07/02/2026
-WAR-SAXAAFADEED-
Xisbiga Nabadraac (XNR) waxa uu si weyn ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, dadaalka joogtada ah ee uu ku bixiyo horumarka, xasilloonida iyo sugidda amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed. Hoggaamintiisa xilkasnimada leh waxay door weyn ka qaadatay xoojinta nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarka bulshada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac waxa uu baaq walaaltinimo u dirayaa Ciidamada Qaranka Ee labada dhinac, si loo ilaaliyo kalsoonida iyo wadajirka shacabka, isaga oo ku adkaynaya in ay ka fogaadaan fal kasta oo waxyeello u geysan kara shacabka, gaar ahaan xilligan ay jiraan duruufaha abaarta iyo biyo-la’aanta.
Dhanka kale, Xisbiga Nabadraac waxa uu ugu baaqayaa Siyaasiyiinta xil-raadiska ah in aan deegaanada loo adeegsan karin xeelado siyaasadeed oo keeni kara kala-qaybsanaan, colaad qabiil iyo dib-u-dhac bulsho. Siyaasaddu waa in ay ku dhisnaataa horumar, midnimo iyo danta guud ee shacabka, kana fogaataa wax kasta oo wiiqi kara nabadda iyo wada noolaanshaha.
Ugu dambayn, Xisbiga Nabadraac waxa uu mahad ballaaran u jeedinayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalkooda iyo dadkooda.
— DHAMMAAD —
Xisbiga Nabadraac (XNR)
Nabad, Sinaaan iyo Horumar
05/02/2026
Guddoomiyaha Xisbiga Nabad-raac (XNR) Eng-Isse Hassan Abukar wuxuu marka h**e si adag u cambaareynayaa falalkii gurracnaa ee lagu waxyeelleeyay naf iyo maal shacab Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay gaysteen kooxo qalalaase abuuray, isla markaana sababay cabsi, burbur iyo xasillooni-darro.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo hoggaanka sare ee dowladda, gaar ahaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen dadaalkii naf-hurnimada lahaa ee lagu soo afjaray qalalaasihii iyo falalkii amni-darrada ee ka dhacay Baydhabo.
Xilligan adag ee dalka ay ka jiraan abaaro iyo biyo-la’aan, shacabku uma baahna dagaal, barakac iyo khalkhal amni. Sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa:
-In la ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta
-In la joojiyo hadallada kicinta iyo hurinta colaadaha
-In sharciga la horkeeno cid kasta oo falal amni-darro ku lug leh
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxu Cambaareyey shaqsiyaadka siyaasadeed ee hadallada kicinta iyo qalalaasaha hurinaya adeegsaday, iyo kooxaha burcada ah ee bilaabay falalkaas lidka ku ah nabadda iyo dowladnimada.
Tallaabadan ay qaadday dowladda konfurgalbed waxay muujinaysaa:
-Mas’uuliyad dowladeed
-Feejignaan amni
-Go’aan adag oo lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka muwaadiniinta
Cid kasta oo falalkaas ku lug lahayd waa in lagula xisaabtamaa sharciga, si ay u adkaato dowladnimadu, uguna guuleysato nabad, kala dambeyn iyo xasillooni waarta.
Madaxweyne Mahadsanid | Ciidamada Qaranka Mahadsanidiin
25/12/2025
Muddo dheer ayay bulshadeennu ka maqnaayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, doorasho qof iyo cod ahna ma aysan dhicin. Taasi waxay dhaawacday kalsoonidii, rajadii iyo ka-qaybgalka muwaadinka ee masiirka dalkiisa.
Maanta, Xisbiga Nabad Raac wuxuu u taagan yahay isbeddel dhab ah, mid ku saleysan caddaalad, sinaan iyo ka-qaybgal buuxa. Waxaan rumeysanahay in codka muwaadinku yahay tiirka dimuqraadiyadda, islamarkaana uu yahay awoodda dhabta ah ee wax lagu toosin karo.
XNR ma aha xisbi kaliya, waa himilo qaran oo u taagan mustaqbal ay muwaadiniintu leeyihiin cod, doorasho iyo talo.
Wadajir ayaan wax ku dhisi karnaa.
Codkaaga waa qiimo. Mustaqbalkuna waa gacantaada.
Guddoomiye
Eng. Isse Hassan Abukar
13/11/2025
Xisbiga Nabadraac wuxuu maanta si rasmi ah u bogaadinayaa Eng-Isse Hassan Abukar, oo kamid ah hogaamiyeyaasha firfircoon ee xisbiga, kana mid ah musharrixiinta u taagan Golaha Deegaanka Degmada Waaberi.
Soo guddoominta shahaadada musharaxnimada maanta waxay astaan u tahay geeddi-socodka isbeddelka, hufnaanta iyo hoggaanka cusub ee uu Xisbiga Nabadraac ku taagan yahay.
Eng. Isse waa shaqsi aqoon, karti, iyo daacadnimo lagu yaqaan, waxaana Xisbiga Nabadraac ku kalsoon yahay inuu bulshada Waaberi ku hoggaamin doono wadadii horumarka, cadaaladda iyo nabadda waarta.
Xisbiga Nabadraac wuxuu ugu baaqayaa shacabka degmada Waaberi inay garab istaagaan musharrixiintooda daacad ah ee u taagan adeeg dhab ah iyo isbeddel muuqda.
13/11/2025
Magacaabis Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac
Taariikh: 13 November 2025
⸻
Xisbiga Nabadraac oo ah urur siyaasadeed ku dhisan mabda’a Nabad iyo Horumar Waara, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Eng-Isse Hassan Abukar inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac.
Magacaabistan ayaa timid kadib kulamo iyo wadatashi qaran oo dhexmaray xubnaha sare ee xisbiga, kuwaas oo si mideysan u doortay Eng. Isse, maadaama uu yahay hoggaamiye dhalinyaro ah, aqoon sare leh, hal-abuur badan, kana go’an inuu dalka u horseedo isbeddel dhab ah oo nabad iyo horumar lagu gaari karo.
Eng. Isse waxaa lagu yaqaannaa daacadnimo, hufnaan, iyo dadaal joogto ah oo uu u galo horumarinta bulshada. Hoggaamintiisa waxaa lagu rajo weyn yahay inay horseedi doonto siyaasadda cusub ee xisbiga — mid ku dhisan nabad, cadaalad, iyo midnimo qaran.
Guddoomiyaha cusub wuxuu ballan qaaday inuu xoojin doono mabaadi’da xisbiga ee ah:
• Nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah
• Horumar dhaqaale iyo shaqo abuur dhalinyaro
• Dowlad daahfuran oo isla xisaabtan leh
• Midnimo iyo wadajir bulsho
Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan cusub oo daacad ah, hoggaan u adeega dadka, ee aan adeegsan dadka.
— Eng. Isse Hassan, Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac 🕊️
⸻
🌿 Xisbiga Nabadraac – Nabad iyo Horumar Waara.
| |