Isbuucii labaad iyo olaha nadaafada oo ay iskagarabsanayaan dawlada hoose iyo Schoolada magaalada maantana dugsiga sare ee Samatar baxnaan iyo iskuulka darwiish ayaa qayb wayn ka ahaa ololaha bilic soo celinta magaalada Buuhoodle.
Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle
The Official Page Of Buhodle Local government Togdher Region of North east state
20/05/2026
Kulan Sharafeed.
Tar: 20/05/2026
Maanta waxaa Kulan uga qabsoomay caasimada jigjiga Mayerka degmada Buuhoodle,
Mudane: Cabadifatax Cali Cawil oo uu weheliyo Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa faraceda buuhoodle iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwas oo kala ah Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Jamaal M. Xassan iyo Xildhibaan Cabdi Qawdhan Warsame oo ah gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha ee wakiilada.
Masuuliyiinta ayaa ka soo qayb galay Madasha jigjiga Forum ee deegaan dalxiiseedka Shabeeley.
Kulanka ayaa daaranaa is xog waraysi iyo talo is waydaarsi ku aaddan dalka gaar ahaan Dawlad goboleedka Waqooyi Bari iyo horumarinta deegaannada woqooyi bari.
19/05/2026
إنا لله وإنا إليه راجعون
Bahda Dawlada hoose ee Degmada Buuhoodle waxa ay ka tacsiyadaynayaan geerida xanuunka badan ee ku timi Dr. Mubaarak Cabdinuur X. Maxamud Awmuse waxayna ilahay uga baryayaan inuu naxariistiisa ugu roonaado dhamaan qoskiisa, waalidkii, xaaskiisii, qaraabadiisa, saaxibadiisii bahda caafimaadka، iyo dhamaanba bulshada Buuhoodle samir iyo iimaan haka siiyo Diktoorku waxaa uu ahaa shakhsi miisaan culus ku leh bulshada deegaanka waxaana uu ugu adeegay bulshadiisa xirfadiisa aqooneed oo uu si hagar la'aan ugusoo shaqeeyey xiliyadii adkaa . Ilahay ha unaxariisto qabriga ha u waasiciyo janadii firdawsana haka waraabiyo aamiin.
Dawlada hoose ee degmada Buuhoodle iyo dugsiga Hawd Secondary oo iskaashayana ayaa olole nadaafadeed oo balaadhan ka fuliyey xaafada 1 luuliyo waxaana ololahan hogaaminayey xoghayaha fulinta dawlada hoose Cabdicasiis maxamud Caydiid, agaasimaha waaxda arimaha Bulshada, xubno ka tirsan Xildhibaanada golaha deegaanka, gudiga xaafada 1luuliyo iyo maamulka Schoolka hawd secondry
Dawlada hoose ee degmada Buuhoodle waxay awaamiir kasoo saartay Cashuuraha dhulka, guryaha, iyo gaadiidka.
Dawlada hoose ee degmada Buuhoodle oo ay hoominayaan xubnaha fulinta oo ugu horeeyo duqa degmada Cabdifataax Cali Cawil iyo xoghayaha fulinta degmada Mudane Cabdicasiis Maxamud Caydiid ayna weheliyaan xubno ka tirsan Xildhibaanada golaha deegaanka, gudiga xaafada Halgan ayaa maanta furey wado Halbowle ah oo xidhanayd in kabadan mudo 30 sano ah waxayna martaa xaafada halgan
kharashka wadadan ku baxaya waxaa dawlada hoose gacan ka siiyay Xildhibaan Xasan Cabdi qoorgaab oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Woqooyi bari Somalia.
Waxayna wadadani isku xidhaysaa magaalooyinka Buuhoodle iyo xadhadhan, Dawlada hoose ayaa ku howlan furista wadooyinka si loo hagaajiyo bilicda magaalada.
Waxaan Xildhibaanka uga mahad-celinaynaa taageeradiisa iyo dadaaladiisa uu kala qayb qaatay Dawlada hoose ee Degmada Buuhoodle.
Kullankii koobaad ee Xoghaya fulunta Degmada Buuhoodle Cabdicasiis M Caydiid iyo gudiyada xaafada Degmada Buuhoodle.
Waxaa kormeer shaqo, u kuudhgal iyo is barasho la yeeshay gudiyada xaafadaha Xoghaya fulinta degmada Buuhoodle oo uu weheliyo Maayar ku xiggeenka Degmada Mudane Muuse Ahmed Ali iyo waaxda arrimaha Bulshada.
Waxay masuuliyiintu u jeediyeen gudiyada xaafadaha dardaaran shaqo iyo hawsha ballaadhan ee ay hayaan in ay sii laba jibaaraan ayna ka daalin shaqada ay bulshadooda u hayaan wax kasta oo ay u baahdaana degmadu kala shaqaynayso si hufnaan leh.
Waxay ku amaaneen hawsha mudnaanta leh ee ay hayaan gudiyadu sidoo kalana waxay u muujiyeeen in ay ku faraxsan yihiin sida ay maamulka degmada u garab taagan yihiin.
Xafiisyada ay booqdeen masuuliyiinta degmadu waxay ahaayeen.
1: Xafiiska xaafada Midnimo
2: Xafiiska xaafada 1-Luuliyo
3: Xafiiska xaafada Wadajir
4: Xafiiska xaafada Halgan
Farriin Roob-doon.
Dawladda hoose ee degmada buhodle oo uu ugu horeeyo Maayir-ka demada,
Mudane: Cabdifarax Cali Cawil iyo xubnaha kale ee dawlaada hoose oo uu weheliyo gudomiyaha gudiga dacwada gobolka, Sheekh Axmed Warsame ayaa si wada-jir ah bulshada ugu sheegay in Maalinta barri ah oo maalin arbaco ah kuna beegan 22-ka April ay tahay roobdoon.
Dhammaan bulshada magaalada waxaa lagu war-gelinayaa inay soo ajiiban salaada roobdoonta oo lagu tukanayo garoonka wayn ee kubada cagta saacadu marka ay tahay 8:30 Subaxnimo hadii alle idmo.
Maayerka Degmada Buuhoodle abdifatax Cali cawil oo kalmad qiimo badan ku furay shirka aayo ka tashiga Buuhoodle.
Hadal Jeedinta Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose ee Degmada Buuhoodle Mudane Cabdicasiis Maxamuud Caydiid.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Buuhoodle
