Taageereyaasha UPD Ee G. Banaadir

Taageereyaasha UPD Ee G. Banaadir

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Taageereyaasha UPD Ee G. Banaadir, Political organisation, Kampala.

21/09/2019
20/09/2019
19/09/2019

:

.

Xil.

daawasho wacan.

18/09/2019

:

.

madaxweynihii h**e xil.
daawasho wacan.

Photos from Taageereyaasha UPD Ee G. Banaadir's post 17/09/2019

Xisbiyada qaran ee "UPD", , , iyo ayaa waxay walaac xoogan ka muujinayaan War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee xalay lagu soo gabogabeeyay magaalada Dh.Mareeb ee caasimadda .

War-Murtiyeedka Xisbiyada halkaan hoose ka akhriso.

16/09/2019

:
Daawo khudbadii uu Guddoomiyaha mudane ka jeediyay 4-9-2019 (Kofi Annan peace and Security Forum, KAPSF).
.

15/09/2019

:
.
Waa khudbadii uu ka jeediyay gudoomiyaha xisbiga ahna madaxweynihii h**e xil. daawasho wacan.

11/09/2019

*


Mundane waxuu ka mid ahaa madaxdii dalka soo martay midkii ugu wanaagsanaa waxuu ahaa nin ay udhamays tirantahay astaamaha lagu garto hogaamiyaha wanaagsan waxuu lahaa aqoon iyo waayo aragnimo dhamaystiran ee looga bahan yahay hogaamiye waxuu ahaa nin ka dhisan dhinaca maadiga iyo diiniyan intaba ma ahayn cilmaani.

Mudane Hassan dalka iyo dadka soomaliyedba weey tabeen ,shaqadii uu qabatay iyo guulihii uugaaray maahan mid qoraal yar lagu soo koobikaro.

Dalka waxuu soo gaarsisay meel sare aan cidna maantay dafiri Karin guuxa Shacabka somaliyed waxa uu noqdo ilaahow Hassan oo nabad qabo noo soo celi dalka iyo dadkuba ilaahay kasakoow qof aanan adiga ahayn uma maqno.

Xiligii aad talada dalka haysay waxan hiigsanaynay meel sare waxan lahayn rajada ay leeyihiin shacbkasta ee dunidan kunool, mudadii yarayd aad dalka haysay iftiin dowladnimo Ayaan arkeynay.

DHINACA HORUMARKA

Dhamaan waxa uu dhisay kaabayashii dhaqaalaha sida wadooyinka, garoomada diyaarada, dakada, cisbitaalo IWM.

Wadooyinkii uu dhisay waxaa kamid ah Maka Almukara, Wadnaha, wadada Sodonka ay howshedu gabo gabo ahayd.

Garoonka diyaaradaha ee Adan Ade International airport ayuu dhisay kana dhigay garoon caalami ah, waxuu kaloo door muhiim ah ka ciyaaray dhisidii garoonka Bosaaso, Dakada Mogadishu sidoo kale dib ayuu udhisay.

Cisbitaalo badan ayuu dalka ka hirgaliyay

waxuu dib udhisay cisbitaalkii Digfeer dadka somaliyed waxey cafimad uradsan jireen dalka dibadiisa wuu daboolay baahidas manatay qofkasta oo somaliyed dalka gudihiisa ayu cafimadka uu rabo ka heliyaa ilaah ayaa baxshee cafimadka.

Waxuu dib udhisay xafiisyadii ay dowladu kushaqayn lahayd.

Waxuu ladagaalamay musuq maasuqa.
Waxuu shaqo abuur usameyay dhalinyarada, maantay hadad gasho xafisyada dowlada waxaa fadhiyo dhalinyaro.

DHINACA WAXBARASHA

Waxbarashada horumar lataaban karo ayuu dalku gaaray intuu uu talada hayay waxa kamid ah manaahijtii waxbarasha oo lamideyay in imtixanadka sidoo kale ayadana lamideyay dalka oo dhan hal imtixan laga qadayay Ardayda Somaliyed meelkasta oo ay dalka ka joogan.

Waxay uu dalka ka hirgaliyay barnaamijkii ahaa aada dugsiyada oo loogu talo galay in ay waxbarasho lacag la’aan ah ku helaan caruurta Soomaliyeed ee agoomaha ah iyo kuwa waalidkood aanu awood u laheyn inuu ka bixiyo qarashaad ay wax ku bartaan.

Waxuu dib udhis kusameyay jaamacadii umada Soomaliyeed.

DHINACA SIYAASAD

Waxuu soo celiyay sharaftii iyo karaamadii aan aduunka intiisa kale ku lahayn, xiriirkii arimaha dibadana wuu dhisay.

Waxaa dalka lagu qabtay shirar heer caalami ah sida shirkii 53aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee wadammada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD mudo sodon sano kadib ah, waxaa kaloo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay marti-gelisay Shir Madaxeedkii Urur gobaleedka IGAD oo isagu markii ugu h**eysay lagu qabto gudaha Soomaaliya tan intii la dhisay 1986.

Mid aan qofkasta oo muwadin Soomliyed ah uusan ilaabi Karin ayaa ah kiiskii Bada ee udhaxeyay dowladaha Somaliya iyo Kenya ayuu door muhiim ah ka ciyaaray hadaladisii waxaa kamid ahaa ‘‘gorgotan k**a galayno mitir dulkeena kamid ah k**ana tanasulayno’’waxa uu qaatay go,aan geesinimo leh.

Visaha dal kugalka kenya oo shacabka somaliyeed ku dhibaatesnayeen ayuu fududeeyay.

Dowlada Somaliya waa dowad federal ah federalkuna waa in dalku uu leyahay maamul goboleed waxuu dhisay maamulo badan asagoo tixracayo dastuurka dalka u dagsan, waxaa kamid ah maamulada uu dhisay Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele waxuu dhamaystiray maamulka Jubbaland oo ahaa qabyo dhisidiisii.

Qorshahu waxuu ahaa inuu dalka ka hiragaliyo

doorasho qof iyo cod ah lakin waqtiga oo yaraa ma suurto galin balse wax udhaw ayuu sameyay oo ah in halkii xildhibaan ay doorato 51 xubnood, waxuu kaloo dhisay aqalka sare oo aan dowladihii ka h**eyay ayna usuurto galin ineey dhisaan.

Madaxweyna kasta marka ladoorto imtixankisa ugu h**eyo wax weeye xulasha ra’isul wisaare iyo xukumad tayo leh si uu u noqdo mid ku guuleystay imtixankisii ugu h**eyay

Mudane Hassan Sheikh wuxuu ku guleeysta imtixankisii kowad waxuu dhisay xukumad yar tayona leh aanan kusaleys nayn 4.5 xukumadas waxaa ra’isul wasaare ka ahaa Mudane Saacid Shirdoon xukumadaas waxey ka koobneyd 10 wasiiro waxana loo qeybiyay si isku mid ah qolo kaste waxa ay heshay labo wasiir sida Digil iyo Mirifle 2 wasiir, Hawiye 2 wasiir, Darood 2 wasiir, beelaha laga tirade badan yahayna 2 wasiiro bal fiiriya meesha uu cadaalad ka garay cimrigisa alaha raajiyee.

Dhalinyarada waxa uu utusay ineey yihiin hogamiyayashii bari hadan tusaale usoo qaato dhismihii gudoomiyayasha gobolka banaadir wax uu kadhigay dhalinyaro ah fresh graduate dhamaan degmooyinla gobolka banaadir ayuu dhalinyaro gudomiyayaal ooga dhigay si ay barito ula wareegan xukunka dalka.

Waxuu wado hadal kula jiray maamulka Somaliland dhawr marna ay kulmeen natiijo miro dhal ahna ka keenay.
Waxaa kaloo uu si joogto ah ulaxisabtami jiray dhamaan haydaha Dowlada.

DHINACA AMNIGA

Amniga guul weyn ayuu kagaaray waxa uu dhisay dhamaan laamaha Aamaanka, waxuu dhisay ciidamado wax tar leh agab kooduna udhamays tiran yahay hadaan tusaale usoo qaato ciidamadii uudhisay waxaa ka mid ah Danab waxuu dib udhis kusameyay Alpha group.

Amniga dalka aad ayuu uwanagsanaa xiligii ay dani kasoo gasho magaalada ayaad dantada ubaxaysay adigoon cabsi amni daro qabin.

Waxaa lagu guuleystay sugida amniga shirarkii heerka caalami ee dalka lagu qabtay sida shirkii wasiirada arimaha dibada iyo madaxda dowladaha xubinta ka ah urur goboledka IGAD si nabad ah ayuuna kusoo gabo gaboobay.

Waxaa kaloo laamaha aminigu ku guuleysteen sugida amniga doorashadii dalka kadhacday iyo xafladii caleemo saarka madaxaweynaha hada talada dalka hayo

*Qore yahye yusuf mohame ( Yahye Poland )*

Photos from Taageereyaasha UPD Ee G. Banaadir's post 10/09/2019

Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka madaxweynihii h**e ee Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta 10-9-2019 Presentation ciwaankiisu ahaa (Waa Maxay Aqoonsiga Umadda Soomaaliyeed) u jeediyay ku dhowaad 30 dhallinyaro oo aqoonyahanka xisbiga ah, wiilal iyo gabdhona isugu jiray.

Kulan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xog-hayeyaasha Baahinta mudane Sh. Yusuf Madaale iyo Dhallinyarada mudane Ciise guure ee xisbiga UPD ayaa mudane Hassan Sheikh Mohamud wuxuu soo jeedintiisa qodob qodob ugu dul istaagay tiirarka asalka u ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed iyo caqabadihii ay wajaheen 30kii sano ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha xisbiga ayaa ku qeexay aqoonsiga iyo asalka waxa ka dhaxeeeya umadda Soomaaliyeed in ay tahay Af Iyo Diin kuwaasi oo 30kii sano ee u dambeeyay khalkhal laga geliyay dadka Soomaaliyeed sida uu sheegay.

Wuxuu tilmaamay in Afka ama Qabiilka laga qabyaaladeeyay, halka Diinta oo udub dhexaad u ah aqoonsiga umadda Soomaaliyeed fahamkeeda laga khalday oo afkaaro lagasoo min guuriyay umaddo kale fahamka looga badelay.

Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa xusay in marka h**e ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay aqbalaan labadaasi tiir in ay udub dhexaad u yihiin jiritaankooda umaddeed, isla markaana ay ilaashadaan oo aqoon u yeeshaan.

Faa'iidada Afka iyo Diinta ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in ay yihiin in ay ilaaliyaan jiritaankeena iyo dowladnimadeena.

Ugu dambeyn gabogabadii kulanka ayey aqoonyahankii kasoo qeyb galay kulanka su'aalo mowduuca ku saabsan ku weydiiyeen mudane Hassan Sheikh Mohamud, isagana uga jawaabay.

UPD PARTY "NABAD & HORUMAR"

Want your business to be the top-listed Government Service in Kampala?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Kampala