAALI OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-OKTOOBAR MAALINTA CALANKA
Muqdisho, Oktoobar 12, 2025.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo lagu xusayo 12-ka Oktoobar, maalinta calanka qaranka.
Wasiirka oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada maalinta Calanka ayaa xusay in ay maalintani leedahay muhiimad qaran oo weyn, maadaama ay 12-ka oktoobar sanadkii 1954-kii ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna buluugga ah ee astaan u ah midnimada, gobannimada, iyo qarannimada Soomaaliyeed.
โ12-ka Oktoobar waa maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, Waa maalintii la hindisay calanka Soomaaliya, calan astaan u ah midnimada iyo sharafka dalkeena. Maanta waa fursad aynu ku xusuusanno halgankii iyo dedaalkii ay halyeeyadeenu u soo galeen xornimada iyo dowladnimada aynu maanta ku faaneyno,โ ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
โWaxaan si gaar ah hambalyo iyo ammaan ugu dirayaa ciidamadeenna qalabka sida ee naftooda u huray sareynta iyo weyneynta Calankeenna qiimaha weyn ku fadhiya. Sidoo kale, waxaan u duceynayaa geesiyaashii naftooda ku waayay difaaca qaranka, iyo kuwa maanta ku sugan jiidaha h**e ee dagaalka, kuwaas oo ah tiirka sharafka iyo adkeysiga dalkeena,โ ayuu raaciyey Wasiirku.
Ugu dambeyn, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan horumarinta dowladnimada, difaaca madaxbannaanida dalka, iyo ilaalinta astaamaha qaranka, si jiilasha soo koraya loogu gudbiyo dhaxal nabadeed, midnimo, iyo horumar waara.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
08/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐ฆ๐ข๐ข ๐ซ๐๐ฅ๐๐ฌ ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐ฅ๐จ๐จ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐
Muqdisho, Soomaaliya, 8 Oktoobar 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika (Eastern Africa Regional Digital Integration Project).
Kormeerkan ayaa lagu falanqeeyay heerarka uu marayo mashruuca, dardargelinta qorshayaasha sanadlaha ah, iyo horumarinta isku xirka dijitaalka ee dalalka gobolka Bariga Afrika. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyay qorshaha shaqo ee sanadka 2025/2026, iyo sida loo xoojin karo adeegyada casriga ah ee dowladda, amniga dijitaalka iyo kor u qaadista awoodda hayโadaha dowladda ee dhanka tiknoolojiyadda.
Intii uu socday kulanka, masโuuliyiinta ka kala socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka, Wasaaradaha dowlad-goboleedyada ee Isgaarsiinta, Kooxda Hirgelinta Mashruuca (PIU), iyo Bangiga Adduunka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay habraacyada shaqo iyo istiraatiijiyadda lagu hubinayo in mashruuca uu u socdo si hufan oo waafaqsan qorshaha horumarineed ee qaranka.
Gunaanadkii kormeerka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyin muhiim ah oo muujinaya horumar la taaban karo, iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo wajiyada xiga ee mashruuca si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka hormuudka ka ah isku xirka dijitaalka ee Bariga Afrika.
Kulankan xiritaanka ah ayaa sidoo kale carabka lagu dhuftay muhiimadda iskaashiga si loo xaqiijiyo in mashruuca uu noqdo mid waxtar leh oo gacan ka geysanaya koboca dhaqaalaha dijitaalka ah, abuurista fursado shaqo, iyo horumar waara oo dhanka tiknoolojiyadda ah.
Wasiir Maxamed Soomali, oo soo xiray kulanka, ayaa ku adkeeyay in natiijooyinka kormeerkan ay saldhig u yihiin wejiyada xiga ee mashruuca, kuwaas oo diiradda lagu saari doono isku xirnaanta dalalka gobolka iyo adeegyada dijitaalka ee bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
06/10/2025
๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐จ๐ฅ๐๐ฌ ๐๐ข๐ฅ๐ ๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐ ๐๐ฆ๐๐ฅ๐จ๐จ๐๐ ๐๐ฆ๐๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐
Muqdisho, Soomaaliya 5 Oktoobar 2025 โ
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ก (๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐) ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika (The Eastern Africa Regional Digital Integration Project), oo ka furmay Xafiiska Bangiga Adduunka ee Muqdisho.
Kormeerkan, oo soconaya muddo shan maalmood ah (5โ9 Oktoobar 2025), ayaa lagu eegayaa heerarka uu marayo mashruuca, qorshayaasha sanadlaha ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo isku xirnaanta dijitaalka, adeegyada dowladda ee casriga ah, amni-galinta internet-ka (cybersecurity), iyo kobcinta awoodda hayโadaha dowladda ee dhinaca tiknoolojiyadda.
Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu soo bandhigay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda sanadka 2025/2026, iyo dib u eegis lagu sameynayo howlaha muhiimka ah ee h**ey u socday. Waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay qorshaha hirgelinta ee mustaqbalka dhow si loo hubiyo in mashruucu si hufan u socdo.
Kulankan waxaa ka qeybgalaya masโuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Dowlad-Goboleedyada, xubno ka socda Kooxda Hirgelinta Mashruuca (Project Implementation Unit โ PIU), hayโadaha kale ee dowladda ee la xiriira mashruuca, iyo Kooxda Bangiga Adduunka (World Bank Task Team).
Wasiir Maxamed Soomali ayaa xusay in mashruucan uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaalka dowladda ee lagu xoojinayo isdhexgalka dijitaalka ee gobolka Bariga Afrika, isla markaana uu door muuqda ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah ee Soomaaliya, abuurista fursado shaqo oo cusub, iyo dardargelinta adeegyada dijitaalka ee bulshada.
โ๐๐ฐ๐ธ๐ญ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข ๐๐ฆ๐ฅ๐ฆ๐ณ๐ข๐ข๐ญ๐ฌ๐ข ๐๐ฐ๐ฐ๐ฎ๐ข๐ข๐ญ๐ช๐บ๐ข ๐ธ๐ข๐น๐ข๐บ ๐ฎ๐ถ๐ฅ๐ฏ๐ข๐ข๐ฏ๐ต๐ข ๐ด๐ช๐ช๐ฏ๐ฆ๐บ๐ด๐ข๐ข ๐ฉ๐ฐ๐ณ๐ถ๐ฎ๐ข๐ณ๐ช๐ฏ๐ต๐ข ๐ต๐ช๐ฌ๐ฏ๐ฐ๐ฐ๐ญ๐ฐ๐ซ๐ช๐บ๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข ๐ช๐บ๐ฐ ๐ฅ๐ฉ๐ช๐ด๐ช๐ฅ๐ฅ๐ข ๐ฌ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐บ๐ข๐ข๐ญ ๐ค๐ข๐ด๐ณ๐ช ๐ข๐ฉ ๐ฐ๐ฐ ๐ด๐ถ๐ถ๐ณ๐ต๐ข๐จ๐ฆ๐ญ๐ช๐ฏ๐ข๐บ๐ข ๐ช๐ฏ ๐ฅ๐ข๐ญ๐ฌ๐ข ๐ถ๐ถ ๐ด๐ช ๐ฃ๐ถ๐ถ๐น๐ฅ๐ข ๐ถ๐จ๐ข ๐ฒ๐ฆ๐บ๐ฃ๐ฒ๐ข๐ข๐ต๐ฐ ๐ช๐ด๐ฅ๐ฉ๐ฆ๐น๐จ๐ข๐ญ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐ช๐ซ๐ช๐ต๐ข๐ข๐ญ๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ฆ ๐จ๐ฐ๐ฃ๐ฐ๐ญ๐ฌ๐ข ๐ช๐บ๐ฐ ๐ค๐ข๐ข๐ญ๐ข๐ฎ๐ฌ๐ข,โ ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyadda Soomaaliya.
Kulankaan kormeerka ah ayaa qayb ka ah taageerada Bangiga Adduunka ee lagu xoojinayo qorshaha Soomaaliya ee dhisidda kaabayaasha isgaarsiinta iyo adeegyada dijitaalka, taas oo saldhig u noqon doonta horumar waara iyo isku xirnaan dhaqaale oo goboleed.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1
05/10/2025
W๐๐ฆ๐๐๐ฅ ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ข ๐๐จ๐๐๐ก ๐ ๐๐ฅ๐ข-๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐ฌ ๐๐๐ก๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐จ๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐ข๐ช๐๐ ๐ฌ๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐
๐๐ช๐ฆ๐๐๐จ๐๐ค, ๐๐ค๐ค๐ข๐๐๐ก๐๐ฎ๐, 05 ๐๐ ๐ฉ๐ค๐ค๐๐๐ง 2025
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ก ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ก (๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, ๐๐บ๐ฏ. ๐๐ฟ๐ฎ๐ป๐ฐ๐ฒ๐๐ฐ๐ฎ ๐๐ถ ๐ ๐ฎ๐๐ฟ๐ผ. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.
Wasiirka isgaarsiinta dalka mudame ๐ ๐๐ซ๐๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐ ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee โInitiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africaโ, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta e-dowladda iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.
Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.
Kulankan udhexeeyey wasiirka wasaaradda isgaarsiinta & Teknolojiyadda soomaaliya iyo safiirka midowga yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga goโan tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo hormariyo dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.
DHAMMAAD.
...................
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdulle
Madaxa Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
๐ง Email: [email protected]
๐ Website: www.moct.gov.so
facebook:https://www.facebook.com/MoCTSomalia?mibextid=ZbWKwL
๐ฆ Twitter:
TIKTO:https://www.tiktok.com/?_t=8rXwxF2VIC0&_r=1