11/07/2026
TACSI TALIYE : 11-07-2026-()-
INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN.
Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Jsl, sarreeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) waxa uu dhambaal tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ciidanka booliska jsl, ehaladii,qaraabadii, asxaabtii iyo qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyihii CID -da Marxuum G/ sare: Faysal Xiis Cilmi oo ku geeriyoodey magaalada jigjiga.
Taliyuhu waxa uu marxuumka si gaar ah uga tacsiyadaynayaa ciidanka booliska Jsl oo uu ka baxay , isaga oo taliyuhu ku sifeeyay marxuunka shakhsi aqoon, karti, anshax iyo hoggaamin wanaagsan lahaa. Isaga oo dhanka kale taliyuhu xusay in uu lahaa aqoon gudaha iyo dibaddaba takhasus badana u lahaa baadhista dambiyada, isaga oo ku caan baxay xirfad, dulqaad, caddaalad iyo hufnaan ntii uu xilalka kala duwan kasoo hayay ciidanka booliska jsl..
Geesta kale Taliyuhu waxa uu marxuumka Ku sifeeyay halyay qaranka ka baxay oo cibaado badnaa, af-gaaban sidoo kalena In badan Ciidanka booliska Jsl usoo shaqeeyay tacab, naf hurnimo iyo dadaal badana galiyay , isaga oo taliyuhu xusay in marxuumku ahaa ruux dadaal,karti iyo waayo aragnimo ciidanba koobsaday oo qaranka Jsl ka baxay.
Ugu dambayn taliyuhu waxa uu ilaahay “SWT” uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii Janno fardawsa ka waraabiyo. Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland, qoyskii, asaxaabtii , qaraabadii iyo ciidanka booliska Jsl ee uu marxuumku ka baxaynay ilaahay “SWT” samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin... Aamiin... Aamiin.
ALLA MAHAD LEH.
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Asluubta JSL.