Dulmidiid Qaran

Dulmidiid Qaran

Share

Waa Dhaqdhaqaaq u taagan baadi goobka cadaalad iyo sinaan.

31/08/2025

Guddomiyaha guud ee Xisbiga Dulmidiid Qaran Ambassador Jamal Ahmed Ibrahim ayaa soo saaray caaway War-Saxaafadeed.

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda albaabada ayay xiratay iyadoo isku diyaarinaysa b**b doorasho, xilli dalka uu wajahayo xaalad adag oo u baahan in si dhab ah loo sameeyo wadatashi qaran loona midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta midnimada ummadda.

Waxaan soo dhoweynayaa codadka ka imaanaya ummadda Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadeed ee ku baaqaya in talo qaran lagu hago jihada dalka.

Dowladda Federaalka waxa ay waddaa qorshe horseedi kara dagaal sokeeye, maadaama ay b**b iyo afduub ku soo gabagabaynayso muddada xilkeeda.

DHAMAAD

28/08/2025

Jamal Ahmed Ibrahim Guddomiyaha guud ee Dulmi-Diid Qaran oo baaq adag ka soo saaray Xariga Nabadoonka Xamar iyo Xamar daye Xuseen Xaadoole .

Photos from Dulmidiid Qaran 's post 28/08/2025

Warsaxaafadeed
Canbaareyn Xariga Nabadoon Xuseen Xaadoole

Xisbiga Dulmi-Diid Qaran wuxuu si adag u canbaaraynayaa xariga xaqdarada ah ee loo geystay Nabadoon Xuseen Xaadoole, kaas oo ciidamada dowladda si sharci-darro ah uga kaxeeyeen gurigiisa.

Xarigan wuxuu muujinayaa caburin iyo ku xad-gudub xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna dhaawac ku yahay kaalinta nabadoonnada oo door muhiim ah ku leh nabadeynta, wadajirka iyo xalinta khilaafaadka bulshada.

Xisbiga Dulmi-Diid Qaran wuxuu ku baaqayaa:
1. In si degdeg ah loo sii daayo Nabadoon Xuseen Xaadoole.
2. In dowladda ay joojiso falalka sharci-darrada ah ee lagu bartilmaameedsanayo bulshada rayidka iyo nabadoonnada.
3. In si dhab ah loo dhowro xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta iyo sharciga dalka.

Xisbiga Dulmi-Diid Qaran wuxuu xasuusinayaa in dowladnimo dhisan lagu ilaaliyo cadaalad, ilaalinta xuquuqda muwaadinka iyo dhowrista sharafta bulshada Soomaaliyeed. Xariga Nabadoon Xuseen Xaadoole wuxuu dhaawac ku yahay mabda’aas iyo kalsoonida shacabka.

Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Dulmi-Diid Qaran
Ambassador Jamal Ahmed Ibrahim

Photos from Dulmidiid Qaran 's post 25/05/2025

War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Hoggaanka Xisbiga Dulmi-Diid Qaran.

Xisbiga Dulmi-Diid Qaran wuxuu si weyn uga walaacsan yahay xaaladda cakiran ee dalka ka jirta, gaar ahaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee muujinaya in dalka uu galay afgambi siyaasadeed.

Jamal Ahmed Ibrahim
Guddomiyaha Dulmidiid Qaran .

25/01/2025

Xisbiga Dulmidiid Qaran waxa uu iska fogeynayaa ragga caadaystay in ay i jaafeeyaan madaxda dalka, kuwaas oo doonaya in ay ku dhuuntaan magaca Xisbiga iyagoo aan xubin ka ahayn haatan.

Dulmidiid Qaran waxa uu u taagan yahay in uu u hadlo dadka dulman, mana aha in lagu isticmaalo magaca Xisbiga si loogu dulmo dad kale ama si loogu adeegsado dan gaar ah oo aysan Xisbiga la wadaagin.

Madaxda iyo xubnaha Xisbiga waxay raalli-gelin buuxda siinayaan cid kasta oo lagu aflagaadeeyay magaca Xisbiga.

Dhamaad
Xisbiga Dulmidiid Qaran

28/12/2024

War-murtiyeed ka soo baxay xisbiga

17/12/2024

Eebbaa ha u naxariisto Caalamka weynaa ee Sheilkh Muuse Cade ..

Xisbiga Dulmidiid Qaran wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa umadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid caalimkeenii Sheekh Muuse oo galabta ku geeriyooday Dalka Holland.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii uu ka baxay Sheekh Muuse iyo ardaydiisiiba.

Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyo Sheekh Muuse Cadde, janadii fardowsana haka waraabiyo.

11/12/2024

War Murtiyeed ka Soo Baxay Xisbiga Dulmidiid Qaran

10/12/2024

Bismillah

Xisbiga Dulmidiid Qaran wuxuu soo saaray qoraal rasmi ah oo ah hambalyo iyo dardaaran ku socota Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir

30/11/2024

Dulmidiid Qaran oo ka hadlay Musuqa Iyo b**bka caasimada ka socda.

27/11/2024

BAAQ HAMBALYO AH

Doorashadii ka dhacday Jubaland ee Kismaayo waxay ku timid kadib markii ay Dowladda Federaalka laashay dastuurkii ku meelgaarka ahaa ee ay Soomaalidu heshiiska ku ahayd,iyada oo iska indho tirtay baaqyadii ka imaanayay maamul goboleedyada, ururrada siyaasadda, iyo madaxdii h**e ee dalka. Sidoo kale, waxaa lagu guuldareystay hirgelinta Maxkamadda Sare ee Dastuurka dalka oo muhiim u ahaan lahayd kala saaridda arrimaha sharciga.

Kadib markii uu Xisbiga Dulmidiid Qaran arkay arrimahaas kor ku xusan, wuxuu soo dhaweynayaa doorashadii kadhacday Jubaland ee Kismaayo, taas oo lagu doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xisbiga Dulmidiid Qaran waxa uu sidoo kale hambalyo u diraynaa shacabka iyo Baarlamaanka Jubaland oo door muhiim ah kaqaatay hirgelinta hannaanka doorashada jubaland.

Xisbiga Dulmidiid Qaran wuxa uu walaac ka muujinayaa adeegsiga ciidamada Qaranka ee lagu daad gureynayo diyaaradaha oo loo isticmaalayo sifo sharci-darro ah, taasoo keeni karta in dhul nabad ah laga abuuro colaad sokeeye.

Xisbiga Dulmidiid Qaran wuxuu hoosta kaxariiqayaa in wixii dhibaato ah ee ka dhasha ficilladan gurucan ay mas'uuliyaddeeda dusha saaran doonto ciddii qaadatay go'aanka colaadda looga abuuraya dhul nabad ah oo ay dad Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Dulmidid Qaran
NOVEMBER 27, 2024
MOQDISHU, SOOMAALIYA
-DHAMAAD——

Photos from Dulmidiid Qaran 's post 12/11/2024

Laga bilaabo maanta waxaa shaqada
Guddomiye ku xigeenka Xisbiga Dulmi-Diid
Qaran loo magacaabay Mr Siidali Mohamed
Omar oo ka mid ahaa Madaxda Xisbiga .

Gudiga dhexe ayaa cod aqlabiyad
ah ugu codeeyay Mr Ali in loo magacaabo
Gudoomiye xigeenka Xisbiga .

Ugu danbeynti Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga
Dr Jamal Ahmed Ibrahim ayaa ansixiyay Magacaabista Gudoomiye Xigeenka Xisbiga
Dulmi-Diid Qaran .

Guddomiyaha Xisbiga Dulmidiid Qaran
Dr Jamal Ahmed Ibrahim

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Waabare 12
Mogadishu