Salah Jama

Directions

Salah Jama Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Salah Jama, Government Official, New York, NY.

10/29/2026

Xukuumadda waxaa ka goโ€™an dhiirrigelinta kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo u abuuridda suuqyo ay u iibgeeyaan kalluunka.

10/26/2026

Furitaanka Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed

Hambalyo Hoggaamiyaha Dawlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen โ€œCali-Guudlaaweโ€, oo Golaha Wakiill...
10/24/2026

Hambalyo Hoggaamiyaha Dawlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen โ€œCali-Guudlaaweโ€, oo Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedku dib u gu doorteen hoggaaminta Hirshabeelle. Waxa aan u rajaynayaa guul iyo in Eebbe u fududeeyo waajibaadka baaxadda leh ee loo igmaday iyo sii wadidda horumarinta iyo dawlad-dhiska Hirshabeelle.

Sida oo kale waxa aan u hambalyeynayaa Hoggaamiye Ku-Xigeenka cusub ee Hirshabeelle, Mudane Cabdifataax Xasan Afrax.

U gu dambeyn, waxaa bogaadin mudan shacabka Hirshabeelle sida nabadda iyo dimuqraaddiyadda ku dhisan ee ay u ga qaybqaateen doorashooyinkii qof iyo codka ee isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka iyaga oo muujiyey rabitaankooda in ay qayb ka noqdaan awoodda goโ€™aaminta aayahooda iyo horumarkooda.

Waxaa maanta magaalada Harare ee dalka Zimbabwe noo ga furmay Shirweynaha 25-aad ee Madaxda Dalalka iyo Xukuumadaha ee S...
10/22/2026

Waxaa maanta magaalada Harare ee dalka Zimbabwe noo ga furmay Shirweynaha 25-aad ee Madaxda Dalalka iyo Xukuumadaha ee Suuqa Wadajirka ah ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).

Shirkan ayaan u ga doodaynaa xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo fududeynta ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha. Soomaaliya waxa ay mudnaan siinaysaa iskaashiga dhaqaale ee heer gobol iyo heer caalami aan u ballaarinno suuqyada loo iibgeyn karo waxsoosaarka dalka, aan na u fududeynno maalgashiga iyo shaqo-abuurka.

Waxa aan u hambalyeynayaa Hoggaamiye Ku-Xigeenka cusub ee Galmudug, Senator Cabdiweli Ibraahim Aadan โ€œGadhyareโ€, aniga o...
10/22/2026

Waxa aan u hambalyeynayaa Hoggaamiye Ku-Xigeenka cusub ee Galmudug, Senator Cabdiweli Ibraahim Aadan โ€œGadhyareโ€, aniga oo u rajeynaya guul iyo in Eebbe u fududeeyo gudashada waajibaadka loo doortay, ka na qayb qaato horumarinta Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waxa aan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dawlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan. Waxa aan ku ka...
10/22/2026

Waxa aan hambalyo u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dawlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan. Waxa aan ku kalsoonahay in Hoggaamiye Liibaan uu Galmudug u horseedi doono horumar iyo wadajir, waxa na aan u rajaynayaa guul iyo in Eebbe u fududeeyo gudashada masโ€™uuliyadda ballaadhan ee loo doortay.

Waxa aan sida oo kale bogaadinayaa shacabka Galmudug sida nabadda iyo dimuqraaddiyadda ku dhisan ee ay u ga qaybqaateen hannaankii doorashooyinka qof iyo cod, la ga soo bilaabo heer degmo illaa heer Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka. Shacabka Galmudug waxa ay tusaale u noqdeen rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeed ee ah in awoodda doorashada hoggaankooda ay gacantooda ku soo noqoto, ay na qayb ka noqdaan goโ€™aaminta horumarkooda.

Waxa aan maanta qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Xafiiska Gurmadka Degdegga ah iyo Adkaysiga ee Hayโ€™adda Cunn...
10/18/2026

Waxa aan maanta qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Xafiiska Gurmadka Degdegga ah iyo Adkaysiga ee Hayโ€™adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Andre Paulsen, oo ay weheliyeen Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo Ku-Xigeenka Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Meret Dyrud.

Waxa aan ka wadahadalnay ajandayaasha mudnaanta noo wada leh ee sugnaanta cunnada, u-diyaarsanaanta xaaladda El Niรฑo, iyo in aan talo iyo aragti iska weydaarsanno sidii gurmadka aadanenimo ee joogtada ah aan u gu beddeli lahayn maalgashi waara oo wax ka tara maareynta biyaha, hab beereedka adkeysiga u leh isbeddelka cimilada, iyo xannaanada xoolaha.

10/15/2026

War-Saxaafadeed: Doorashooyinka qaranka iyo wadahadallada

Goor Dhow: War-Saxaafadeed ku Saabsan Doorashooyinka Qaranka iyo Wadahadallada
10/15/2026

Goor Dhow: War-Saxaafadeed ku Saabsan Doorashooyinka Qaranka iyo Wadahadallada

10/12/2026

Waxa aan maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika ( )

Address

New York, NY

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Salah Jama posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share