Jubbaland Security Forces

Jubbaland Security Forces

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jubbaland Security Forces, Government Organization, Istanbul.

Photos from Jubbaland Security Forces's post 16/12/2025

Geesiyaasha Ciidamada Jubaland, gaar ahaan Ciidanka Madaxtooyada, ayaa si hagar la’aan ah uga go’an sifaynta iyo ciribtirka goobaha ay cadawgu gabaadka ka dhigtaan. Howlgallada ay wadaan ciidamadaasi ayaa ah kuwo si weyn u taabanaya amniga, isla markaana niyad u dhisaya shacabka Soomaaliyeed.

Gulufta joogtada ah ee ay fuliyaan halyeeyada Ciidanka Madaxtooyada ayaa lagu bartilmaameedsanayaa meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha cadawga ah, taas oo keentay in si tartiib tartiib ah loo xoreeyo deegaanno muhiim ah, loona sugo badqabka muwaadiniinta.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinaya taageero iyo bogaadin ay u hayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ay sameynayaan ciidamada Jubaland, iyaga oo ku tilmaamay kuwo u taagan difaaca dalka, diinta iyo dadkaba.

23/08/2025

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi, kadib safar gaara oo uu kaga ambabaxay magaalada Kismaayo. Ilo xog-ogaal ah oo ka ag dhow madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu kulan albaabadu u xiran yihiin la qaadan doono hoggaamiyeyaasha gobolka iyo xubno ka socda beesha caalamka ee ku sugan Nairobi.

Safarkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya qorshe ballaaran oo Jubbaland ku doonayso in ay dagaal kula wareegto magaalooyin muhiim ah oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab, gaar ahaan caasimadda maamulka ee Bu’aale iyo degmada Xagar.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saaxiibada Soomaaliya kala hadli doona sidii loo garab istaagi lahaa gulufka milatari ee Jubbaland qorsheyneyso in lagu wiiqo awoodda kooxda, taas oo muddo lix bilood ah qorsheyn iyo diyaar-garoow socday. Ilo ku dhow madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in arrinta dagaalka ay marayso heer gebogebo ah, islamarkaana dhowaan la filayo in la guda galo wajiga fulinta.

Dhanka kale, toddobaadkan waxaa magaalada Kismaayo gaaray Taliyaha Hay’adaha Sirdoonka Kenya, Nuurudiin Xaaji, oo kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa diyaargarowga dagaalka iyo kaalinta saaxiibada gobolka ee taageerada dhinacyada sirdoonka, dhaqaalaha iyo milatariga.

Madaxweyne, Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer h**e sheegay in Jubbaland aysan ka leexan doonin dagaalka Al-Shabaab, balse la sugayo kaliya taageerada saaxiibada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo guul waarta.

17/08/2025

War Deg-Deg ah

Janan iyo Osman Haji, oo ah taliyaha Qaybta 43-aad ee Militariga Soomaaliya, ayaa maanta isku dhacay kadib markii ay isku qabteen cidda maamuleysa ciidamada ku sugan xerada UK. Xiisaddan ayaa dhalisay muran xoogan oo dhex maray labada dhinac, waxaana la sheegay in weli aan xal rasmi ah laga gaarin arrinta.

Iska horimaadkan ayaa muujinaya khilaafka ka dhex aloosan saraakiisha qaar ee ciidamada dowladda, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay dowladdu uga jawaabi doonto xaaladdan cusub.

13/08/2025

WAR DEG-DEG AH: Shirkii Maanta ee u dhaxeeyay Madasha Samatabixinta Somalia iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu kala tagay iyadoo aysan jirin wax is afgarad ah oo laga gaaray qodobadii la isku hayay ee muhiimka ahaa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa noo sheegay in Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay Madaxweynaha ku dhaliileen Isdiiwaangelintiisii shalay ee Doorasho Qof iyo Codka ah taas oo ay u arkayeen dhoolatus Siyaasadeed Iyo Fariin cad oo uu Xasan Iyaga u diray ka hor Kulankooda.

Shalay ayay ahayd markii uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud si toos ah isugu diiwaangaliyay doorashada uu isagu doonayo ee qof iyo cod, taas oo loo arkayay inuu ugu sii quus goynayay Xubnaha Mucaaradka ah ee kulanka kula balansanaa maanta.

Sida muuqata shirkan waa lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray iyo kulan kale oo loo balamay midna.

Madashii Samatabixinta ayaa hadda shir gaar ah ku yeelanaya Guriga Madaxweynahii h**e ee Dalka Shariif Sh Ahmed, si ay war k**a dambeys uga soo saaraan sababta keentay in shirku fashil kusoo dhamaado Iyo waxa ay ka yeelayaan Arimaha la isku hayo ee doorashada iyo dastuurka Somalia.

13/08/2025

Geesiyadeeniyow naf iyo dhiigba waad noo hurteen💪✌️

13/08/2025

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Jubaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhammaan ehelada, qaraabada, qoysaska iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee ay ka baxeen saraakiil iyo askar ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Jubaland, kuwaas oo ku geeriyooday dagaalka iyo colaadaha nasiib darrada ah ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka wado degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Weerarkan ayaa ahaa mid si bareer ah loogu qaaday ciidamada Jubaland ee ku sugnaa talisyadooda, iyadoo amarka weerarka uu bixiyay taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna fulisay kooxda qaswade Cabdirashiid oo eedaysanuhu diyaarad ku geeyay magaalada Beledxaawo, si uu u kiciyo dagaal dhiig ku daatay. Falkan gardarrada ah wuxuu sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana ka mid ahaa dhimashada saraakiil muhiim ah oo door weyn ku lahaa amniga gobolka.

Dowladda Jubaland waxay u aragtaa falkan inuu yahay qayb ka mid ah damaca indha la’aanta ah ee taliska eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo muddo dheer ku hawlanaa abaabulka rabshado iyo dagaallo ka dhaca gobolka Gedo. Waxaa cadaatay in qorshaha taliskaasi uu yahay in dagaallo daba dheeraada laga huriyo deegaanada xuduudka ee gobolka, taas oo khatar ku ah shacabka Jubaland iyo xasilloonida guud ee dalalka dariska ah.

Dowladda Jubaland waxay mar labaad xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay si buuxda uga hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyo nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya taas oo ah hadafka weyn ee eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada Dowladda Jubaland waxay ku sugan yihiin ciiddooda, waxayna mar walba diyaar u yihiin sidii looga hortagi lahaa damaca bahalnimada ah ee Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD

08/08/2025

Deg Deg:Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo saaka kasoo ruqaansaday agga PP1 oo soo kordagay Baladxaawo iyo Dagaalka oo laga cabsi qabo in uu mar walba uu qarxo.

Ciidamada Jubaland oo maal mahan waday is Abaabul xooggan ayaa saaka Ogga waabari ka ruqaansaday dhufayso ay kaga sugnaayeen PP1 oo dhacda kaabiga Xadka Kenya iyo Somalia waxayna hadda ciidamadu gareen Tuula Amin oo qaddar u jirta magaalada Baladxaawo.

Jubaland ayaa qorshaynayaa in ay Magaalada Baladxaawo dib oogala wareegto Maleeshiyad ka amar qaata kooxda Villa Somalia oo uu horjooge u yahay Abdirashid Janan.

Photos from Jubbaland Security Forces's post 07/08/2025

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhibaatooyinka joogtada ah ee uu gobolka Gedo' iyo guud ahaan Jubbaland ka wado eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo lagu carqaladeynayo amniga iyo wadajirka bulshada reer Jubbaland.

07/08/2025

Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Milatariga Itoobiya ayaa saakay Mar kale ku soo laabtay magaaladda Baladxaawo waxaana la arkay iyagoo dul heehaabaya saldhiga Milatariga ee Xero UK.

07/08/2025

UPDATE :- Saraakiil Kenyan Ah Ayaa Shacabka Ku Noolaa Xaafadaha PP1 Iyo Geneva Ee Magaalada Mandera Ugu Baaqday In Ay Ka Baxaan Goobahaas Oo Lagu Wado Oo Lagu Wado In Ay Noqdaan Furin Dagaal Maalmaha Soo Socda.

Jubbaland Ayaa Waxaa Ka Go’an In Ay Dib Usoo Ceshtaan Gacan Ku Haynta Degmada Balad Xaawo Oo Horaantii Isbuucii Tagay Ay Iskaga Baxeen.

Arinkaan Ayaa Kusoo Aadaya Ka Dib Markii Saraakiil Itoobiyaan Ah Ay Abdirashid Janan Iyo Ciidamada Taabacsan Ay Xera UK Iskaga Baxaan Muddo Ku Siman 72 Saac Oo Hadda Gebogebo Ah.

Xaafadaha PP1 Iyo Geneva Ayaa Dhaca Dhanka Xaduudka Balad Xaawo Iyo Mandera.

07/08/2025

:-Degmada Baledxaawo waxaa meel banaan ah isugu soo baxay askar shacab isu ekeysiiyay oo la sheegay in ay dhigayeen Dibad-bax ay abaabuleen shaqsiyaad ka shaqeenaya danaha Dowlada Masaarida oo la doonayo in ay fariisin ka sameesato goobo kamida gobolka Gedo.

Want your business to be the top-listed Government Service in Istanbul?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Istanbul