07/05/2026
Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya, Dr. Cabdifatax Nuur Axmed (Ashkir), ayaa maanta ka qayb galay kal-fadhigii 23-aad ee Golaha Safiirrada Carabta ee dalka Tansaaniya.
Embassy of the Federal Republic of Somalia, Dar es Salaam.
07/05/2026
Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya, Dr. Cabdifatax Nuur Axmed (Ashkir), ayaa maanta ka qayb galay kal-fadhigii 23-aad ee Golaha Safiirrada Carabta ee dalka Tansaaniya.
02/05/2026
Safaaradda JFS ee dalka Tansaaniya ayaa si sharaf leh u soo dhaweysay wafdi ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay halkan u joogay aqoon kororsi la xiriirta kor-u-qaadidda tayada adeegyada dowladnimo.
Wafdiga, oo ka koobnaa la-taliyayaal, agaasimayaal, iyo afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ammaanay horumarka uu danjiraha hadda jooga, Mudane Ilyas Cali Xasan, ku sameeyey dhismayaasha safaaradda, xafiisyada diblomaasiyiinta, iyo guriga degaanka danjiraha.
Diblomaasiyiinta safaaradda iyo howlwadeennada ayaa si miisaam sare leh u soo dhoweeyey wafdiga, iyadoo munaasabaddana looga mahadceliyey booqashadaas.
27/04/2026
A delegation of the Federal Republic of Somalia, led by Mr. Mohamed Abdirahman Mohamed (Boolbool), Director of Cabinet Affairs at the Office of the Prime Minister, is participating in a capacity-building and experience-sharing program in the United Republic of Tanzania.
The program focuses on strengthening Cabinet systems, enhancing policy coordination, and improving institutional effectiveness.
The opening session was addressed by Mr. Abdifatah Ashkir Noor, Deputy Ambassador of Somalia to Tanzania, and the Deputy Permanent Secretary from the Office of the President of Tanzania.
The five-day program combines training sessions with study visits, including engagements with key government institutions in Dodoma. 🇸🇴🤝🇹🇿
19/03/2026
Eid Mubarak! 🌙✨
May this occasion brings you peace, happiness, and blessings. Wishing you a joyful celebration!
05/03/2026
Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa maanta Soomaaliya ku metelay Shirka 59-aad ee Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada EAC oo ka dhacay Xarunta EAC ee magaalada Arusha.
Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa fadhiga ka soo qeybgaleen si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, iyo hirgelinta go’aannada Shir Madaxeedka.
Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay ka go’naanteeda xoojinta iskaashiga gobolka, isdhexgalka dhaqaalaha, nabadda, iyo xasilloonida Bulshada Bariga Afrika.
04/03/2026
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa Xarunta Safaaradda Soomaaliya ku soo dhoweeyey Safiirka dowlada aan saaxiibada nahay ee Itoobiya, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Labada Danjire ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa khuseeya xoojinta wada shaqaynta saaxiibtinimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dal, Soomaaliya iyo Itoobiya.