Maareeyaha Hay'adda Dhowrista Xogta Dadwaynaha Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo soconaya muddo afar maalmood ah, kaas oo lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadaha howlwadeenada hay’adda.
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha
Somalia Data Protection Authority - DPA
05/04/2026
Maareeyaha Hay'adda Dhowrista Xogta Dadwaynaha Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo soconaya muddo afar maalmood ah, kaas oo lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadaha howlwadeenada hay’adda.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaraya hirgelinta habraacyada ku xusan buugga 'Consolidated Operations Manual' ee DPA, gaar ahaan arrimaha la xiriira diiwaangelinta, maaraynta cabashooyinka, baarista, iyo ilaalinta xuquuqda dadka xogtooda la hayo.
Maareeyaha DPA oo qudbad ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale aqoon sare leh, si loo xaqiijiyo fulinta Somalia Data Protection Act 2023 iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.
Tababarkaan ayaa qayb ka ah dadaalada ay Hay'addu kor ugu qaadayso tayada shaqada DPA iyo kalsoonida dadweynaha ee nidaamka ilaalinta xogta dalka.
=Dhammad=
Wixii faahfaahin ah la xiriir;
Hassan Abdi Mohamud,
Xafiiska Isgaarsiinta & Xiriirka dadweynaha
E-mail: [email protected]
Website : www.dpa.gov.so
19/03/2026
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha waxay hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah, meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Waxaan Alle ka baryaynaa in uu naga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii, iyo dhammaan acmaashii wanaagsanaa ee aynu ku gudannay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
17/02/2026
𝐑𝐀𝐌𝐀𝐃𝐀𝐀𝐍 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐀𝐑𝐀𝐊
Hay’adda Dhowrista Xogta waxa ay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ugu hambalyaynaysaa bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu khayrkeeda ina waafajiyo, bishan bisheedana innagu gaarsiiyo nabad, xasilooni, barwaaqo.
Ramadaan Kariim.
16/02/2026
𝐌𝐚𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐰𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐨𝐠𝐭𝐚.
𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎. 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 - 𝟏𝟔 𝐅𝐄𝐁𝐑𝐀𝐀𝐘𝐎 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray kulan labo maalmood socday oo loogu talagalay ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Xogta.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda hay’adaha dowladda, ilaalinta xogta, iyo dhismaha siyaasad qaran oo hagta maareynta iyo wadaagista xogta si sharciyeysan oo ammaan ah.
Mareeyaha Guud ayaa mahadcelin u jeediyay dhammaan ka qaybgalayaasha, isaga oo xusay in ka qaybqaadashadoodu ay muhiim u ahayd dib u eegista iyo ansixinta siyaasadda, si loo hubiyo in ay la jaanqaadi karto baahiyaha dalka iyo heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xogta.
Dhamaad.
15/02/2026
𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐰𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐨𝐠𝐭𝐚
𝐌𝐔𝐐𝐃𝐈𝐒𝐇𝐎. 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 - 𝟏𝟓 𝐅𝐄𝐁𝐑𝐀𝐀𝐘𝐎 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulan labo maalmood soconaya oo loogu talagalay ansixinta Siyaasadda Qaranka ee Xogta (National Data Policy Validation).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray isku-duwidda hay’adaha dowladda, hubinta ilaalinta xogta, iyo dhismaha siyaasad qaran oo hagta maareynta iyo wadaagista xogta si sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Mareeyaha Guud ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay muhiim u tahay horumarinta maamulka xogta dalka, kor u qaadista hufnaanta hay’adaha, iyo xaqiijinta in xogta dadweynaha lagu maareeyo si mas’uuliyad leh.
Ugu dambayn Maareeyaha ayaa tilmaamay in kulanka uu fursad u yahay hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale ee la xiriira in ay ka qayb qaataan dib u eegista iyo ansixinta siyaasadda, si loo hubiyo in ay la jaanqaadi karto baahiyaha dalka iyo heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xogta.
Dhamaad.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadwaymaha Mohamed Nur Olow oo ka hadlay furitaanka Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dhiiitaalka (DPI), ayaa sharraxay dhowrista xogta dhiijitaalka ee waqtigan iyo sida ay u tahay ahmiyadda koowaad.
07/02/2026
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ayaa galabta Muqdisho ku soo gabagabeysay koobka National Privacy Cup oo qayb ka ahaa munaasabada todobaadka Asturnaanta Xogta dadwaynaha.
Maareeyaha Guud Hay'adda Dhowrista Xogta Dadwaynaha Mohamed Nur Olow, ayaa Goobjoog ka ahaa soo xirirta Cup-ka todobaadka Asturnaanta Xogta.
05/02/2026
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ayaa maalinta Sabtida ah soo gabagabayn doonta koobka National Privacy Cup.
Cup-kaan ayaa qayb ahaa Todobaadka qaran ee Asturnaanta Xogta.
29/01/2026
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA), Waxa ay ka mid tahay Hay’adaha ka qayb-qaadanaya Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dhijitaalka (DPI), kaas oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Soomaaliya.
Shirkan waxaa wada agaasimaya Wasaaradda Isgaarsiinta & Tiknoolajiyadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo DPA ay door muhiim ah ka qaadanayso ilaalinta xogta, amniga dijitaalka, iyo dhismaha kaabayaal lagu kalsoonaan karo.
.
28/01/2026
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA), Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha Qaran ee Todobaadka Asturnaanta Xogta, oo lagu qabtay Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Mudane Maxamed Nuur Olow ayaa munaasabadda uga dhawaaqay in maanta si rasmi ah loo bilaabay is-diiwaangelinta (Registration) hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya xogta dadweynaha, taas oo qayb ka ah hirgelinta sharciga dhowrista xogta iyo xoojinta ilaalinta asturnaanta xogta dadwaynaha.
Maareeyaha Guud ayaa u mahadceliyay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo martigelisay madasha, iyo dhammaan masuuliyiintii, khubaradii iyo ka qaybgalayaashii ka soo qeyb galay, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay guusha Todobaadka Qaran ee Asturnaanta Xogta.
28/01/2026
Prof. Maxamed Maxamuud Maxamed, Ragtarka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, ayaa qudbad ka jeediyay Madasha Qaran ee Todobaadka Asturnaanta Xogta, isagoo bogaadiyay dadaalka Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA) ee ku aaddan ilaalinta iyo maamulka xogta.
Ragtarku wuxuu si gaar ah ugu dhiirrigeliyay shirkadaha iyo hay’adaha gacanta ku haya xogta in ay is-diiwaangeliyaan, isagoo tilmaamay in talaabadan ay muhiim u tahay xoojinta asturnaanta xogta iyo kor u qaadida kalsoonida muwaadiniinta.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Mogadishu
