Maamulka Xaafada SiinaaY -GaalkacYo - Puntlanad

Maamulka Xaafada SiinaaY -GaalkacYo - Puntlanad

Share

Xaafadda Siinaay ee Degmada Galkacyo waa xaafad leh taariikh, sharaf iyo sumcad ku dhisan wadajir, nabad iyo horumar joogto ah.

Xaafaddu waxay astaan u tahay bulsho isku duuban oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi iyo horumarinta deegaanka ay ku nool yihiin

17/07/2026

Xaafadda Facaweyne ee Siinaay waa astaan qurux, nadaafad iyo isku duubni. Aynu si wadajir ah u ilaalinno amniga, nadaafadda iyo bilicda xaafaddeenna, si ay u noqoto meel ku dayasho mudan. Bulsho wanaagsan waxay ka bilaabataa xaafad wanaagsan"





12/07/2026

Labada Gudoomiye ee xaafadaha Siinaay iyo Israac, oo kaa shanaayaha saldhiga Siinaay, ayaa caawa si wadajir ah u sameeyay roondo amni oo ka dhacday labada xaafadood. Roondadan ayaa ujeedadeedu tahay kor u qaadidda amniga, xasiloonida, iyo badbaadada bulshada ku nool xaafadahaas .

Gudoomiyeyaashu waxay caddeeyeen in roondada ay sii wadi doonaan si joogto ah, iyagoo ka go’an ilaalinta nabadda iyo adkeynta wada shaqeynta bulshada. Insha Allah, dadaalladan waxay horseedi doonaan amni waara iyo horumar muuqda oo ka hanaqaada xaafadahaha

Call police 90-5540000






01/07/2026

Guddoomiyaha Xaafadda Siinaay Mohamed Ahmed Abdinuur wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo. Maalintan qiimaha leh waxay astaan u tahay midnimo, xorriyad iyo rajada mustaqbal wanaagsan.
Waxaan ku baaqayaa in aan xoojino wadajirka, nabadda iyo horumarka xaafaddeenna iyo dalkaba.
Hambalyo 1-da Luulyo! πŸ‡ΈπŸ‡΄










30/06/2026

πŸ“’ Ogeysiis

Dhamaan bulshada sharafta leh ee Xaafadda Siinaay, waxaa si xushmad leh lagu wargelinayaa inay kasoo qaybgalaan Munaasabadda Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya (1-da Luulyo).
πŸ“ Goobta: Hotel Al-Jaziira, Gaalkacyo
πŸ•‘ Waqtiga: 6:30 PM (Maqribnimo)
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim. Aynu si wadajir ah u xusno maalintan qaran ee qiimaha badan. πŸ‡ΈπŸ‡΄
1daLuulyo πŸ‡ΈπŸ‡΄









14/06/2026

𝗗𝗔𝗬 𝗧π—ͺ𝗒

Ololaha horumarinta iyo bilic soo celinta Xaafadda Siinaay ayaa si habsami leh u socda, isagoo maraya heer wanaagsan. Maanta waxaa sii xoogaystay dadaallada lagu nadiifinayo xaafadaha , furista waddooyinka, iyo ka saarista geedaha yahuudda, iyadoo bulshada xaafaddu si firfircoon uga qayb qaadanayso.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan shacabka Xaafadda Siinaay taageerada iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen si loo gaaro xaafad nadiif ah, bilicsan, oo horumarsan.

13/06/2026

𝗗𝗔𝗬 π—’π—‘π—˜ – 𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗔 π—¦π—œπ—œπ—‘π—”π—”π—¬

Hadal jeedinta xaliimo warsame

13/06/2026

𝗗𝗔𝗬 π—’π—‘π—˜ – 𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗔 π—¦π—œπ—œπ—‘π—”π—”π—¬

Hadal jeedintii gudoomiyaha xaafada siinaay

13/06/2026

𝗗𝗔𝗬 π—’π—‘π—˜ – 𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗔 π—¦π—œπ—œπ—‘π—”π—”π—¬

Hadal jeedintii abdiqani Mohamed warsame

Photos from Maamulka Xaafada SiinaaY -GaalkacYo - Puntlanad's post 13/06/2026

𝗗𝗔𝗬 π—’π—‘π—˜ | 𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗔 π—¦π—œπ—œπ—‘π—”π—”π—¬ πŸ‘πŸŒ±

"Guul iyo horumar joogto ahβ€”maanta waa bilow cusub.”

13/06/2026

Guddoomiyaha Xaafadda Siinaay Mohamed Ahmed Abdinuur ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray xaafadda olole ballaaran oo lagu horumarinayo bilicda iyo nadaafadda deegaanka. Ololahan ayaa isugu jira jarista geedaha yahuudka, furista waddooyinka xiran, iyo qaadista qashinka yaalla xaafadda.

Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ugu baaqay inay si wadajir ah uga qayb qaataan ololahan si loo helo xaafad nadiif ah, bilicsan, isla markaana leh marinno fudud oo ay bulshada isticmaasho. Ololahani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo horumarka, nadaafadda iyo deegaanka wanaagsan ee Xaafadda Siinaay.

Want your business to be the top-listed Government Service in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Xaafadda Siinaay
Gaalkacyo