Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.

Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.

Share

Bogga rasmiga ah ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed Ee Turkiga-UMASET.

03/05/2026

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 03/05/2026

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 15/04/2026

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga UMASET Gudoomiye Calasow ayaa ka qeyb galay Kulan aay soo qaban qaabisay Xisbiga Ak parti istanbul il başkanlığı oo ujeedkiisu ahaa Quraac wadareed iyo wadasheekeysi iyo is xaal wareysi u dhaxeeyay Madaxda Ak part İstanbul qeybta Genç kolları Diş ilişkileri başkanlığı iyo Xildhibaanada ugu da da yar ee laga soo doorto Ankara ( Zehranur aydemir).

Program ka ayaa lagu casuumay Madaxda Ururada Ardayda Ajaanibta ne iyo university club student representative kaasoo diirada saaraayey xoojinta iyo ka iska warqabka u dhexeeya xisbiga Talada dalka haaya ee Ak parti iyo Ardayda Ajaaniibta ah ee wax ka barata dalka Turkiga.

Falaqeyn iyo wadasheekeysi dheer kadib iyo cabaashooyin iyo talooyin dheer kadib waxa uu program la noogu soo dhamaaday si wanaagsan.

Waxa ugu badan oo aay Hogaanka Ardayda caalamiga ah ka cabanayeen oo ahaa in aaysan jirin fursad aay Ardayda ajaanibta ah ku helaan STAJ ama shaqo aay adag tahay iyadoo laysku raacay in taasna xal loo heli doono oo dadaalkeediina la wado.

Ugu danbeyn Ururka UMASET wuxuu ardayda Soomaaliyeed u sheegayaa in aay marwalba la socdaan kana warqabaan fursadaha badan ee ka jira wadankaan ama magaalo kasto aay kala joogaan ardayda Soomaaliyeed kana faa iideestaan fursadahaas si ardayda kaleba aay uga faa iideeysato.

Ardaygii Doonaaya inuu helo STAJ ama in laga caawiyo sidii uu ku heli lahaa wuxuu lasoo xiriiri karaa Ururka umaset By EMAİL ([email protected]).

ururka wuxuu diyaar u yahay marwalba caawinta Ama hagida Ardayga Soomaaliyeed meel walba uu joogo, wuxuuna diyaar u yahay inuu la raadiyo STAJ asagoo ku hagaya meelaha ku haboon ee markaas la heli karo .
Mahadsanidiin.🙏

MOHAMED M. HILOWLE
Madaxa Warfaafinta iyo Baraha bulshada
[email protected]
İstanbul,Turkiye

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 12/04/2026

Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga UMASET Gudoomiye Calasow iyo qaar kamida Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga gaar ahaan magaalada İstanbul ayaa ka qeyb galay program nuuciisu ahaa Dood Cilmiyeed aay soo qaban qaabisay Machadka xarunta cilmi baarista ee ( İSTANBUL ÜNİVERSİTESİ
AFRİKA ÇALIŞMALARI UYGULAMA VE
ARAŞTIRMA MERKEZİ).

Mawduuca dood cilmiyeedka ayaa ahaa Taariikhda xiriirka labada dal ee Turkiga & Soomaaliya (Geçmişten Günümüze Türkiye-Somali ilişkileri).

Waxaa qeyb ka ahaa Dood cilmiyeedka oo ka mid ahaa Khubarada lagu casuumay program Gudoomiye ku xigeenka Ururka midowga ardayda soomaaliyeed ee Turkiga UMASET Mudane Mustaf Hassan Abdirashid .somalii oo ku metalay ururka kana warbixiyay xiriirka soo jireenka ah ee nagala dhexeeya dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga.

Ugu danbeyn Gunaanadka Barnaamijka ayaa lagu soo gaba gabeeyay sida loo sii xoojin lahaa xiriirka labada wadan hadii aay noqon lahayd iskaashi dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo welibo dhanka waxbarashada.

MOHAMED M. HILOWLE
Madaxa Warfaafinta iyo Baraha bulshada
[email protected]
İstanbul,Turkiye

SomaliStudentsTurkey SomaliStudents StudentCommunity

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 10/04/2026

Ururada Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET) iyo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara waxay si guul leh u soo gebagebeeyeen siminaar aqoon-kororsi ah oo cinwaankiisu ahaa “Maareynta Khayraadka Aadanaha / Maaraynta Shaqada iyo Shaqaalaha” (Human Resource Management).

Siminaarkan oo socday labadii toddobaad ee u dambeeyey, waxa uu qayb ka ahaa dadaallada aan ku dhisayno aqoonta iyo xirfadda ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkan Turkiga.

Waxaan u mahadnaqaynaa Machadka AIMS iyo Jaamacada Kungan oo tababarka iska kaashaday sidoo kale Hay’ada MÜSDAV oo marti gelisay qabsoomidiisa.

Himiladeenu waa arday dhisan iyo mustaqbal ifaya! 🚀📚

HRM Education

25/03/2026

📢 *OGEYSIIS MUHIIM AH: TABABARKA MAARAYNTA SHAQADA IYO SHAQAALAHA* 📢

Ururada UMASET iyo ASSA waxay ku faraxsan yihiin inay ardayda Soomaaliyeed ee Ankara mar kale u soo bandhigaan fursad qaali ah oo ku saabsan tababar caalami ah (Qaybtiisa 2-aad).

Kani waa tababar heerkiisu sarreeyo oo aad ku helayso Shahaado Caalami ah oo ay bixinayso Jaamacadda Kuningan ee dalka Indonesia.

🔹 Ujeeddada: In ardayda lagu qalabeeyo xirfadaha maamulka, horumarinta nafta, iyo u diyaargarowga suuqa shaqada.
🔹 Shahaado kor u qaadaysa CV-gaaga iyo fursadahaaga shaqo.
🔹 Tababar Bixiyeyaasha: AIMS & Kuningan University.
🔹 Macalinka: Dr. Abdisamad A. Omar.

📍 Goobta: Ankara.
📅 Xilliga: March 28 – April 5 (Sabti iyo Axad oo kaliya).

✨ Ha moogaan fursadan kor loogu qaadayo aqoontaada iyo mustaqbalkaaga shaqo!

✅ Is-diwaangeli hadda si aad booskaaga u xajisato:
👇👇👇
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdBiTUdCZuiI5OzLSsjDpsiBUQf1WdULiyJ7hM5DG5DH1uCEA/viewform?usp=header

20/03/2026

Ururka Midowga Ardayda Sooomaaliyeed ee Turkiga UMASET wuxuu ugu hambalyeynayaa dhamaan Ardayda Soomaaliy ee wax ka barta Dalka Turkiga iyo dhamaan umada Soomaliyeed meel walba oo aay Dunida ka joogaan waxaan idin leenahay Ciid wanaagsan.

Kullu caam Awantum Bikheyr🌙☪️🥰

17/03/2026

Ciida & Jawi Farxadeed 🌙✨

Ururka UMASET & ASSA waxa ay qabanayaan munaasabad gaar ah oo loogu dabbaaldegayo farxadda Ciidda, taasoo isugu jirta quraac dhaqameed, filim, iyo ciyaaro kala duwan.

📋 Macluumaadka Barnaamijka:

🗓 Maalinta: Jimco, 20 March 2026 (Salaadda Ciidda ka dib)

⏰ Saacadda: 8:30 AM ilaa 2:30 PM

📍 Goobta: TADD Ankara Temsilciliği.

💰 Qiimaha: 250 TL (Waxa ku jira dhammaan adeegyada hoos ku xusan).

🍱 Quraacda (Menu-ga):

🥘 Beer Soomaali & Rooti.

🍩 Macmacaan: Xalwo & Turkish Delights.

🧃Cabitaan: Shaah Soomaali, Shaah Turkish, Kafee, Casiir & Biyo.

🎬 Qaybta Labaad (Entertainment):

Movie Time: Daawashada filim iyo Salool (Popcorn).

Activities: Ciyaaro xiiso leh sida UNO, Turub,Tuug & Askari iyo sheeko wadaag, iyo ciyaaro kale.

Registration: https://forms.gle/Po1TFsNPU8sCNZrJ9

⚠️ Fiiro Gaar Ah: Boosasku aad bay u xaddidan yihiin, waxaan qaadaynaa 25 QOF OO KALIYA.

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 12/03/2026

Matalaadda Dhaqanka iyo Afurka Isbuuclaha ee YTB 🌙🇸🇴☕

Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET) waxa uu si weyn ugu faraxsan yahay inuu xalay qayb ka ahaa barnaamijka “Afurka Walaltinimada iyo Dhaqanka” ee ay soo qabanqaabisay hay’adda YTB (Türkiye Bursları) ee magaalada Ankara.

Waxaan sharaf noo ahayd inaan si heer sare ah u matalno dalkeena Soomaaliya, anagoo martidii ka soo qayb-gashay oo isugu jiray arday caalami ah iyo masuuliyiin ku casuunnay Shaaha Soomaaliga ee caanka ah iyo Macmacaanka hiddaha iyo dhaqanka u leh dalkeena anagoo u sharxeena dhaqankeena iyo hababka nololeed ee bulshada Soomaaliyeed. Waxay ahayd fursad aan ku muujinnay martisoorka iyo quruxda dhaqanka Soomaaliyeed.

Mahadnaq Gaar ah:
Waxaan u mahadcelineynaa Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara (ASSA) iyo maamulkooda, kuwaas oo door weyn ka qaatay dhabar-adaygga iyo fududeynta barnaamijkan. Iskaashiga nagala dhexeeya ASSA waxa uu tusaale u yahay sida loogu midoobi karo u adeegidda ardayda iyo kor u qaadista magaca dalkeenna.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa ardaydii mutadawiciinta ahayd ee nala garab istaagay diyaarinta iyo soo bandhigidda agabka dhaqanka.

Midnimada iyo Dhaqanku waa Cududdeenna!

SomaliTea Ramadan2026 Turkiye Matalaad

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 12/03/2026

Kobcinta Xirfadaha Ardayda Soomaaliyeed 🎓🇸🇴

Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET) waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara oo si guul leh ay ugu soo gebagebowday tababarka caalamiga ah ee “Project Procurement and Contract Management” oo ay bixinayeen si wadajir ah Machadka African Institute of Multidisciplinary - AIMS iyo Jaamacada Kuningan University (Indonesia).

UMASET waxay si weyn ugu faraxsan tahay inay barnaamijkan muhiimka ah kala shaqaysay ururka ASSA, iyadoo door ka qaadatay fududeynta iyo iskudubaridka tababarkan si loo hubiyo in ardaydu helaan fursad waxbarasho oo heer sare ah.

Waxaan u mahadcelineynaa Gudoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara ASSA, Machadka AIMS oo tababarka bixisay, iyo dhammaan ardaydii sida firfircoon uga qayb qaadatay.

MOHAMED M. HILOWLE
Madaxa Warfaafinta iyo Baraha bulshada
[email protected]
İstanbul,Turkiye

Turkiye

Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 05/03/2026

Gudoomiyaha Ururka midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga UMASET Mudane Calasow iyo qaar kamida Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalad İstanbul ayaa ka qeyb galay afur wadareed aay soo qaban qaabisay xarunt GENÇ MÜSİAD 28 February 2026.

MOHAMED M. HILOWLE
Madaxa Warfaafinta iyo Baraha bulshada
[email protected]
İstanbul,Turkiye


Photos from Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET.'s post 02/03/2026

Kulan Afur, Sagootin iyo Dar-daaran Aqooneed

Waxaa magaalada Ankara ka qabsoomay kulan Afur iyo Sagootin ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET), oo uu horkacayo Guddoomiye Ku-xigeenka mudane Mustafa Hassan Abdirashid, iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Kulankan qaaliga ah waxaa marti ku ahaa madax heer sare ah oo kala ah:

Mudane Yaasiin Bashir: Maareeyaha Ururka The Peninsula Centre for Research and Policy Studies.

Prof. Dr. Yahya Amir: Cilmi-baare Sare.

Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray:

Tayaynta Aqoonta: Waxaa si weyn looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tayada iyo aqoonta ardayda Soomaaliyeed, iyadoo la iska kaashanayo qorsheynta iyo fulinta mashaariicda waxbarasho.

Baahida Cilmi-baarista: Waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in cilmi-baaris dhab ah lagu sameeyo baahiyaha kala duwan ee dalka ka jira, si xal loogu helo caqabadaha taagan.

Dar-daaran iyo Sagootin: Madaxda ayaa ardayda kula dar-daarmay inay noqdaan kuwo aqoontooda uga faa’iideeya qaranka, iyadoo kulanku uu ahaa mid sagootin ah oo lagu maamuusayay aqoonyahannada.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada UMASET ay ku xoojinayso xiriirka ka dhaxeeya ardayda iyo xarumaha cilmi-baarista, si loo soo saaro jiil aqoon u leh hoggaaminta iyo horumarka dalka.

MOHAMED M. HILOWLE
Madaxa Warfaafinta iyo Baraha bulshada
[email protected]
İstanbul,Turkiye

Leadership SomaliStudents Ankara

Want your business to be the top-listed Government Service in Ankara?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Kültür Mah. Mithatpaşa Caddesi No:47/10 Çankaya/Ankara
Ankara
06420

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00