29/06/2026
Hambalyo geesiga ardayga ah Cabdullaahi Luxub Cali Aadan, Sheekadaadu waa cashar ku saabsan adkaysi, waddaniyad iyo himilo. Waxaad caddeysay in caqabad kasta laga gudbi karo marka uu qofku leeyahay go'aan adag iyo jacayl uu u qabo waxbarashada. Dugsi ahaan, aad ayaan kuugu faanaynaa, waxaanan kuu rajaynaynaa guulo waaweyn oo waxbarasho iyo nololeed. Ilaahay ha kuu barakeeyo dadaalkaaga, hana kuu fududeeyo mustaqbal ifaya iyo Natiijo Facn ๐น๐๐ธ๐ด
Ardaygani oo lagu macagaabo Cbdulaahi Luxub Cali Aadan waxa uu kamid ahaa fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025โ2026, kana soo jeeda degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, sidoo kale waa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana muujiyay adkaysi, geesinimo iyo go'aan adag oo ku aaddan waxbarashadiisa.
Degmada Qansax Dheere waxaa marar kala duwan oo weeraray kooxda khawaarijta Al-Shabaab, laba jeer ayuu ku dhaawacmay, waxaana uu ku waayay gacantiisa midig isagoo gudanaya waajibaadkiisa. Hase yeeshee, dhaawacyadaasi k**a hor istaagin inuu sii wato waxbarashadiisa iyo himiladiisa nololeed.
Sannadkan, wuxuu ka mid noqday ardaydii u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee ay qabatay Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo rajo weyn ka qaba inuu gaaro mustaqbal ifaya.
Sheekada ardaygani waxay astaan u tahay adkaysiga, waddaniyadda, dadaalka iyo qiimaha ay waxbarashadu u leedahay qof kasta, iyadoo caddeyn u ah in duruufaha adag aysan hor istaagi karin himilooyinka iyo guusha qofka go'aanka adag leh.