Danab Special Force

Call Directions

Danab Special Force Hanashada Mustaqbalka Dalka Soomaaliyeed Waa ilaaliyaasha Ciidanka Kumaandooska Danab. Danab Special Force 👍 👌 💛
(1)

19/09/2026

🇸🇴🪖 GORGOR — WAA AWOODDA QARANKA SOOMAALIYEED!

Ciidanka Kumaandooska Gorgor Waa Awood Si toos ah Uga Hortagta Khatarta Al-Shabaab,

iyagoo Howlgallo Qorsheysan ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gorgor Waa Gaashaan, Geesinimo iyo Difaaca Qaranka Soomaaliyeed. 🇸🇴❤️🪖

Guutada 20aad kumandooska Gor Gor CXDS

19/09/2026

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 🇸🇴🪖 Ayaa Madaafiicda Culus ee Goobta Dagaalka Ku garaacaya Fariisimaha Cadowga Argagixisada ah ee UGUS,

iyagoo si adag Uga Howlgallaya Difaaca Dalka iyo Badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Guul iyo Gobannimo Soomaaliyeed. 🇸🇴💪

Guutada 20aad kumandooska Gor Gor CXDS

WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA PAKISTAN OO SOO GAARAY MUQDISHOMuqdisho, 19 Sebtembar 2026: Taliyaha Ciidanka Cirk...
19/09/2026

WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA PAKISTAN OO SOO GAARAY MUQDISHO

Muqdisho, 19 Sebtembar 2026: Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Booqashadan ayaa daba socota booqashadii Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.

Inta ay dalka ku sugan yihiin, wafdiga ayaa kulamo la yeelan doona Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kuwaas oo looga wada hadli doono sii xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinaca difaaca cirka.

Booqashadu waxay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca ee dalalka saaxiibka ah, si loo taageero dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qeybgalay saraakiil iyo xubno ka tirsan jiilka cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Danab Special Force

19/09/2026

Deegaanka Mubaarak Dhalinyarada Ku Nool Oo Si toos ah Ugu Sheegay UGUS inaysan Doonaynin.

Danab Special Force

19/09/2026

Guutada 22-aad Kumaandooska GorGor oo Tababar ku qaadanayo Turkiga.🇸🇴 🇹🇷

Danab Special Force

Agoonta Danab & Taliyaha Danab.❤️🪖🇸🇴Abdiaziz Militari Danab Special Force
17/09/2026

Agoonta Danab & Taliyaha Danab.❤️🪖🇸🇴

Abdiaziz Militari

Danab Special Force

Fariin ku socota xubnaha (khawaarijta Al-Shabaab)Qaar ka mid ah walaalihiinna iyo dadka reer Leego ayaa ka tanaasulay ko...
16/09/2026

Fariin ku socota xubnaha (khawaarijta Al-Shabaab)

Qaar ka mid ah walaalihiinna iyo dadka reer Leego ayaa ka tanaasulay kooxaha hubeysan ee jiha diidka, waxayna isu soo dhiibeen Ciidanka Danab.

Adigana fursad ayaad haysataa inaad ka soo laabato jidka colaadda, kuna laabato qoyskaaga iyo bulshadaada. Ha lumin fursadda aad ku heli karto nolol nabadeed iyo mustaqbal wanaagsan.

Haddii aad diyaar u tahay inaad isi soo dhiibto, si qarsoodi ah ula xiriir Ciidanka Danab lambarka (0611169105), oo qaado tallaabada aad ugu soo laabanayso bulshada.

Nabaddu waa fursad. Qoyskaaga ayaa ku Sugaya.

Danab Special Force

16/09/2026

Warbixin: Fiidnimadii xalay, 15 September 2026 abaare 7:30 saacadu markey aheyd gudaha magaalada Jannaale.

Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa bastoolad ku toogtay oo ku dhaawacay laba qof oo rayid ah oo kala ah Cabdi Badeey Xasan, oo 60 jir ah, iyo Aadan Abuukar Maxamed Saari, oo 32 jir ah.

khawaarijtii weerarka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka carareen, Al-Shabaab weli waxay sii wadaan Gummaadka ummada soomaliyeed.

Fadlan hadii aad heyso wax macluumaad ah oo ku saabsan arxan laawayaasha Al-Shabaab soo wac Nambarka xog bixinta si looga hortago dhagartooda.

Tell: 0611169105

G/le Sare Abdicasiis “Military”, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Ayaa booqasho ku tagay Schoolka Hoose iy...
15/09/2026

G/le Sare Abdicasiis “Military”, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Ayaa booqasho ku tagay Schoolka Hoose iyo Dhexe ee Danab iyo Dugsiga Qur’aanka ee Deegaanka Bali-doogle, Gobolka Shabeellaha Hoose.

Schoolka Hoose iyo Dhexe ee Danab waxaa Wax lagu baraa qaar ka mid ah carruurta Shuhadada Kumaandooska Danab iyo Carruurta ka soo jeeda bulshada deegaanka Bali-doogle.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu booqday Dugsiga Qur’aanka ee deegaanka Baledogle, isagoo u kuurgalay xaaladda waxbarashada iyo habsami-u-socodka howlaha waxbarasho.

Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo waxbarashada iyo horumarinta bulshada, gaar ahaan carruurta Shuhadada Kumaandooska Danab iyo kuwa Ku nool deegaanka Bali-doogle.

Danab Special Force

Ciidanka AUSSOM, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka ayaa shalay magaalada Buulo Mareer ee Gobolka...
15/09/2026

Ciidanka AUSSOM, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka ayaa shalay magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku qabtay kulan amni oo wadajir ah kaas oo looga hadlay xoojinta ilaalinta shacabka iyo iskaashiga amniga.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Kontonwaarrey Mudane Ibrahim Xaaji Xuseen, Gaashaanle Dhexe Don Naijuka, taliyaha guutada 143-aad ee ciidanka UPDF ee AUSSOM, Gaashaanle Faarax, taliyaha guutada 62-aad ee ciidanka lugta Soomaaliyeed Iyo taliyaha ururka 165-aad Danab.

Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta bulshada iyo iskaashiga lagama maarmaanka ah, sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah, horumarinta wadaagga xogta iyo isku-duwidda hawlaha si, si degdeg ah looga jawaabo khataraha amni.

Gaashaanle Dhexe Naijuka ayaa bogaadiyey iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed isagoo xusay in dedaallada wadajirka ah iyo isku-duwidda ay muhiim u yihiin ilaalinta bulshada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Shabeelaha Hoose.

Mudane Xuseen ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda u dhexeeya maamulka deegaanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ciidamada ammaanka si loo xoojiyo badbaadada iyo xasillonida.

Gaashaanle Faarax ayaa ciidanka AUSSOM uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siinayaan Soomaaliya isagoo mar kale xaqiijiey iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM.

Kulanka ayaa lagu soo gabogabeeyey ballanqaad ah in la sii xoojin doono iskaashiga iyo wadashaqaynta, isla markaana la adkayn doono ilaalinta guud ahaan shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Danab Special Force

Address

Balidoogle
Wanlaweyn
252

Telephone

+252616317888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danab Special Force posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category