Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka qeyb-galay salaadda Janaasada ee Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise, oo shalay lagu dilay weerar ay dowladda Federaalku ku qaadday hoggaanka Madasha Samatabixinta oo booqasho ku tagay saldhigga degmada Wardhiigley oo lagu hayay dad rayid ah oo si arxan-darro ah loo jirdilay, lagana barakiciyay dhulkii ay degganaayeen.
Hoggaamiyaha ayaa marxuumka qoyskiisa, saaxiibadiis iyo Ra’iisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Khayre uga tacsiyeeyay geerida AUN Liibaan, wuxuuna Eebbe u weydiiyay inuu jannadiisa ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Xafiiska Warfaafinta Xisbiga wadajir.
Wadajir Party
Xisbiga Wadajir ASAL & ILAYS But it seems the country’s leadership has failed in its constitutional mandate, particularly:
1. Federalism and Reconciliation.
3.
After the end of the Transitional government’s tenure and the inception of a permanent Federal government in Somalia in 2012, there seemed an opportunity accompanied with huge expectations. The new government was expected to lead Somali citizens into the re-establishment of the state and its di erent institutions so as to have stability and lasting peace, which every citizen bene ts from. Security
22/09/2025
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaanka Madasha Samatabixinta iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa ka qayb-galay Shirweynaha Wadatashiga Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay kasoo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan sidii loo joojin lahaa sii socoshada gaboodfalka joogtada noqday ee uu ku kacayo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxaa looga dooday qorsheyaasha lagu maareynayo marxaladda kala guurka, halka si adag looga soo horjeestay iibinta dhulalka danta guud, kuwa shacabka iyo barakicinta qoysaska saboolka ah.
Xaafiiska Warfaafinta Xisbiga Wadajir.
28/08/2025
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa kulan dhagaysi iyo u kuur-gal ah la yeeshay guddiyada matalaya shacabka laga barakiciyay dhulalkii ay ka deganaayeen Magaalada Muqdisho.
Xubnaha matalayay shacabka danta-yar ee la barakiciyay ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyinka ay wajaheen iyo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin, halka hoggaanka Madasha Samatabixintu ay u ballan-qaadeen garab istaag iyo taageero buuxda, una muujiyeen damqasho masuuliyadeed.
Xafiiska Warfaafinta Xisbiga Wadajir.
24/06/2025
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Kulanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Indiana ee Maraykanka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Next To Jazeera Hotel, Airport Road
Mogadishu
25261
