06/04/2026
Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.
ان الله ما اخد وله ما اعطى وكل شيئ عنده باجل مسمى.
Ilaahay ha unaxariiso hoygeedana janno haka yeelo eedo siciido xaaji ciise bootaan oo uu xaqii uyimid. Dhamaan mawtaadka muslimiinta ahna naxariista janno allha siiyo. Halkan waxaa tacsi tiiraanyo leh ka diraya dhamaan reer biile dhabaryare.
07/10/2022
Dhalanteed waxaa jira indhuhu, dhab u maleeyaane.
18/07/2022
Marka uu qofku garanwaayo ama maskaxdiisu hindisi waydo talaabooyinka kala du-duwan ee looga gudba hirarka waayaha nolosha, qof celiyaana uu haysan, waxaa calaamad u ah in uu socod kiisu noqdo Hindiwaas.
06/07/2022
Aduunyadu khiyaalkiyo
Maxay been aloostaa
Maxay araga dhaayuhu
Hadba milicsi eedaan
Muxuu maqalku asaraar
Ayaamaha ka qaadaa
Aramida xanuunka leh
Ubucdaada hoosiyo
Muxuu ololka waayuhu
Wadnahaaga eegtaa
Halistana abaaraa.