Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan

Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan

Share

Waa bogga Rasmigaa ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Waqooyi Bari, Soomaaliya.

04/04/2026

Khudbaddii Maanta aan ka jeediyay Furitaanka Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 04/04/2026

Waxaan maanta shir-guddoomiyey Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, aniga oo uu kulanka igu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan).

Fadhiga waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ,oo ka jeediyey Golaha qudbaddiisa dastuuriga ah ee furitaanka kal-fadhiga, waxaana ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Waxaan rajaynayaa in kal-fadhigan cusub uu Golaha u suurtageliyo inay si hufan uga gutaan waajibaadkooda sharci-dejineed iyo matalaadda shacabka.

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 03/04/2026

๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—บ๐—ฐ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ Kula Tukanay Aniga iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Waqooyi Bari Abdirashiid Yusuf Jibriil ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ฑ, gaar ahaan Masjidka Jaamaca ee magaalada.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu dalkeenna ku sugo nabad waarta, midnimo iyo barwaaqo ballaaran. Sidoo kale waxaan bulshada ku boorinayaa inay xoojiyaan wadajirka iyo iskaashiga, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo dib u dhac.

19/03/2026

ุนูŠุฏูƒู… ู…ุจุงุฑูƒ ๐ŸŒ™ ุชู‚ุจู‘ู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ู‘ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„ุŒ

waxaan hambalyo ku aadan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga udirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Waqooyi Bari,

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu inagu soo celiyo ciidan iyo kuwo kale annagoo ku sugan nabad, caafimaad, horumar iyo barwaaqo, isla markaana uu aqbalo cibaadadii iyo camalkii suubanaa ee aynu soo gudannay bisha Ramadaan

waxaan Alle ka rajaynayaa inuu naga dulqaado dhibaatooyinka, gaar ahaan abaarta iyo duruufaha nololeed ee jira.
Ciid Mubaarak ๐ŸŒ™

17/02/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Waqooyi Bari, curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Waxaan Alle ka baryayaa inuu ina waafajiyo kheyrkeeda iyo barakadeeda, kana dhigo bil nabad, cibaado iyo midnimo, isla markaana roob raxmaad leh inagu mannaysto, dadka deegaanada duunyada qaboojiya abaartana naga dulqaado.

Ramadaan Kariim.

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 17/02/2026

โ€œMaanta waxaan xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Garoomada Waqooyi Bari, taas oo ah tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay uga goโ€™an tahay DW Waqooyi-Bari horumarinta adeegyada duulista, isku socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee dowlad goboleedka. Wasaaraddan waxay laf-dhabar u tahay dhismaha iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga, maalgashiga, iyo isku xirnaanta gudaha iyo dibadda.

Hirgelinta xaruntan cusub waxay dardar gelinaysaa qorshayaashayada ku aaddan kobcinta adeegyada duulimaadyada, kor u qaadista amniga hawada, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiinta, farsamayaqaannada, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan qiimaha badan leh, kaas oo astaan u ah horumar, wadajir, iyo himilo fog .โ€

17/02/2026

waxaan si rasmi ah u furay xarunta Wasaaradda Duulista iyo Hawada Garoomada Waqooyi Bari oo maanta shaqadeeda bilaabaysa. Tani waa tallaabo muhiim u ah horumarinta adeegyada duulista, kobcinta dhaqaalaha, iyo fududeynta isku socodka bulshada. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntan, waxaana rajaynayaa inay noqoto mid si hufan ugu adeegta shacabka.โ€

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 01/02/2026

Waxaan maanta ka qayb galay munaasabadda dhagax-dhigga Wadada Waaxda Wadajir , taas oo uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Waqooyi-Bari.

Munaasabadda waxaa igu wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka, Mudane C/risaaq Jaamac Warsame (Salgan), iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha.

Dhagax-dhigga waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana horumarinayo isu-socodka iyo adeegyada bulshada ee magaalada Laascaanood.

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 28/01/2026

Waxaan kulan is-xog-waraysi ah la yeelanay Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, oo uu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Kulanka waxaan kaga dhageysannay Madaxweynaha warbixin dhammaystiran oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca, taas oo muujinaysa jihada ay Dawladdu ku socoto.

Waxaan adkeynay muhiimadda wada-shaqaynta Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo horumar waara oo ay helaan Shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Photos from Dr. Aden Abdullahi Aw Hassan's post 21/01/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka January 2026, waxaan xafiiskayga ku qaabilay kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xayle iyo Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle.
Kulankan waxaa igu wehelinayay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame (Salgan) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada.
Waxaan martida ku soo dhaweynay dareen walaaltinimo iyo qaddarin, annagoo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga, is-dhaafsiga waayo-aragnimada goleyaasha sharci-dejinta, iyo adkaynta midnimada iyo wada shaqeynta ummadda Soomaaliyeed.

20/01/2026

Waxaan xalay kala qaybgalay bulshada caasimadda kulan ay isugu yimaadeen shacabka caasimadda iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulankaas dadweynaha caasimaddu waxay si cad u muujiyeen midnimada, walaalnimada, iyo jacaylka ay u qabaan walaalahooda reer Galmudug.

19/01/2026

Waxaan Safar Galabta ku tagnay magaalada adhicadeeye oo aan kusoo dhawaynay Madaxwayne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne C/qaadir Axmed Aw-cali.

Waan uga mahadcelinayaa bulshada Adhicadeeye soo dhawaynta balaaadhan ee ay ku qaabileen wafdiga.

Want your business to be the top-listed Government Service in Laascaanood?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Laascaanood