Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor

Directions Contact the organization

Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor, Government Organization, Jaziira Street, Mogadishu.

Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor
Cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo ku hawlan difaaca Qaranka, fulinta hawlgallada gaarka ah, tababarka ciidan, iyo ilaalinta shacabka.

30/10/2026

SHIR LAGU XOOJINAYO AMNIGA DEGMADA CEEL-DHEER ISLA MARKAANA UU SHIR GUDOOMINAYAY TALIYAHA GUUTADA 18-AAD KUMAANDOOSKA GORGOR OO LAGU QABTAY XARUNTA DEGMADA

20/10/2026

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa gaaf-wareeg amni ka wada duleedka deegaanka Cali-yabaal ee Degmada Ceel-dheer Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Kaaliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Col. Khadar Cabdi Axmed, waxaana wehlinaya Taliyaha Ururka 6-aad ee Kumaandooska Gorgor, oo dhawaan la wareegay mas'uuliyadda amniga guud ee degmada Ceel-dheer iyo deegaannada ku teedsan Bariga Gobolka Galgaduud, iyo Taliyaha Ururka 87-aad ee Guutada 77-aad Ilaalada Madaxda Qaranka.

Gaaf-wareeggan ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo nabadgelyada deegaannada hoos yimaada degmada Ceel-dheer.

Ciidamada ayaa sii wada gudashada waajibaadkooda qaran, iyagoo u taagan difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo adkeynta amniga deegaannada.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed — Gaashaanka Qaranka, Garabka Shacabka iyo Difaaca Dalka.

Wariye : Maxamed Daljir

19/10/2026

IYAGOO ROOBKU KU DA'AYO AYAY QARANKOODA U TAAGAN YIHIIN – GEESIYAAL KU SUGAN FURIMAHA H**E

17/10/2026

Taliyaha Guutada 18th Kumaandooska Gorgor Taliska Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor Iyo Guutada Dhamaan waa Dhisyay Waana La mahdiyay

17/10/2026

MUNAASABAD DUCO IYO QUR’AAN AKHRIS AH ISKUGU JIRTO LOONA AKHRINAYU SHUHADADII QARANKA U SHAHIIDAY AYAA LAGU QABTAY XERADA JANARAAL DAA’UUD.

13/10/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

12/10/2026

XIDIGTA AAN DHULKA TAABAN! Hambalyo 12 October 🇸🇴

Taliyaha Guutada 18th Kumaandooska Gorgor G/le Dhexe Aadan Maxamed Faarax Ayaa Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed Ug...
12/10/2026

Taliyaha Guutada 18th Kumaandooska Gorgor G/le Dhexe Aadan Maxamed Faarax Ayaa Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed

Hambalyo Calanyohoow

Maanta waa maalintii Calanka Somaliyeed oo la aqoonsaday 12 oktobar 1954.
Waa munaasabada Dad badan Duruufaha iyo Wakhtigu ay hilmaansiiyeen.

Calanyohoow ha quusan, dhibkii laguu soo maray ayaa haddana laguu maraa, si aad 5tii Somali ee Xidiga Mideeysay mar kale loo mideeyo

Haddii Jiilkii dhexe ay ku dayaceen, Ciidamadeena Qaranka iyo Jiilka cusub ayaa weli u diyaar ah difaacaaga, ha quusan.

Hambalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-Oktober

Ciidamo ka tirsan Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor oo Tababar Sare ku Qaadanaya TĂĽrkiye Ciidamo ka tirsan Guutada 2...
05/10/2026

Ciidamo ka tirsan Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor oo Tababar Sare ku Qaadanaya TĂĽrkiye

Ciidamo ka tirsan Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay tababar ciidan oo heer sare ah ku qaadanayaan dalka TĂĽrkiye, iyadoo tababarku qayb ka yahay iskaashiga dhinaca difaaca iyo tayeynta ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo TĂĽrkiye.

Cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ay bilaabeen tababaro khaas ah oo diiradda lagu saarayo xirfadaha kumaandooska, dagaalka dhulka iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Warbixinno la daabacay bishii Sebtembar 2026 ayaa xaqiijinaya in Guutada 22-aad ee Gorgor ay TĂĽrkiye u aadeen tababar heer sare ah, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay ka faa'iidaysanayaan nidaamka tababarka kumaandooska

Tababarrada noocaan ah ee dhaq-dhaqaaqa goobaha adag, dagaalka dhow, weerarrada iyo ka-hortagga gaadmada, baarista godadka iyo gabaadyada, iyo farsamooyin kale oo la xiriira hawlgallada kumaandooska ayaa ciidamada Soomaaliyeed ay tababarro wadajir ah kula qaadanayaan ciidamada Turkiga deegaanka Kayseri iyo buuraha Erciyes.

Tababarka Guutada 22-aad ee Gorgor wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo TĂĽrkiye wuxuu muddo sannado ah diiradda saarayay tababarka, dhismaha awoodda ciidamada iyo horumarinta hay'adaha amniga.

Iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso awoodda ciidamadeeda, tababarrada noocan ah waxay muhiim u yihiin in ciidamada Soomaaliyeed ay helaan aqoon iyo khibrad dheeraad ah oo ay ugu adeegaan amniga iyo difaaca dalka.

TALIYAHA GUUTADA 18'AAD KUMAANDOOSKA GORGOR OO KA QEYB GALAY XAFLADDA DHAARINTA LAYLI SARAAKIISHA & GUUTADA 22-AAD EE GO...
03/10/2026

TALIYAHA GUUTADA 18'AAD KUMAANDOOSKA GORGOR OO KA QEYB GALAY XAFLADDA DHAARINTA LAYLI SARAAKIISHA & GUUTADA 22-AAD EE GORGOR

Muqdisho — Taliyaha Guutada 18'aad Kumaandooska Gorgor Col Aadan Maxamed Faarax ayaa ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo lagu dhaarinayay Dufcadda 9aad ee layli saraakiisha /Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa lagu muujiyay diyaar-garowga, anshaxa iyo heeganka ciidanka cusub, kuwaas oo loo diyaariyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, difaacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana u adeegaan ilaalinta amniga iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Address

Jaziira Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guutada 18'aad Kumandoska Gor-gor:

Shortcuts

Share