Ururka Dhalinyarada ee UMUS

Ururka Dhalinyarada ee UMUS

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Dhalinyarada ee UMUS, Political Party, Mogadishu.

17/12/2025

Hoggaanka sare ee Ururku ayaa caawa yeeshey kulan gaar ah, kaas oo lagu falanqeeyay xaaladda guud iyo howlaha horyaalla Ururka.

▪︎ Kulanka kadib, hoggaanku waxa ay isla qaateen in:
▪︎ La sii dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh Ururka,
▪︎ La kordhiyo shirarka iyo kulamada joogtada ah,
▪︎ La xoojiyo is-aragga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa hoggaanka iyo xubnaha.

Ujeeddadu waa in la helo wada-shaqeyn hufan, isla markaana Ururku u socdo jihada himilooyinkiisa iyo yoolkiisa guud.

Waxaan dhammaan xubnaha ku boorrinaynaa in ay ka qayb qaataan kulamada soo socda, kana qeyb qaataan dadaallada horumarineed ee Ururka.

Mahadsanidin.

12/12/2025

Ururka dhalinyarada UMUS
Ref: UMUS/001
Taariikh: 12/12/2025

KU: Xubnaha Ururka UMUS
OG: Hogaamiyaha Guud ee UMUS

Ujeedo: Magacaabis – Xoghayaha Guud ee Ururka UMUS

Hoggaamiyaha Guud ee Ururka UMUS Mudane Ali Bashi Abdi, isaga oo tixraacaya baahida loo qabo dardargelinta shaqooyinka Ururka, hagaajinta maamulka, iyo horumarinta hanaanka hawlgalka Ururka, wuxuu si rasmi ah u magacaabay Xoghayaha Guud ee Ururka UMUS.

Kadib qiimeyn lagu sameeyey kartidiisa, hufnaantiisa, iyo doorkiisa ku aaddan horumarinta Ururka, waxaa xilka Xoghayaha loo magacaabay Mudane Ali Mohamed Mohamud {Ali Quusiye}

Hogaamiyaha ayaa xoghaya cusub ku booriyay in uu dardargeliyo howlaha ururka, kobciyo wada-shaqeynta laamaha kala duwan, isla markaana hormuud ka noqdo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee UMUS. Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada xubnaha, kor u qaadidda isku duubnida iyo matalaad wanaagsan oo uu ururku ku yeesho bulshada dhexdeeda.

Mahadsanidiin

10/12/2025

Warsaxaafadeed

Ku: Xubnaha Ururka UMUS
Og: Hogaanka Ururka UMUS

Taariikh: 10/12/2025

Maanta, waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa in Mudane Ali Bashi Abdi loo doortay Hogaamiyaha Guud ee Ururka UMUS.

Mudane Ali Bashi Abdi waxaa lagu ammaanay kartidiisa, hufnaantiisa, iyo himiladiisa ku aaddan horumarinta dhalinyarada iyo kor u qaadidda codka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ururka UMUS wuxuu ku boorinayaa dhammaan xubnaha iyo bulshada inay garab istaagaan hogaamiyaha cusub, si wadajir ah loogu gaadho himilooyinka ururka.

Wabillaahi Towfiiq

02/12/2025

Bayaan Rasmi ah

16/08/2025

Warbixin – Magaca Rasmiga ah ee Ururka

Kadib doorasho ay ka qayb galeen xubnaha ururka, Magaca “Ururka Midnimada Umadda Soomaaliyeed (UMUS)” ayaa ku guuleystay codka ugu badan, waxaana si rasmi ah loogu doortay magaca ururka.

*▪︎ Magaca Buuxa: Ururka Dhallinyarada ee UMUS*

*▪︎ Macnaha UMUS: Ururka Midnimada Umadda Soomaaliyeed*

*▪︎ Halku-dhig: “UMUS – Jid Cusub & Jiil Cusub”*

*▪︎ Astaanta: Sida ku cad logada rasmiga ah ee ururka*

Magacan cusub wuxuu astaan u yahay midnimo, horumar iyo mustaqbal cusub oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin.

Hon Bashi Abdi

14/08/2025

URURKA DHALLINYARADA SYP
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 14 Agoosto 2025

*URURKA SYP OO HAMBALYO U DIRAY ARDAYDA KA GUULAYSATAY IMTIXAANKA FASALKA 8-AAD EE GOBOLKA BANAADIR, SANAD-DUGSIYEEDKA 2024–2025

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYP wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda guuleysatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025, gaar ahaan kuwa ku guulaystay kaalmaha ugu sarreeya ee Gobolka Banaadir.

Sanadkan, waxaa imtixaanka galay 41,076 arday, halka 2,813 arday ay ku dhaceen, iyadoo 38,263 arday ay ku guulaysteen.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay Gobolka Banaadir, kuwaas oo dhammaantood gabdho ah, taas oo muujinaysa dadaalka iyo guusha muuqata ee hablaha Soomaaliyeed:

*🥇 Sakiyo Cabdullahi Cali Iman – Kaalinta 1-aad
*🥈 Sahro Axmed Cali Maxamed – Kaalinta 2-aad
*🥉 Maymuun Ramadaan Cali Cumar – Kaalinta 3-aad

HAMBALYO GAAR AH:
Ururka SYP wuxuu si gaar ah ugu hambalyeynayaa hablaha Soomaaliyeed guushan taariikhiga ah, maadaama saddexda kaalmo ee ugu horreeya ay ka galeen gabdho. Tani waxay dhiirigelin weyn u tahay hablaha kale ee Soomaaliyeed ee ku jira halganka waxbarasho.

Afhayeenka Guud ee Ururka
Hon Bashi Abdi
DHAMMAAD

07/08/2025

Ururka Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee SYP, wuxuu garab taaganyahay Muwaadin dhalinyaro ah oo farriin uur taabad ah soo geliyay Baraha Bulshadda.

Afhayeenka Ururka SYP, Ali Bashi Abdi.

06/08/2025

Ururka Somalia Youth Party - SYP oo bayaan kasoo saaray Faragelinta Itoobiya ee Gobalka Gedo.

Afhayeenka SYP Ahne Gudoomiye kuxigeenkii H**e ee SYP Mr Ali Bashi Abdi ayaa aqrinaya bayaan ay soo saareen Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku mideesan SYP.

02/08/2025

Qof kasta oo dhallinyaro ah waa inuu is weydiiyo:
“Maxaan maanta qabanayaa si aan berri u noqdo qofka aan rabo inaan noqdo?”

Dhallinyarnimadu waa waqti dahabi ah oo go’aaminaya mustaqbalka.

Dhallinyarnimadu waa hadiyad Alle bixiyo oo aan cidna laba jeer la siin. Waa in la barto in fursadaha jira aan la dayicin, si guul waarta loo gaaro. Dhallinyarada maanta waa hoggaamiyeyaasha berri.

Dhallinyarnimadu waa marxalad nolosha ay dahabi tahay, waana xilliga ugu firfircoon, uguna rajo badan nolosha banii'aadamka. Waa xilli qofku leeyahay tamar, himilo, iyo hibo uu dunida wax ugu beddeli karo. Qof kasta oo guuleysta wuxuu si fiican uga faa’iidaystay dhallinyarnimadiisa; kuwa guuldarreystana badankood waxay lumiyeen fursadaha da’daasi ay la timaaddo.

Waqtiga dhallinyarnimada ma noqonayo mid dib u soo laabta. Waa xilli aad ku dhisan karto aqoon, xirfad, akhlaaq, hoggaan iyo aragti nololeed. Qofka aan si wanaagsan uga faa’iidaysan dhallinyarnimadiisa, waxa uu halis ugu jiraa inuu gabow ku galo nolosha isagoo ka qoomameynaya waqtiyadii uu dayacay.

🤌👀

W/Q: Ismaaciil Xidig

Photos from Ururka Dhalinyarada ee UMUS's post 29/07/2025

Warsaxaafadeed.

30/06/2025

FARRIINTA MUNAASABADDA 1-DA LUULYO

Ururka SYP Waxa uu ugu Hambalyeynayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyed xuska 1-da Luulyo, sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareegatay markii ay xoroobeen Gobolada Koofureed iyo israacii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Dalkeena Soomaaliya, taas oo Aas-aas u noqotay curashada Dowladnimada Wadankeena.

Annagoo ka faa’idaysanayna muhiimada Iyo Weyneenta 1da Luulyo, Waxaan ku boorrinaynaa shacabka Soomaaliyeed inaan si wadajir ah Aan u ilaalino wadajirka iyo Madax banaanida dalkeena Soomaaliyed.

Hambalyo munaasabadda 1-da Luulyo.

25/06/2025

HAMBALYADA 26-JUUN

Ururka SYP wuxuu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda qiimaha badan ee 26-ka Juun, oo ku asteysan maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi iyo taagiddii ugu horreysay ee Calanka Soomaaliyeed sanadkii 1960-kii.

26-ka Juun waa maalin xusuus qaran – waa maalin astaan u ah halgankii geesinimo, rabitaanka midnimo, iyo dadaalkii aabayaasheen ugu jireen in ummad Soomaaliyeed hesho calan, dal iyo dawlad mideysan.

Maalintani waxay inoo tahay xasuus iyo dhiirrigelin – in aan ka dhabeyno riyadii midnimo iyo madax-bannaani, annaga oo ah dhallinyarada maanta la rabo inay noqdaan haldoorka isbeddelka, hormuudka nabadda, iyo dhisayaasha qaranka.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeyneynaa sanadkan iyo kuwa soo socdaba inay noqdaan kuwo barwaaqo, midnimo iyo horumar u horseeda qarankeena.

Guul iyo gobannimo
Hambalyo 26-ka Juun.
SYP – Jiil cusub & jid cusub

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


Mogadishu