26/05/2026
Ciid Wanaagsan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay, kana yeelo kuwo khayr iyo ajarba leh. Sidoo kale, waxaan Eebbe ka rajaynaynaa inuu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado abaaraha, dhibaatada iyo duruufaha adag, kuna mannaysto nabad, barwaaqo iyo hormar waara.
Ciiddan barakaysan waxaan u rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed midnimo, walaaltinimo iyo farxad ku dheehan caafimaad iyo kheyr badan.
Ciid Mubaarak.
Hon Mohamoud Adan Geesood
06/05/2026
Aad ayaan uga xumahay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday deegaanka Laashimo.
Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan xal degdeg ah oo ku dhisan wada hadal, is-afgarad, iyo isu-tanaasul, si loo badbaadiyo nolosha shacabka.
Nabadi waa nolol, colaadduna waa burbur bulsho .
Hon Mohamoud Adan Geesood
12/04/2026
Hambalyo sannad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanku waa laf-dhabarta difaaca iyo jiritaanka qarankeena, iyagoo mar walba u taagan ilaalinta amniga, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
31/03/2026
NIMAAN QUUSAN ISAGAA QUUS AH!!”
Mohamoud Gesood
19/03/2026
Ciid Mubaarak
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan umadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Alle ha inaga aqbalo soonka iyo cibaadada. Rabbiyow, dalkeenna ka dhig mid nabad iyo barwaaqo ah, abaartana naga qaad, nooguna beddel raxmad iyo ladnaan.
Ciid Wanaagsan, Kullu Caam Wa Antum Bilkhayr
03/01/2026
Dadka reer Sool iyo Sanaag waxay naf, maal iyo waqti ku bixiyeen ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyaga oo si sharci ah u yagleelay dowlad-goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrinta isa soo taraysa ee ah in Dowladda Federaalku ku gorgortamayso dhammaystirka aqoonsiga Waqooyi Bari waa dhiilo cusub, taas oo haddii aan laga waantoobin aan cawaaqibkeeda la mahdin doonin.
Haddii todobaadyada soo socda mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ay ku guul-darraysstaan inay gaaraan go’aan k**a dambeys ah, shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaankan — oo hadda udub-dhexaad u ah loollanka gobolka ka billowday — waxay si dhab ah uga tashan doonaan aayahooda mustaqbal.
11/12/2025
Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda caalamiga ah ee OYAK ee dalka Turkiga, oo ka mid ah hay’adaha hormuudka ka ah maalgashiga iyo kaabayaasha hal-abuurka leh. Kulanka waxa uu ku qotomay xoojinta iskaashiga iyo sahminta fursadaha maalgashi ee ku saabsan khayraadka bada, warshadaynta kalluumaysiga, iyo adeegyada ganacsi ee Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysan kara horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin waara.