Somali Embassy in Stockholm- Sweden

Vägbeskrivning Webbplats Kontakta organisationen

Somali Embassy in Stockholm- Sweden Embassy of the Federal Republic of Somalia, Stockholm.

SAFAARADDA SOOMAALIYA EE SWEDEN OO QADO SHARAF U SAMEYSAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA TOWFIIQSafaaradda Jamhuuriyadda Federaalk...
28/10/2026

SAFAARADDA SOOMAALIYA EE SWEDEN OO QADO SHARAF U SAMEYSAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA TOWFIIQ

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden ayaa qado sharaf ku maamuustay Sheekh Maxamed Shaakir, Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, kadib markii ay ku casuuntay xarunta Safaaradda ee magaalada Stockholm.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Danjire Abdikarim Ahmed, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden, ahna wakiilka Soomaaliya ee dalalka Nordic, diblomaasiyiinta iyo howl-wadeennada Safaaradda, iyo qaar ka mid ah xubnaha la socday Guddoomiyaha.

Intii uu kulanku socday, Danjire Abdikarim Ahmed ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin guud oo ku saabsan xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Nordic, gaar ahaan Sweden, iyo arrimaha khuseeya bulshada Soomaaliyeed ee gobolka.

Sidoo kale, kulanka ayaa fursad u noqday is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan doorka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalalka Nordic, kaalinta ay kaga jirto bulshada ay la nooshahay, iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, wada-shaqaynta iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Safaaraddu waxay uga mahadcelisay Sheekh Maxamed Shaakir aqbalaadda martiqaadka iyo ka soo qaybgalka kulanka.

📍 Stockholm, Sweden

#

09/10/2026

NIRA is entrusted with the task of providing every citizen and legal resident with a secure, verifiable identity through the issuance of a unique National Identification Number (NIN), also known as 'Tirsi Aqoonsi' in Somali.

WARGELIN MUHIIM AH! 🇸🇴🇳🇴Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway in Safaaradda Soomaaliya ee Sw...
26/09/2026

WARGELIN MUHIIM AH! 🇸🇴🇳🇴
Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway in Safaaradda Soomaaliya ee Sweden (Qaybta Qunsuliyadda) ay imaanayso magaalada Oslo si ay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas deggan. Tani waa qayb ka mid ah gudashada waajibaadka safaaraddu ka saaran tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
ADEEGYADA LA BIXINAYO
🛂 Sameynta & Cusboonaysiinta Baasaboorada
✍️ Qorista Wakaaladaha
📜 Qorista Warqadda Caddeynta Dhalashada / Soomaalinimada
📅 Taariikhda: 03 - 04 October 2026
🕚 Saacadaha Shaqada: 10:00 AM – 4:00 PM
☎️ Nagala Soo Xiriir: +46722307404
⚠️ Fiiro Gaar ah:
Muwaadiniinta doonaya adeegyada Qunsuliyadda waa in ay ballan ka qabsadan link

https://somaliembassy.se/appointment.php

WARGELIN MUHIIM AH! 🇸🇴🇳🇴Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway in Safaaradda Soomaaliya ee Sw...
18/08/2026

WARGELIN MUHIIM AH! 🇸🇴🇳🇴
Waxaa lagu wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway in Safaaradda Soomaaliya ee Sweden (Qaybta Qunsuliyadda) ay imaanayso magaalada Oslo si ay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas deggan. Tani waa qayb ka mid ah gudashada waajibaadka safaaraddu ka saaran tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
ADEEGYADA LA BIXINAYO
🛂 Sameynta & Cusboonaysiinta Baasaboorada
✍️ Qorista Wakaaladaha
📜 Qorista Warqadda Caddeynta Dhalashada / Soomaalinimada
📅 Taariikhda: 5- 6 September 2026
🕚 Saacadaha Shaqada: 10:00 AM – 4:00 PM
☎️ Nagala Soo Xiriir: +46722307404
⚠️ Fiiro Gaar ah:
Muwaadiniinta doonaya adeegyada Qunsuliyadda waa in ay ballan ka qabsadan link

https://somaliembassy.se/appointment.php

Ogeysiis Muhiima ahSafaaraddu waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ogeysiinaysaa in adeegyada Baasaboorka iyo kuwa Qu...
18/07/2026

Ogeysiis Muhiima ah
Safaaraddu waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ogeysiinaysaa in adeegyada Baasaboorka iyo kuwa Qunsuliyadda ee Safaaradda laga bixindoona magaalada Oslo, Norway Maalmaha 25ka - 26ka July 2026. Mahadsanidiin

Ogeysiiska Safaaraddu waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ogaysiinaysaa in adeegyada baasaboorrada iyo qunsuliyadda ee Safaara...
18/07/2026

Ogeysiiska
Safaaraddu waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ogaysiinaysaa in adeegyada baasaboorrada iyo qunsuliyadda ee Safaaradda JFS ay ka bixin doonto magaalada Oslo, Norway, maalmaha
25-ka iyo 26-ka Luulyo 2026 - Mahadsanidiin

CONDOLENCE STATEMENTThe Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Kingdom of Sweden paid a condolence visit t...
13/07/2026

CONDOLENCE STATEMENT
The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Kingdom of Sweden paid a condolence visit to the Embassy of the State of Qatar in Stockholm, where he signed the official condolence book opened in the wake of the passing of the former Emir of the State of Qatar, His Highness Sheik Hamad bin Khalifa Al Thani.

The Ambassador was warmly received by Her Excellency Ms. Nadya bint Ahmed Al Shaibi, Ambassador of the State of Qatar to the Kingdom of Sweden.

During the visit, the Ambassador conveyed the sincere condolences of the Government and people of the Federal Republic of Somalia to the Government and people of Qatar on the passing of the former Emir. He prayed that Almighty Allah bestows His mercy upon the deceased and grants him Jannatul Firdaus, and expressed his wishes of patience, strength, and faith to the Royal Family and the people of Qatar during this period of mourning.

BAYAAN KOOBANSafiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay...
13/07/2026

BAYAAN KOOBAN
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii h**e ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.

Safiirka waxaa si diirran u soo dhaweysay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Boqortooyada Sweden, Marwo Nadya bint Ahmed Al Shaibi.

Safiirka ayaa Dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo Alle uga baryay naxariis iyo janno, kana rajeeyay qoyska Amiirka iyo shacabka Qatar samir iyo iimaan.

10/07/2026

Stockholm, 8 Luulyo 2026
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Cabdikariin Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dukumiinti taariikhi ah oo la xiriira Safaaradda Sweden ee Soomaaliya, kaas oo dib ugu laabanaya xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991.

Munaasabadda wareejinta ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo laguna soo celinayo dhaxalka taariikhiga ah ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden. Dukumiintigan ayaa la rumeysan yahay inuu leeyahay qiime taariikheed oo muujinaya xiriirkii labada dal ka hor iyo intii lagu jiray isbeddelladii dhacay sannadkii 1991.

Safiir Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in la wareegidda dukumiintigan ay ka tarjumayso muhiimadda ay Soomaaliya siinayso ilaalinta taariikhdeeda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Sweden.

Safaaradda Soomaaliya ee Stockholm ayaa sidoo kale uga mahadcelisay dowladda Sweden ilaalinta iyo wareejinta dukumiintigan taariikhiga ah, iyadoo sheegtay in uu qayb ka noqon doono kaydka taariikhiga ah ee qaranka Soomaaliyeed.

Arab Ambassadors’ Courtesy Meeting with the President of the Stockholm City CouncilH.E. Ambassador Abdikarim Ahmed Moham...
02/07/2026

Arab Ambassadors’ Courtesy Meeting with the President of the Stockholm City Council

H.E. Ambassador Abdikarim Ahmed Mohamed, Ambassador of the Federal Republic of Somalia, today joined fellow Arab Ambassadors and Heads of Diplomatic Missions in a courtesy meeting with Mr. Olle Burell, President of the Stockholm City Council, at Stockholm City Hall.

The meeting provided an important platform to strengthen dialogue and reaffirm the longstanding friendship and cooperation between the Arab diplomatic community and the historic City of Stockholm.

H.E. Ambassador Abdikarim Ahmed Mohamed reaffirmed Somalia's commitment to further strengthening its longstanding diplomatic relations and advancing closer cooperation with the Kingdom of Sweden and the wider Nordic region.

Adress

Kronborgsgränd 23, Floor 2, Kista
Stockholm
16446

Öppettider

Måndag 10:00 - 17:00
Tisdag 10:00 - 17:00
Onsdag 10:00 - 17:00
Torsdag 10:00 - 17:00
Fredag 10:00 - 17:00

Aviseringar

Bli först med att veta: vi skickar ett mejl när Somali Embassy in Stockholm- Sweden publicerar nyheter och kampanjer. Din e-postadress används inte till något annat, och du kan avsluta prenumerationen när som helst.

Kontakta Organisationen

Skicka ett meddelande till Somali Embassy in Stockholm- Sweden:

Genvägar

Dela

Statliga Tjänster i närheten