01/07/2026
Born into Battle”walaalkey waa sheeko dhab ah oo si qoto dheer u muujinaysa in halganka noloshu uu noqon karo saldhigga guusha. Waxay tusinaysaa in dadka maanta guulaystay ay soo mareen duruufo adag iyo caqabado waaweyn oo ay uga gudbeen geesinimo, samir, iyo adkaysi. Buuggan runtii wuxuu mudan yahay in la akhriyo, gaar ahaan dhalinyarada doonaysa inay wax ka bartaan waaya-aragnimada iyo safarka nololeed ee dadka guulaystay.
Buuggu wuxuu ka tarjumayaa dareenka, waayaha, iyo xusuusta guud ahaan dhalinyaradii jiilkaas soo maray waqtigaas adag.
Mudane Ali Said Ali Ali Said Ali, waxaad cod u noqotay dad badan oo waagaas soo maray. Qoraalkaagu wuxuu dib u soo noolaynayaa xasuus iyo dareen qof kasta oo waqtigaas joogay uu si qoto dheer u fahmi karo ama u xasuusan karo. Aad baad ugu mahadsan tahay inaad si geesinimo iyo daacadnimo leh noola wadaagtay safarkaaga nololeed iyo waaya-aragnimadaada. Sheekadaadu ma aha oo keliya xusuus taariikheed, balse waa dhiirigelin iyo rajo ay dhalinyarada maanta ka baran karaan adkaysiga, himilada, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha nolosha. Socdaalkaaga iyo guulahaaga waxay tusaale u yihiin jiilasha soo koraya.