Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL.

  • Home
  • Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL.
Call Directions Website Contact the organization

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. waxay markasta u taagan tahay horumarinta iyo tayaynta shaqaalaha Dowaladda Puntland��

01/11/2025
Garowe: 29 Oct 2025: Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Cabdirahman Shiikh Ahmed Habar...
29/10/2025

Garowe: 29 Oct 2025: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland Cabdirahman Shiikh Ahmed Habarwaa iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Farah jama boss oo ay weheliyaan qeyb kamid ah howl-wadeenada wasaaradda ayaa booqday Xarunta Daladda Naafada Puntland.

-------------
Dhammaad

29/10/2025
SHIRKA ISKU-XIRKA BAHWADAAGTA ARRIMAHA BULSHADA IYO DIB-U-EEGISTA ARRIMAHA BULSHADA DPL.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha ...
29/09/2025

SHIRKA ISKU-XIRKA BAHWADAAGTA ARRIMAHA BULSHADA IYO DIB-U-EEGISTA ARRIMAHA BULSHADA DPL.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL. ayaa qabatay "Shirka Isku-xirka Bahwadaagta Arrimaha Bulshada iyo dib u eegistiisa"

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan Bahwadaagta ka shaqeeya Arrimaha Bulshada iyadoo lagu falanqeeyay dib u eegisna lagu sameeyay.

---DHAMMAAD---
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA DPL

27/09/2025
GAROWE: 15 Sep 2025:  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Puntland Mudane faarah jaamac boss a...
15/09/2025

GAROWE: 15 Sep 2025: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Puntland Mudane faarah jaamac boss ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland kaga qaybgalay Ollole nadaafadeed oo ka bilaamay maanta oo ay Hoggaaminaayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiye Ku-xigeenka Dowladda, Agaasimayaasha waaxyaha, Madax qaybeedyada iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa si wada jir ah uga qayb qaatay Ollolahan nadaafadeed.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Puntland Mudane Faarax jaamac boss ayaa bogaadiyey ollolaha nadaafadda ay ka fuliyeen hawlwadeenaddu xarunta dhexe ee wasaaradda maaliyadda uguna baaqay wasaaraddaha kale ee puntland inay astaysaan maalin nadafadeed kana shaqeeyaan nadaafadda xarumaha dhexe ee wasaaraddaha.

Intii uu socaday Ollolaha Nadaafadeed waxaa lagu guuleystay in kor looqaado nadaafada guud ee xarunta dhexe ee iyo dhinac yadeeda.

-------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

BOOQASHADA WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA EE DEEGAANKA DHAXAN.12 Sep 2025: Wasiir ku xigeen...
12/09/2025

BOOQASHADA WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA EE DEEGAANKA DHAXAN.

12 Sep 2025: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL. Hon. Faarax Jaamac Boss ayaa booqday Dhaxan.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Masuuliyiinta dagsiimada doorka ay ka qaateen horumarka bulshada ku dhaqan Dhaxan.

---XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA WASAARADDA---

Fasaxa Xuska Dhalashada Nebiga NNKH (Mowliidka)
03/09/2025

Fasaxa Xuska Dhalashada Nebiga NNKH (Mowliidka)

Dallada dhalinyarada Puntland (Pyan) oo kaashanaysa Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa 20 gabdhood oo...
26/08/2025

Dallada dhalinyarada Puntland (Pyan) oo kaashanaysa Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa 20 gabdhood oo lagu tababaray Xirfadaha Gacanta Sida Cilaan saarka iyo Qurxinta Dumarka kaas oo mudo labo bilood soconayay ugu soo xiray Deegaanka Kalabayr ee Bosaaso.

--------
DHAMMAAD.
--------

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada

Garowe: 11 Aug 2025: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL Mr. Cabdirahman Shiikh Ahmed Habarwaa  𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤...
12/08/2025

Garowe: 11 Aug 2025: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL Mr. Cabdirahman Shiikh Ahmed Habarwaa 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 Madaxa WFP Soomaaliya Mr. El Khidir Daloum.

Kulanka ayaa ku saabsanaa is xog wareysi iyo dardargalinta shaqooyinka ay iska kaashadaan wasaaradda iyo hay'adda WFP.

DHAMMAAD
-----------------
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Said Isse
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Bulshada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DPL,
E-mail: [email protected].

TACSI Dhammaan bahda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. oo ay ugu horreeyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda ...
04/08/2025

TACSI

Dhammaan bahda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. oo ay ugu horreeyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Mudane Faarax Jaamac Boos iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xassan cabdille waxay tacsi u dirayaan dhammaan shacab weynaha Puntland oo maanta ay ka baxday qof door weyn ku dhex lahayd bulshada 'Mahado Sh Axmed Cabdulle (Habarwaa)' oo geeriyootay, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynanaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumaddu gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. Cabdirahman Shiikh Ahmed Habarwaa

Mahado Sh Axmed Cabdulle AHUN waxay ka mid aheyd aasaasayaashii Puntland, iyadoo ku suntaneyd ka shaqeynta arrimaha bulshada iyo horumarinta arrimaha Haweenka Puntland.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada DPL.:

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed government service?

Share