Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL

Directions

Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL GAALKACYO DISTRICT- PUNTLAND

WACYIGELIN BULSHO:Iyadoo la guda galay xilliga roobka Dayrta, isla markaana la filayo roobab culus iyo xaalado ka dhalan...
09/10/2026

WACYIGELIN BULSHO:

Iyadoo la guda galay xilliga roobka Dayrta, isla markaana la filayo roobab culus iyo xaalado ka dhalan kara isbeddelka cimilada ee El NiΓ±o, Bulshada Gaalkacyo waxaa loogu baaqayaa inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, kana feejignaadaan khataraha ka dhasha roobabka.

Fadlan raac talooyinkan badbaadada:

β€’ Ka fogow biyo-mareennada, biyo-booliyada iyo meelaha hoose ee ay biyuhu maraan ama ku ururaan.

β€’ Ha isku dayin inaad ka gudubto biyo xoog u socda, hana xannibin marinada biyaha, si looga hortago khatarta fatahaadaha.

β€’ Carruurta ka ilaali goobaha ay biyuhu marayaan, balliyada ay ku dabaalan karaan iyo fiilooyinka ama biraha korontada leh.

β€’ Ka digtoonow meelaha biyuhu fadhiyaan iyo goobaha dhiiqada leh ee lagu simbiriirixan karo, maadaama ay sababi karaan dhaawacyo iyo shilal halis ah.

β€’ La soco digniinaha iyo talooyinka hay’adaha ku shaqada leh, kana fogow goob kasta oo loo arko inay khatar tahay.

La xirir number-kan hadii aad la kulanto xaalad degdeg ah 0907888888, Dowladda Hoose Deg.Gaalkacyo.

Badbaadadaadu waa masuuliyad ina wada saaran.

πŒπ€π†π€π‚π€π€ππˆπ’  𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁.Duqa Degmadda Gaalkacyo ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo, Mudane Xussen Cabdinuur Maxamed, ...
08/10/2026

πŒπ€π†π€π‚π€π€ππˆπ’ 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁.

Duqa Degmadda Gaalkacyo ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo, Mudane Xussen Cabdinuur Maxamed, ayaa gudoomiye cusub u magacaabay xaafada Yamays ee magaalada Gaalkacyo

Waxaa la farayaa gudoomiyaha Cusub ee la magacaabay in uu waajibkiisa shaqo u guto si hufan oo cadaaladi ku dheehantahay.

-πƒπ‡π€πŒπ€π€πƒ-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.

GAALKACYO β€” 6 Oktoobar 2026: Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah u daahfuray ololaha dhigista dhagaxa marmarka a...
06/10/2026

GAALKACYO β€” 6 Oktoobar 2026: Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah u daahfuray ololaha dhigista dhagaxa marmarka ah ee Xaafadda Garsoor, kaas oo qayb weyn ka qaadanaya Bilic-soocelinta, Nadaafadda iyo hagaajinta muuqaalka guud ee Xaafadda.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, Agaasimka Arimaha Bulshada ee Dowladda Hoose, maamulka iyo Guddiga Xaafadda Garsoor iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer iyo wacyigelin ugu tagay bulshada ku ganacsata hareeraha laamiga, iyada oo lagu bogaadiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada sidoo kale, bulshada Xaafadda Garsoor ayaa loogu baaqay inay si wanaagsan uga qayb qaataan ilaalinta, nadaafadda iyo qurxinta xaafadaha ay ku nool yihiin, si loo sii horumariyo bilicda magaalada Gaalkacyo.

-𝐃𝐇𝐀𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADDA GAALKACYO.

Laamaha Amniga ee Booliska Rugta Dowladda Hoose oo ay sarakiisha saldhigyada ayaa xalay gudaha magaalada Gaalkacyo ka sa...
06/10/2026

Laamaha Amniga ee Booliska Rugta Dowladda Hoose oo ay sarakiisha saldhigyada ayaa xalay gudaha magaalada Gaalkacyo ka sameeyey hawlgal lagu xoojinayo laguna xaqiijinayo amniga magaalada, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo nidaamka canshuuraha gaadiidka.

Saraakiisha iyo ciidanka ayaa si wadajir ah uga qayb qaatay hawlgalka, kaas oo diiradda lagu saaray sugidda amniga iyo qabashada gaadiidka isticmaala indhaha laysarka, kuwaas oo caqabad iyo dhib ku haya bulshada magaalada.

05/10/2026

Kulanka wacyigalinta Bulshadda Xaafadda Siinaay & Xubnaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo u qaabilsan arrimaha u diyaar-garowga xilliga roobabka iyo xaaladaha la xiriira isbeddelka cimilada ee El NiΓ±o.

04/10/2026

Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamed Ciise Xussen, ayaa maanta ka qayb galay shirka Nabadda iyo Xal u helida Khilaafaadka Gobolka Mudug oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

SHAQO JOOJINTaliyaha Rugta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.
03/10/2026

SHAQO JOOJIN

Taliyaha Rugta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.

SI RASMI AH LOO KALA SAXIIXDAY HESHIISKA MASHRUUCA BIYO-SAARKA GAALKACYOGAALKACYO – Waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday...
03/10/2026

SI RASMI AH LOO KALA SAXIIXDAY HESHIISKA MASHRUUCA BIYO-SAARKA GAALKACYO

GAALKACYO – Waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska fulinta mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhex maray Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo iyo shirkadda TTN oo fulinaysa mashruuca.

GAALKACYO OO SAAKA LAGA DHAGAX DHIGAY MASHRUUCA BIYO SAARKA MAGAALADDA.GAALKACYO β€” 3 Oktoobar 2026: Duqa Degmadda Gaalka...
03/10/2026

GAALKACYO OO SAAKA LAGA DHAGAX DHIGAY MASHRUUCA BIYO SAARKA MAGAALADDA.

GAALKACYO β€” 3 Oktoobar 2026: Duqa Degmadda Gaalkacyo Mudane Xussen Cabdinuur Maxamed uu Wehlinayo Gudoomiye ku-xigeenka Degmadda Mudane Maxamed Ciise Xussen ayaa saka ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo oo lagu qabtay magaalada, iyada oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wasiiro, xildhibaano, maamulka Gobolka Mudug, Guddiga Horumarinta Gaalkacyo iyo masuuliyiinta shirkadda TTN oo fulinaysa mashruuca.

Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo biyo-fadhiisiga iyo fatahaadaha ka dhasha roobabka, isla markaana lagu horumarinayo magaalada Gaalkacyo.

XAAFADDA ISRAAC: Xubnaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo u qaabilsan arrimaha u diyaar-garowga xilliga roobabka iyo xaaladah...
01/10/2026

XAAFADDA ISRAAC: Xubnaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo u qaabilsan arrimaha u diyaar-garowga xilliga roobabka iyo xaaladaha la xiriira isbeddelka cimilada ee El NiΓ±o ayaa galabta kulan wacyigelin iyo u diyaargarow ah u qabtay bulshada Xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo kulan ka qabsoomay xarunta xaafadda.

Kulanka ayaa bulshada lagu wacyigeliyey muhiimadda ay leedahay u diyaar-garowga roobabka la filayo inay ka da’aan Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada, kuwaas oo la filayo inay ka badan karaan heerarkooda caadiga ahaa, iyo sidii looga feejignaan lahaa khataraha ka dhalan kara isbeddelka cimilada ee El NiΓ±o, iyadoo ay kasoo qayb galeen xubnaha maamulka iyo guddiga xaafadda, laamaha amaanka ee booliiska, iyo qaybaha kale duwan ee bushadda xaafadda.

Intii kulanku socday bulshada Xaafadda ayaa laga dhex xulay xubno isugu jira gudiga Xaafada iyo xubno kale si ay uga shaqeeyaan arrimaha u diyaar-garowga xaaladaha cimilada, kuwaas oo xiriir dhow la yeelan doona xubnaha Dowladda Hoose.

-𝐃𝐇𝐀𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO

Address

Dawlada Hoose D. Gaalkacyo Dhinaca Waqooyi Ee Madaxtooyada Gobolka
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share