Xisbiga Ilays

Xisbiga Ilays

Share

Ku soo dhowoow page-ka Saxda ah ee Xisbiga Ilays Ilaysparty

25/05/2023

WAR-SAXAAFADEED
Xisbiga ILAYS waxa uu ammaanayaa xukuumadda iyo shacabka dagaalka ay Khawaarijta kula jiraan.

14/05/2022

"CODSIGA COSOBLE EE CAAWA
KU: XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE BFS

Waa xiligii is badalka walaalayaal. Aan rajo abuurno. Soomaaliya waa is bedeli kartaa haddii aan gacmaha is qabsanno. Muddo ayaan ka dheehanayay indhihiinna, ka maqlayay afkiinna, kana dhadhansanayay fikradihiinna. Dhammaanteen waxaan
rabnaa isbeddel tayo leh. Waxa aan ololahayga madaxweynaha JFS kusoo bandhigay Shanta Tiir ee Horumarka
Qaranka oo aan aaminsanahay inay wax badan ka beddeli doonaan nolosha
Soomaalida oo dhan. Waxa aan u huray in badan oo noloshayda ka mid ah si aan u
kasbado xirfadda iyo waayo-aragnimada lagama maarmaanka ah si aan u hoggaamiyo
oo aan uga dhigo horumarkaas mid dhab ah. Walaalayaal, igu taageera in aan dhidibbada u aasno Tiirarka Horumarka Qaranka; Waxa aan arkaa Soomaaliya oo amni ah aaminaadna leh, caafimaad leh oo horumarsan, hal-abuur leh oo barwaaqo ah. Waxa aan dhammaantiin idinka codsanayaa in aad igula soo
biirtaan safarkan muhimka u ah horumarinta danta qaranka iyo dhismaha
dowlad caadil ah.
Mahadsanidiin"

Abdulkadir Osoble Ali
Musharrax Madaxweyne

14/05/2022

Xildhibaane Codkaaga Ugu hiili Shacabka Soomaaliyeed.

14/05/2022

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka dalbaday xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad in ay u dooraan Musharrax madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali

12/05/2022

Tiirarka Horumarka Qaranka.

1- KOBCINTA DHAQAALAHA IYO SHAQO ABUURKA
Waa in dhab ahaan loo taabto nolosha Soomaalida oo dhan, iyadoo diiradda la saarayo dhallinyarada iyo haweenka. Mudnaanta ugu muhiimsan waa in la badiyo bangiyada iyo helitaanka maalgelinta.

2- DHAMEYSTIRKA IYO ANSIXINTA DASTUURKA KU-MEEL GAARKA
Waa in si rasmi ah oo dhameystiran loo diwaan geliyo qiyamka Soomaaliya, mabaadi’da iyo sharciga dawladnimada, iyo xuquuqda muwaadinka ee qofkasta ku dhaqmo.

3- XOOJINTA FEDERAALKA IYO DIMUQRAADIYADDA
Waa in la qeexo doorka iyo mas'uuliyadaha dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka iyo in la xaqiijiyo ka qaybgalka muwaadiniinta ee geeddi-socodka siyaasadda.

4- DIB U HABEYNTA AMNIGA, GARSOORKA IYO SHARCIGA Waa in la taageero dimuqraadiyada iyada oo la kala saarayo awoodaha garsoorka iyo sharci dejinta lana dhisayo garsoor adag.

5- XOOJINTA ISKAASHIGA CAALAMIGA AH.
si loogu biiro dhaqaalaha addunka hab juquraafi siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed, waa in la xoojiyaa ganacsiga, tignoolajiyada iyo amniga

Ballanteennu waa : “Dan Qaran & Dowlad Caadil Ah” Mahadsanidiiin,

11/05/2022

"Waxa aan maanta u jeediyay xildhibannada labada aqal ee BFS khudbaddeyda dastuuriga ah ee aan kaga codsanayay in ay ii doortaan madaxweynaha JFS.
Waxa aan ku kalsoonahay in xildhibannada ay aqbaleen codsigeyga. Waxaan rabaa annaga oo gacmaha is-heysanno in aan mugdiga ka saarno dalkeenna, ummaddeennana aan ku hoggaamino iftiinka horumarka iyo nabad waarta.
Ballanteennu waa : “Dan Qaran & Dowlad Caadil Ah”"

Musharrax Madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali

Photos from Xisbiga Ilays's post 08/05/2022

"ALLAA mahadleh
Waxa aan maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee Musharrax Madaxweynaha 10-aad ee JFS. Waxa aan u mahadcelinayaa xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS ee ku howlan qabsoomidda doorashada. Waxa aan ku kalsoonahay in xildhibaannada labada aqal ee BFS ay u hiilli doonaan is beddel cusub oo dalka iyo dadkaba anfaca. May 15 ayaa noo ballan ah iyo hangarka Afisyoone in shaa ALLAH.
"
Musharrax Madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali

03/05/2022

Musharrax Madaxweyne Xildhibaan Abdulkadir Osoble Ali "Waxa aan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Munaasabadda Maalinta Saxaafadda Aduunka oo la xuso May 3 sanadkasta. Bahda warbaahinta Somaaliyeed waxa ay kaalin mug weyn had iyo jeer kaga jirtaa hanuuninta dadweynaha, dowlad dhiska, horumarinta nabada iyo guud ahaan xasilloonida dalka.
Hambalyo markale"

03/05/2022

Himilada cusub ee Soomaaliya,Soomaaliya oo loo taago Tiirarka Horumarka Qaranka qof walbana ugu nool yahay si dimoqraadi ah
Musharax Madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali

03/05/2022

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Abdulkadir Osoble Ali Noo door Xildhibaane si aad taladda dalka aad wax ugu yeelato.


Photos from Xisbiga Ilays's post 02/05/2022

"Waxa aan caawa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS mudane Sheikh Adam Mohamed Nuur (Madoobe) oo dhawaan si rasmi ah xilka ula wareegay. Guddoomiyaha waxa aan ugu hambalyeeeyay guushii waynayd ee uu ka gaaray doorashada Guddoomiye Golaha Shacabka. Waxa aan sidoo kale Sheikha ku biiriyay taladeyda ku aaddan sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorashada madaxweynaha JFS.
Guul in shaa ALLAH"
Musharax Madaxweyne Xildhibaan Abdulkadir Osoble Ali

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Makka Almukaramah
Mogadishu
MOGADISHU

Opening Hours

Monday 06:00 - 11:00
Tuesday 06:00 - 23:00
Wednesday 06:00 - 23:00
Thursday 06:00 - 22:00
Friday 09:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 22:30
Sunday 06:00 - 22:00