Somali Agricultural Regulatory & Inspection Service - SARIS
This is the official page of SARIS
12/05/2026
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta | 12 May 2026
Maanta magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta (International Plant Health Day). Munaasabaddan muhiimka ah waxaa soo qaban-qaabisay Hay’adda SARIS iyadoo kaashanaysa Somali National University (SNU), waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Dowladda, FAO Soomaaliya, ganacsatada gaarka loo leeyahay, aqoonyahanno, arday, xirfadlayaal dhanka beeraha ah iyo beeraley Soomaaliyeed.
Maalintan caalamiga ah ee la xuso sannad kasta 12-ka May waxay diiradda saartaa: Muhiimadda caafimaadka dhirta Sugnaanta cuntada & nafaqada Ilaalinta deegaanka Kobaca ganacsiga beeraha Caafimaadka dhirta waa tiir muhiim u ah nolosha bulshada. Ilaalinta dhirta iyo ka hortagga cayayaanka, cudurrada, xaalufka dhulka iyo saameynta isbeddelka cimilada waxay door weyn ka ciyaaraan kordhinta wax-soo-saarka iyo horumarinta nolol maalmeedka.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Maareeyaha Guud ee SARIS, halka uu soo xiray Maareeye Kuxigeenka Hay’adda. Maalintani waxay xasuusin u tahay dhammaan: dowladaha, hay’adaha cilmi-baarista, beeraleyda iyo bulshada inteeda kale muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta si loo ilaaliyo khayraadka dhirta loona xoojiyo nidaamyada la dagaallanka cayayaanka iyo cudurrada. Caafimaadka dhirtu ma aha oo kaliya arrin beeraha ku kooban — waa masuuliyad wadajir ah oo saameyn togan ku leh caafimaadka bulshada, dhaqaalaha iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.
Halku dhiga sannadka oo ahaa
“Badbaadinta Dhirta si loo gaadho Sugnaan Cunno”
🌿
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
BN00252
