20/04/2026
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Ali Haji Adam, ayaa, ๐๐ซ. ๐๐๐ข๐๐จ ๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ก๐ฆ๐๐ง ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ข, u magacaabay Madaxa Xarunta Qaran ee Howlgallada Degdega ah ee caafimaadka Guud (PHEOC). National PHEOC Manager, ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Wasiirka Waasaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa kula dardaarmay Dr. Saido Abdirahman, in ay dardargeliso shaqada iyo horumarinta Xarunta.
โ๐๐๐๐๐๐๐๐โ
11/04/2026
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐๐จ ๐๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐.
Muqdisho 11 April 2016; Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, ayaa maanta shirgudoomiyay kulan ballaaran oo loogu talo galay isla xisaabtan iyo in la dardar gelinta shaqooyinka machadka, kulanka waxaa ka soo qayb galay agaasima waaxeedyada, la-taliyeyaasha, madax qeybeedyada iyo howl-wadenadka kala duwan ee machadka.
Kulankan ayaa ahaa mid ka mid ah dadaallada joogta ah ee Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka si loo xoojiyo isla xisaabtanka shaqaalaha, loo horumariyo waxqabadka, loona hubiyo in shqooyinki ay yihiin kuwa ku salaysan is-kaashi iyo wada shaqayn buuxda bulshada waxtar kusoo kordhin-karaan.
Intii uu kulanka socday, Agaasimaha Guud Dr. Hussein Abukar Muhidine ayaa koox koox uga dhageystay war-bixinno faahfaahsan oo ku saabsanaa howlaha machadka, ayadoona kulanka lagu falanqeeyay caqabadihii jiray sidookalena wadatashiyo balaaran laga yeeshay waxyaabihii laga bartay mudooyinki lasoo dhaafay waxaana bud-dhig looga dhigay sida loo horumarin lahaa mustaqbalka adeegyada caafimaadka ee dalka.
Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalka iyo shaqada wanaagsan, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta si loo gaaro yoolalka machadka.
Ugu danbayn, Dr. Hussein Abukar, Wuxuu howl-wadeenada Machadka uga mahadceliyay dedaallada ay muujiyeen, wuxuuna ku dhiiri geliyay inay si firfircoon u gutaan waajibaadkooda si looga hortago caqabadaha loona yareeyo caqabadaha caafimaad ee dalka kajira.
Shirkan ayaa muujinayaa hannaanka hufan ee hoggaamineed ee Agaasimaha Guud ee Machadku ku wajahayo kor u qaadista waxqabadka Machadka, isagoo xooga saaraya wada-shaqeyn dhab ah iyo hal-abuur cusub ee fulinta howlaha hortabinta u leh Machadka.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
08/04/2026
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ซ๐ข๐ -๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐.
Muqdisho, 08 April 2026; Dr. Ali Haji Adam Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa maanta si rasmi ah u xarig jaray dhisma cusub oo lagu kordhiyay xarunta Shaybaarka Caafimaadka Qaranka ee heerka 3aad (BIOSAFETY LEVEL 3) ee Machadka Caafimaadka Qaranka taas oo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Munaasabada Xarig Jarka ayaa ahayd mid heerkeedu sareeyay ayay goob jog ku ahayeen, Agaasimaha guud ee ee sii wareejinaya xafiiska Agaasinka ee wasaaradda, Dr. guuleed Cabdjalil. Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasime Waaxeedyo iyo How-wadeenado ka kala socotay wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Marti Sharaf kale.
Dhismaha xaruntan cusub ayaa ah tallaabo weyn oo lagu xoojinayo awoodda baaritaannada caafimaadka iyo la tacaalidda cudurrada halista ah, ayay hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo kaashaneysa hayโadda UNICEF, si loo helo xarun casri ah oo ka jawaabi karta baahiyaha caafimaad ee sii kordhaya, waxayna qeyb katahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha caafimaadka iyo sare u qaadidda tayada adeegyada la siinayo bulshada Soomaaliyeed.
Xaruntan cusub ee Shaybaarka Qaranka ayaa la filayaa inay si weyn kor ugu qaado tayada baaritaannada caafimaadka, isla markaana xoojiso awoodda dalka ee baaritaanka, ogaanshaha, iyo ka hortagga cudurrada faafa iyo kuwa kale ee halista ku ah nolosha bulshada. Sidoo kale, waxay xaruntani gacan ka geysan doontaa diyaar-garowga degdegga ah ee looga hortagayo khataraha caafimaad ee soo wajaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr. Ali Haji Adam, ayaa tilmaamay in dhismaha xaruntani tahay guul weyn oo u soo hoyatay bahda caafimaadka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadan doonto ilaalinta caafimaadka bulshada iyo horumarinta nidaamka caafimaadka qaranka.
Ugu danbayn. Dr. Ali Haji Adam, ayaa bogaadiyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo hayโadaha caalamiga ah ee taageeraya dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
08/04/2026
Sawiro: Diyaar Garowga Munaasabadda Xarig-jarka Dhismaha Cusub ee Shaybaarka Caafimaadka Qaranka Soomaaliyeed.
02/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฎ๐ ๐ ๐
๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐ฐ๐๐๐๐๐ง๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ ๐๐๐ฒ๐๐ญ๐ข ๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐, ๐๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐
๐๐๐.
Muqdisho, Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa si rasmi ah tababar ugu furay dufcaddi Todobaad ee qaybta sedaxaad barnaamijka Field Epidemiology Training Program (FETP), Tababarkan oo ah mid heerkiisu sareeyo ayaa loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka safka h**e ee ka shaqeeya heerarka kala duwan ee Federaal, Dowlad goboladyada iyo Gobalka Banadir.
Ujeedka ugu weyn ee tababarka ayaa ah in la siiyo ka qaybgalayaasha aqoon iyo xirfado muhiim u ah sahminta, daraaseynta, dabagalka iyo xakameynta cudurrada faafa Tababarkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta nidaamka caafimaadka Bulshada gaar ahaan marka la eego awoodda looga jawaabayo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Ugu dambeyn, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Machadka ayaa ku dhiirigeliyay dhammaan ka saraakiisha caafimaad in ay si buuxda uga faa idaystaan tababarka maadaama uu yahay mid muhiim u ah horumarinta nidaamka caafimaadka dalka Wuxuu sheegay in xirfadaha iyo aqoonta ay helayaan si toos ah wax ugu taridoonto hagaajinta caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
01/04/2026
Dr. Fartun Idey Yusuf, ayaa loo magacaabay, La taliye Sare, Sheybaarka dhexe ee Qaranka, ( National Public Health Reference Laboratory) ee Machadka Caafimaadka Qaranka, taas oo muujinaysa kalsoonida buuxda ee lagu qabo doorkeeda ku aaddan hirgelinta qorsheyaal ee hagaajinta adeegyada Shaybaarka iyo hubinta tayada baarista si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.
=== DHAMAAD===
19/03/2026
๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐ค
Agasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Hon Hussein Gessey ayaa dhambaal hambalyo farxadda Ciidul Fidrida awgeed u marinayay ummadda Islaamka, gaar ahaan Bulsha waynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo daafaha caalamkaba. Waxuuna u rajeeyay in farxad iyo raynrayn ay ku ciidan.
Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa yiri waxaan Alle ka baryaa in uu inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa, sidookale in uu Eebe inaga dhigo kuwii dembiyadooda la dhaafay. Ilaahay raxmadiisa ha nagu gallado, abaaraha jirana Ummada Alle ha dhaafiyo.
31/01/2026
Muqdisho 31 January 2026; Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS,(MoECC), ayaa soo qabanqaabisay tababar loogu talagalay in lagu taageero diyaarinta Warbixinta Shanaad ee heer Qaranka taasoo ku saabsan hirgelinta Heshiiska Cartagena ee Badbaadinta Noolaha, aqoon korarsigan ayaa ahaa mid kulmiyay dhammaan hay,ado kala duwan ee dalka si ay dib ugu eegaan, u xaqiijiyaan, uguna mideeyaan macluumaadka la xiriira arrimaha bayโada iyo badbaadinta noolaha.
Aqoon korarasigaan ayaa sidookale diirada lagu saaray in la ururiyo macluumaad sax ah oo lagu gudbin karo Biosafety Clearinghouse (B*H) taasoo ka caawin doonta in dalkeenu uu si hufan u muujiyo tallaabooyinka la qaaday si loola jaan qaado dalalka dariska, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha deegaanka iyo badbaadada noolaha, tababarka ayay kaso qaybgaleen saraakiil ka kala socday hayโadaha dowladda, ururada bulshada rayidka ah iyo jaamacadaha.
Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa ka mid ahaa hay,addaha dowlada ee ka qaybgalay kulankan, iyadoo ay ka go,an tahay in la xaqiijiyo, dib u eegis lagu sameeyo iyo in macluumaadka la abuuriyay ay noqdaan kuwa kudhisan xaqiiqda si loo hirgeliyo heshiiska Cartagena.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
26/01/2026
๐๐๐๐๐ข ๐ก๐๐๐ซ ๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐.
Muqdisho 26 January 2026; Agaasimeha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr, Hussein Abukar Muhidine, ayaa xarunta Machadka ku qaabilay wafti heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Prof. Vittorio Colizzi, oo ah Professor of immunology & Pathology, University of Roma Tor Vergata, Ahna Agaasimaha Africa Relations Center, kana tirsan Italian Society of Geography, isaga oo ay booqashadiisa ku wehliyeen masuiliin.
Kulankan oo ay ujeedkiisu ahayd xoojinta iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista caafimaadka, is-weydaarsiga aqoonta sayniska, horumarinta awoodda cilmi-baarayaasha, iyo dhismaha nidaam cilmi-baariseed oo tayo leh, dhanka kale kulanka ayay agaasimaha guud ee machadka ku wehlinayeen Agaasimaha Waaxda Cilmi-baarista, Dr. Farhan Mohamed iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka Machadka Caafimaadka Qaranka.
Intii uu socday kulanka ayay si gaar ah diiradda ugu saareen doorka muhiimka ah ee Shaybaarka Qaranka (NPHRL) oo ah laf-dhabarta nidaamka shaybaarrada tixraaca qaranka, kanaalin muhiim u ah ogaanshaha cudurrada, tayaynta natiijooyinka shaybaarka iyo taageeridda cilmi-baarista caafimaadka ee ku salaysan caddayn iyo xog sugan, ayadoona xoojinta NPHRL ay saldhig u tahay horumarinta nidaamka cilmi-baarista caafimaadka qaranka iyo adkaynta u diyaar garowga wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee jira iyo kuwa mustaqbalka.
Ugu danbayn, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agasimaha Guud ee Machadka ayaa uga mahadceliyay Prof. Vittorio Colizzi iyo wafdigiisa booqashada qiimaha leh, wada-xaajoodka miro-dhalka ah iyo dadaalkooda ku aaddan taageeridda horumarinta cilmi-baarista caafimaadka iyo shaybaarrada tixraaca qaranka ee Soomaaliya.
Machadka Caafimaadka Qaranka ayay si buuxda uga goโan tahay horumarinta cilmi-baaris tayo leh oo kaalin muuqata ka qaadata dejinta siyaasadaha caafimaadka, hagaajinta goโaan-qaadashada ku salaysan caddayn ay saldhig u tahay aqoon iyo kor u qaadida tayada adeegyada daryeelka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
23/01/2026
๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐๐จ๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐๐ค๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.
Muqdisho; Agaasimaha Waaxda Emergency Preparedness and response ahna FETP Program Coordinator ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Abdullahi Sheikh Abdi, ayaa tababar usoo xeray qalinjabiyaashii afartii koox โcohortโ ee ugu h**eesay barnaamijka tababarka FETP, kasoo soconayay 14-21 Janaayo, sidookale munaasabadan ayay goob joog ku ahayeen masuliyiin ka kala socotay Hay,adaha WHO, AFENET iyo marti sharafkale.
Mudadii uu socday tababarkan ayay ka qayb qateen 30 howl-wadeeno oo ka kala socday heer Fedraal iyo dowlad goboleed, iyadoo diiradda la saarayay Cudurka Dabeysha(polio) waxaana si wadajir ah uga shaqeyay Machadka Caafimaadka Qaranka, Africa CDC iyo CDC USA, taaso ka tarjumaysa dadaalada lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka iyadoo la rajeynayo in howl-wadeenadu usoo dhamaaday ay ku qabalabaysan yihin aqoon ay ku gaar siin doonaan bulshada adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Abdullahi Sheikh Abdi, Agaasimaha Waaxda Emergency Preparedness and response ee Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa Ugu danbayn ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay si firfircoon uga qaybqaataan dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee ku aadan talaalka iyo ka hortagga cudurrada sidookalena in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa cudurrada dabaysha iyo in kor loo qaado caafimaadka bulshada gaar ahaan dhalaanka.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.
10/12/2025
๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐จ ๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฌ ๐ฐ๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ฌ๐ข ๐ฆ๐ฎ๐๐จ ๐ฌ๐ก๐๐ง ๐๐๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ก ๐ฎ๐ ๐ ๐ฌ๐จ๐๐จ๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.
Muqdisho 10 December 2025; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Mohamed Hassan Mohamed, ayaa si rasmi ah usoo xeray aqoon-is-weydaarsi soconayay mudo shan maalmood ah oo ku saabsan Mudnaanta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Caafimaadka ee Xubnaha Madax-bannaan ee Midowga Afrika, Munaasabadan ayay sidookale goob jog ku ahayeen Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr. Hussein Abukar Muhidine, Masuuliyiin kasocotay AfricaCDC, maamulada isbitaalada iyo jaamacadaha iyo marti Sharaf kale.
Tababarkan ayaa ahaa mid ay soo qaban qabisay Machadka Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Africa CDC ayaa ahaa mid mudnanta lagu siinayay in cilmi-baarista Caafimaadka ay noqdaan kuwa ku salaysan xaqiiqooyinka baahiyaha caaafimaad ee dalka kajira, kuwaaso ay kamid ahayeen xakamaynta cudurada faafa, caafimaadka taranka, naafanimada, caafimaadka maskaxda iyo kuwa kale sidookale kulankaan ayaa ahaa mid lagu xajinayay yoolalka cilmi-baarista caafimaadka dalka ay noqoto mid la jaanqaada howlgalada wadajirka ah ee Gobalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeella Bulshada Dr. Mohamed Hassan Mahamed, ayaa ugu horayn uga mahadceliyay Machadka Caafimaadka tababarkaan muhiimka u ah horumarinta cilmi-baarista caafimaadka dalka ayadoo ujeedu yahay in ay ka tarjumaan baahiyaha caafimaad ee dalka.
Ugu danbayn, Wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay dhamaan ka qayb galayaasha in in ay kamid noqdaan dadaalada lagu horumarinaayo caafimaadka dalka si loo xaqiijiyo in bulshada ay helaan caafimaad wanaagsan.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so
07/12/2025
๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ง ๐ช๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ญ๐๐ฅ๐จ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐๐ค๐ ๐ก๐จ๐ซ๐.
Muqdisho 07 December 2025; Wasiir Dowlaha wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga daahfuray tabbabarka Field Epidemiology Training Program (FETP), kooxdii Todobaad (Cohort7) oo ay qaadanayaan 26 howl-wadeena ka kala socda wasaaraddaha cafimaadka heerarkooda kala duwan iyo Gobalka Banadir.
Munaasabada furitaanka oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayay sidookale goob jog ku ahayeen Agasimaha Guud ee Machadka caafimaadka Qaranka, H.E Dr Xuseen Abukar Muxiyadiin, masuuliyiin kasocotay Hay,addaha AFENET, Dr. Tatek Bogale, Dr. Kasim Sultan iyo WHO Dr. Ahmed Dahir, sidookale lataliye sare Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Abdulkadir Wheliye.
Tababarkaan oo socon doona mudo 11 casho ah ayay qabadiisha oo ay hirgelisay Machadka Caafimaadka Qaranka isagoo kaa shanaya, CDC USA, Africa Field Epidemiology Network (AFENET) iyo Baniga Aduunka ayaa inta uu socdo ka-hortagga, sahminta, daraaseynta iyo xakamaynta cudurrada faafa, qiimeynta, maamulidda iyo hubinta tayada xogta sidookale howl-wadeenadan ayaa lagu qalabayn doonaa aqoon ay ku taageeri doonaan xarumaha caafimaadka ee kala duwan.
Dr. Maryama Mohamed Hussein, Ku simaha wasirka ahna wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka, ayaa ugu horayn uga mahadcelisay Machadka caafimaadka qaranka isxilqaanka ay ku suura geliyeen qabsoomida tababarkaan waxayna xustay in uu yahay fursad gaar ah oo lagu kordhinaayo awoodaha howl-wadeenada caafimaadka.
Machadka Caafimaadka qaranka ayay ka go,an tahay dhiira gelinta isdhexgalka iyo wada shaqaynta heerarka kala duwan ee shaqaalaha caafimaadka dalka sidookale kor uqaadista wacyiga bulshada ee muhiimada ka hortagga cudurada iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalka.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so