Somali chamber of Commerce-Ankara
Isku xidhka iyo garab istaaga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara.
Xafiiska Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Ankara oo dib loo furay kadib. Rugtu waxa ay bilawday diwaan galinta ganacsata Ankara iyo soo saarista buug lagu soo bandhigaayo ganacsatada Ankara. Hoos ka daawo. Mahadsand.
Address; “Kizilay mahallesi Gazi Mustafa Kemal BLV onür işhanı no:12/11/Çankaya /Ankara.”
Soo dhawaada.
18/06/2020
Kadib xanuun kii dunida saameeyey ee , dib ayaanu u bilawnay shaqadii Rugta Ganacsatada ee magaalada Ankara. Waxaanu idinku soo dhawaynaynaa gacmo furan iyo adeegyo cusub. Soo dhawaada, waad mahadsan tihiin.
16/05/2020
08/03/2020
Rugta ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara iyo qaar ka mida shacabka soomaaliyeed ayaa gurmad lacageed gaarsiiyey walaalahoodii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadii webiga ee baladwayne.
Lacagtan ayaa laga uruuriyey walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada turkiga ee ankara, Waxaana la gaarsiiyey boqolaal qoys oo ku dhaqan baladwayn.
Gudoomiyaha rugta Ganacsatada ee ankara Mudane daahir ahmed dhoore ayaa ooga mahadceliyey walaalihii deeqdaas la baxay iyo gudidii gurmadka ee lasameyey sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu u duceeyey dadkii dhibku gaaray.
Maalinnimo wanaagsan. Waxaan soo dhawaynaynaa asxaabtii badnayd ee nagu soo biirtay maalmii u dambeeyey. Soo dhawaada. Waan idin jecelnahay.
15/01/2020
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga (Jaamac Maxamed Caydiid)
Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada ee Ankara (Daahir Axmed Dhoorre)
Madaxa suuq-gaynta (Kaaba Axmed Caydiid)
Madaxa warbaahinta ( Najma Qaran Bila).
Wuxuu waajib innaga saaran yahay, u shaqaynta dalkeenna iyo dadkeenna, markasta iyo meel kasta oo la joogo, iyaga oo ay isugu keen mid yihiin Soomaali.
Rugta ganacsatada ee magaalada Ankara, waxa ay diyaar u tahay mar walba, raalli galinta ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ankara. Soo dhawaada, oo ganacsiyadiinna inta aydaan bilaabin ka diwaan galiya oo soo booqda Rugta ganacsatada.
Madaxa Suuq-gaynta: Kaaba Axmed Caydiid.
Mahadsanidin.
Rugta ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara, ayaa maalintii shalay ahayd Barnaamijka Madal iyo Mas'uul ku casuuntay Taliyaha Ciidanka Soomaaliya, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed. Waxaana ka soo qayb galay Xildhibanno iyo marti sharaf kale.
Mahadsanidin, daawasho wacan.
Share.
08/01/2020
Rugta ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara, waxa ay kugu marti qaadaysaa, Barnaamijka Madal iyo Mas'uul, oo uu marti innoogu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed.
Taariikhda: 09.01.2020
Saacadda: 14:00 Pm duhurnimo.
Goobta: G.M.K. Bulvarı No: 67/E Maltepe Ankara Başkent kokteyl ve Düğün Salonu.
Madaxa warfaafinta/ najma mohamud omar.
03/01/2020
Rugta ganacsatada somaliyeed ee Ankara waxay bogaadinaysa barnaamijkan muxaadirada ah ee qiimaha badan ee ay qabanayaan culimadan Soomaaliyeed, waxa ayna ooga mahadcelinaysaa walaalahaas wakhti geliyey jihaynta iyo toosinta wacyiga ummaddeena Soomaaliyeed Alle ha idinka siiyo ajar iyo xasanaad ayaan leenahay.
Rugta oo xubin muhiima ka ah abaabulka barnaamij kan khayriga ah waxa ay kugu marti qaadaysaa inaad kasoo qayb gashid haddii aad joogto Ankara 5 ta bishan 1aad insha Allaah.
Wixii faah faahina kala xiriir numberada hoose.
Alle ha idin nabad keeno
Mahadsanidiin.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Kizilay Mahallesi Gazi Mustafa Kemal BLV Onür Işhanı No:12/11/Çankaya/Ankara
Ankara
