Somali Embassy in Ankara- Turkey

Somali Embassy in Ankara- Turkey

Share

Embassy of the Federal Republic of Somalia, Ankara.

26/05/2026

Munaasabada Ciidul Adxa awgeed Safaaradda JFS ee Turkiga waxay kuu rajeenaysaa Ciid Farxad leh

On the occasion of Eid Al-Adha holiday, the Embassy of the Federal Republic of Somalia in Türkiye wishes you a happy and joyful Eid.

بمناسبة عيد الأضحى المبارك ، تتقدم سفارة جمهورية الصومال الفيدرالية في تركيا بأحرّ التهاني وأطيب التمنيات، راجيةً لكم عيدًا سعيدًا مليئًا بالفرح.





Photos from Somali Embassy in Ankara- Turkey's post 21/05/2026

Ankara Türkiye

Uqeybsanaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Safaaradda JFS ee Ankara , Marwo Caasho Maxamed Maxamuud " Asha Keyf ", ayaa ka qayb gashay bandhigga usbuuca dhaqanka oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka " Sağlık Bilimleri Üniversitesi " kaas oo loogu talagalay ardayda ka Kala yimid dalalka kala duwan si loo xoojiyo is-dhexgalka dhaqamada iyo ardayda.

Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Ankara ayaa si qurux badan uga dhex muuqday munaasabadda, iyagoo soo bandhigay hiddaha, dhaqanka iyo astaamaha hodonka ah ee lagu garto Dalkena Somaaliya.


Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Ankara (Turkiga) .

21/05/2026

𝑶𝑮𝑬𝒀𝑺𝑰𝑰𝑺 𝑶𝑮𝑬𝒀𝑺𝑰𝑰𝑺

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara

Waxay ogeysiinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka kale ee booqanaya safaaradda in:

Laga bilaabo Isniin 25 May 2026,
ay Safaaraddu xidhnaandoonto Fasaxa Ciida awgeed.

Shaqadii caadiga ahayd waxay dib u bilaaban doontaa Isniin, 01 June 2026, iyadoo jadwalka shaqaduna uu ku soo laaban doono sidii h**e:

9:00 AM – 5:00 PM

Mahadsanidiin

Photos from Somali Embassy in Ankara- Turkey's post 18/05/2026

𝐀𝐧𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐓ü𝐫𝐤𝐢𝐲𝐞

𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓ü𝐫𝐤𝐢𝐲𝐞 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚(NIRA)

Safiirka Soomaaliya ee dalka Türkiye Danjire Fatxudiin Cali "Fathi Ospite" ayaa xarunta Safaaradda ka daahfuray Xafiiska Hay’adda NIRA, Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya magaaalada Ankara ayaa waxaa ka qeybgalay, Diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin kale.

Danjire Fatxudiin Cali Ospite Safiirka JFS ee dalka Turkiga ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeya ay bulshada Soomaaliyeed fursad u heli doonaan in xarunta Safaaradda ay ka qaataan kaarka aqoonsiga.


Wixii xog dheeri ah kala xariir:
+90534 593 39 90

NIRA Somalia Somali Embassy in Ankara- Turkey

18/05/2026

𝑶𝑮𝑬𝒀𝑺𝑰𝑰𝑺 𝑶𝑮𝑬𝒀𝑺𝑰𝑰𝑺
𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐧𝐤𝐚𝐫𝐚,

Waxay ogeysiinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka kale ee booqanaya safaaradda in:
Maalinta Talaadada, 19 May 2026 in ay Xidhnaan doonto munaasabada Maalinta Munaasabadda Xuska Mustafa Kemal Atatürk, Dhalinyarada iyo Isboortiga ( Atatürk'ü Anma, Gençlik ve Spor Bayramı)-awgeed.

Shaqadii caadiga ahayd waxay dib u bilaaban doontaa Arbaco, 20 May 2026, iyadoo jadwalka shaqaduna uu ku soo laaban doono sidii h**e:
9:00 AM illaa 5:00 PM

Mahadsanidiin

Photos from Somali Embassy in Ankara- Turkey's post 17/05/2026

Ankara, Türkiye — Uqeybsanaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Safaaradda JFS Somali Embassy in Ankara- Turkey , Marwo Caasho Maxamed Maxamuud " Asha Keyf", ayaa ka qayb gashay bandhigga usbuuca dhaqanka (Cultural Week) oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Ankara Medipol University " MedipolAnkara ", kaas oo loogu talagalay ardayda ka Kala yimid dalalka kala duwan si loo xoojiyo is-dhexgalka dhaqamada iyo ardayda.

Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Ankara " Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Ankara (Turkiga) " ayaa si qurux badan uga dhex muuqday munaasabadda, iyagoo soo bandhigay hiddaha, dhaqanka iyo astaamaha hodonka ah ee lagu garto Dalkena 🇸🇴.

15/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨!
𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 (𝐒𝐘𝐋 𝟏𝟓 𝐌𝐚𝐲).
Somali Embassy in Ankara- Turkey
Waxay hambalyo iyo bogaadin u Diraysaa dhammaan 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 💙🇸🇴 meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Waa maalin lagu xusayo aas-aaskii ururkii gobonimo doonka ahaa ee 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐘𝐨𝐮𝐭𝐡 𝐋𝐞𝐚𝐠𝐮𝐞 (𝐒𝐘𝐋).

Dhalinyarada Soomaaliyeed Waxaan kula dardaarmaynaa inay ku dadaalan 𝐂𝐚𝐛𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐀𝐥𝐥𝐞, 𝐃𝐚𝐥 𝐣𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 iyo 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.

12/05/2026

🇸🇴🇹🇷 A daring step forward: The courage behind Türkiye-Somalia energy cooperation

Türkiye and Somalia are building a partnership that extends beyond economics into a broader sphere of strategic cooperation.

By.
Abdiaziz Abdalla Hussein,
H.E Amb Fathuddin Ali Fathi Ospite

Read more.....
https://www.trtworld.com/article/dd2bd34734a7

Photos from Somali Embassy in Ankara- Turkey's post 11/05/2026

Safiirka JFS ee Türkiye, Mudane Fatxudiin Cali . "Fathi Ospite", ayaa maanta booqasho salaan iyo isbarasho ah ku tagay Degmada Gölbaşı Belediyesi ee magaalada Ankara, halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Degmada, Mudane Yakup Odabaşı.

Degmada Gölbaşı waa deegaanka rasmiga ah ee uu ku yaallo dhulka loo qoondeeyay dhismaha safaarada JFS ee Ankara, gaar ahaan aagga İncek.

Safiirku wuxuu Guddoomiyaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran, martigelinta wanaagsan, iyo sida sharafka leh ee uu ugu qaabilay xarunta degmada.

Somali Federal Cumhuriyeti Ankara Büyükelçisi Sayın Fathudin Ali Mohamed Ospito, bugün Gölbaşı Belediye Başkanı Sayın Yakup Odabaşı’na nezaket ve tanışma ziyaretinde bulunmuştur.

Gerçekleştirilen görüşmede, Gölbaşı ilçesine bağlı İncek bölgesinde yer alan ve Somali Federal Cumhuriyeti’nin Ankara Büyükelçiliği binası için tahsis edilen arsa hakkında değerlendirmelerde bulunulmuştur.

Sayın Büyükelçi, nazik ev sahipliği, sıcak karşılaması ve misafirperverliği dolayısıyla Sayın Başkan’a teşekkürlerini ifade etmiştir.

Photos from Somali Embassy in Ankara- Turkey's post 10/05/2026

Safaarada JFS ee Ankara u qeybsanaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Marwo Asha Mohamed Mohamud "Asha Keyf " oo ka qeyb gashay shirka Aqoonyahanada Cilmiga Badaha Turkiga oo ku kulmay magaalada Çanakkale

Shirkan sanadlaha ah ee qeybtiisa 24-aad ee saynisyahanada iyo Golaha midowga cilmiga badaha ayaa lagu qabtay magaalada Çanakkale, waxaana guddoominayay Guddoomiyaha Jaamacadda Çanakkale Onsekiz Mart Üniversitesi Mart Prof. Dr. R. Cüneyt Erenoğlu.

Munaasabadan oo ahayd mid muhiim ah oo ay isugu yimaadeen wakiilo ka socday hay’adaha badda Turkiga, aqoonyahanno, maamulka guud iyo arday, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:

· Xoojinta iskaashiga ka dhexeeya laamaha iyo jaamacadaha,
· Tayeynta shaqaalaha aqoonta leh,
· Isbeddelka dhijitaalka ah ee waxbarashada badaha,
· Horumarinta waxbarashada badda ee Turkiga si loo gaaro heer caalami ah.

Isku soo wada duuboo, kulanku waxa uu gacan ka geystay in mar kale la muujiyo wadajirka xooggan ee ka dhexeeya qaybta Maamulka badaha iyo tacliinta ku aadan cilmiga bada ee la sii casriyeeynaayo.

Waxaana munaasabada qeyb ka ahaa xarig-jarka qeyb cusub oo ardayda ay uga faaideysato cilmiga bada.
Xaflada furitaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay u leedahay waxbarashada badaha ee tababarka iyo helida farsamada, waxaana la sheegay in xaruntan ay wax weyn ka tari doonto waxbarashada badda Turkiga, iyadoo lagu soo kordhiyay cilmiga badaha qalab casri ah oo ardayda ay khibradooda kor ugu sii qaadayso dhanka badaha ee heerar caalami leh.

Want your business to be the top-listed Government Service in Ankara?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Kazım özalp Reşit Galip Caddesi No. 100
Ankara
06680