Xisbiga Bulshada

Xisbiga Bulshada

Share

URUR SIYAASADEEDKA BULSHADA DIMOQURAADIGA SOOMAALIYEED

05/07/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون
𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈 𝐓𝐈𝐈𝐑𝐀𝐀𝐍𝐘𝐎 𝐋𝐄𝐇
Hoggaamiya Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed Xildhibaan Osman Bube Yusuf Roble waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska Reer Imaam, Ehelka, Qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Imaam Maxamad Yuusuf Cali Imaam oo ku xijaabtay dalka India. Imaamka wuxuu mudo dheer ahaa sii-hayaha Imaamka Mudulood, wuxuuna ka shaqeeyay nabadda iyo isku xirka bulshada.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, annagana samir iyo iimaan naga siiyo. AAMIIN

01/07/2026

Waxaan Bulshada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabada 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka Soo wareegatay maalintii ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya, laguna aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 30/05/2026

Baydhabo
Taariikhda 28/05/2026
Hajri 11/12/1447
World Muslim Congress ayaa Mashruuca Udxiyada Usoo marsiisay Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed. Xisbiga oo kaashanaya Hay'ada Somali Aid Relief And Community Organization ayaa magaalada Baydhabo ka Fuliyey Mashruuca Udxiyada Mashruuca ayaa Socon doono inta lagu gudijiro maalamaha ciida.

Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed waxa uu marwaliba u taagan yahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 29/05/2026

Baydhabo
Taariikhda 27/05/2026
Hajri 10/12/1447
Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed, World Muslim Congress iyo Hay'ada Somali Aid Relief And Community Organization oo iskaashanaya ayaa magaalada Baydhabo ka Fuliyey Mashruuca Udxiyada Mashruuca ayaa Socon doono inta lagu gudijiro maalamaha ciida.

Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed waxa uu marwaliba u taagan yahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 24/03/2026

Boqortooyada Dalka Sacudi Arabic
Taariikh 23/03/2026.
Hijri 04/10/1447.

Hogaamiyaha Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed Xildhibaan Osman Bube Yusuf Roble Ayaa Xalay Soo dhaweyn Heer Sare leh u sameeyey Xildhibaan Ibrahim Xasan Buule, Dr Abdukadir ibrahiim iyo Avv Omar Husein Ibrow Aliyow oo ku kulmay Magalada Jeddah Boqortoyada Dalka Sacudi Arabiya.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 23/03/2026

Sacudi Arabi 23/03/206
Hijri 04/10/1447.

Hogaamiyaha Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed Xildhibaan Osman Bube Yusuf Roble ayaa Caawa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga Ku Soo dhaweeyey Wasiir ku Xigeenka Degadaha iyo Gaadiidka Badda Sanetor Fartuun Abdukadir Farax Karaama ahna Xildhibaanad ka tirsan Aqlaka Sare, Ugaaska Guud ee Sagaalka Eylo Ugaas Idris Ugaas Abdi Abdulle, Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Waaberi Dr Ali Abdukadir Farax Karaama Iyo Avv Omar Husein Ibrow Aliyow u Qeebsanaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Safarada Jamhuriyada Federalka Soomaaliyeed ee Boqortooyada Sacudi Arabiya oo ku kulmay Magaalada Jiddah.

21/03/2026
21/03/2026

Muqdisho: 19/03/2026

Xog-hayaha guud ee Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaliyeed oo ku gudaneysa waa jibaadkeeda shaqo Dr Maryan Yusuf Aweis ahna ku simada Hogaamiyaha Xisbiga ayaa u magacaaday Ugaas Abukar Osman Salad Baytnuur Gufoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo Shuurada ee Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaliyeed.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 20/03/2026

Eid Mubaarak All Muslims.

Baydhabo
Taariikhda 20/03/2026
Hajri 01/10/1447
Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed Ayaa dadka ku Nool Magaalada Baydhabo la qeysadeen munaasabada Eid Fitriga ayaa gaarsiiyey Fitro ay uugu talagaleen dadka masaakiinta aan awoodin in ay iska bixiyaan fitrada.

Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed waxa uu marwaliba u taagan yahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Photos from Xisbiga Bulshada's post 19/03/2026

،السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Hogaamiyaha Xisbiga Bulshada Dimoquraadiga Soomaaliyeed Xildhibaan Osman Bube Yusuf Roble, Xog-hayaha guud Ee Xisbiga Dr Maryan Yusuf Aweys Iyo Gudoomiye Ku- Xigeenka 2aad Dr Omar Nur Abdi Waxa ay Ummadda Muslimiinta Ugu hambalyeynayaan munaasabada Eidul Fitriga.

waxa aan Alle ka baryaynaa in uu naga aqbalo Soonka aan Soo soonay 30-ka Maalin Ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle Ka baryaynaa In soonkan Soonkiisa Nabad iyo caafimaad inagu gaarsiiyo.

Waxaan Alle Ka baryaynaa in uu ka dulqaado dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colaada daashatay.

Ummadda Soomaaliyeed waxa aan leenahay waxaa muslaxad inuugu jirta nabad iyo Amni marnaba yaanan la qabanin in la idinku daneysto.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Waberi
Mogadishu
2526