Hon Mohamoud Adan Geesood

Contact the organization

Hon Mohamoud Adan Geesood Federal MP. House of the People. Former Minister of Commerce and industry of the FGS
(1)

Minister of Commerce and Industry of the Federal Republic of Somalia and Member of the House of the People. I have previously held the position of Minister of Ports and Maritime Transport, playing a significant role in developing the country’s critical infrastructure. I am fully committed to building and strengthening Somalia’s statehood, ensuring that a strong government delivers comprehensive and effective public services to the Somali people, fostering sustainable development and lasting stability.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hoggaamiyeyaasha cusub ee Maamulka Dowladda Galmudug, gaar ahaan Madaxweynaha cus...
22/10/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hoggaamiyeyaasha cusub ee Maamulka Dowladda Galmudug, gaar ahaan Madaxweynaha cusub Liibaan Axmed Xasan iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna garab galo gudashada waajibaadkooda.

Mohamoud Gesood

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar. 🇸🇴Calankeennu ...
12/10/2026

Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar. 🇸🇴

Calankeennu waa astaan midnimo, gobannimo iyo qarannimo. Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed

Mohamoud Gesood

TacsiWaxaan ka  tacsiyaynayaa geerida ku timid Caaqil Warsame Aadan Geesood, oo maanta xaqii u yimid.Caaqil Warsame wuxu...
26/09/2026

Tacsi

Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida ku timid Caaqil Warsame Aadan Geesood, oo maanta xaqii u yimid.

Caaqil Warsame wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo ku suntanaa nabadda, xallinta khilaafaadka iyo isu-soo-dhawaynta bulshada, kanaalin muuqda ka qaatay arrimaha nabadda iyo wanaagga deegaanka.

Alle ha u naxariisto marxuumka, qabrigiisana ha u waasiciyo, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka dhigo. Ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada uu ka baxay, Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan saadiq ah.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.Alle ha u naxariisto Marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl, oo ahaa aabbaha Madaxw...
22/08/2026

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Alle ha u naxariisto Marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl, oo ahaa aabbaha Madaxweyne-ku-xigeenka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweyne-ku-xigeenka, qoyskiisa, ehelka iyo dhammaan qaraabadii uu Marxuumku ka baxay. Alle ha u naxariisto Marxuumka, qabrigiisana ha u waasiciyo, nuur iyo naxariisna ha ku mannaysto, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo.

Dhammaantiinna Alle ha idinka siiyo samir iyo iimaan

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya munaasabadda Sanad-guurada 1-aad ee aas...
30/07/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya munaasabadda Sanad-guurada 1-aad ee aasaaska maamulka.

Munaasabaddan waxay astaan u tahay midnimo, wadajir iyo dadaalka shacabka ee ku aaddan nabadda, horumarka iyo dhismaha hay’adaha dowladnimo. Waa maalin lagu xasuusto himilada shacabka iyo doorka ay ka qaateen adkaynta amniga, xasilloonida iyo horumarka deegaanka.

Waxaan u rajaynaynaa shacabka iyo madaxda Waqooyi Bari Soomaaliya mustaqbal ay ku naaloodaan nabad waarta, barwaaqo iyo horumar joogto ah.

Mohamoud Gesood

Waxaan halkan uga hambalyeynayaa Colonel Cawaale oo Madaxweynaha JFS, Hassan Sheikh Mohamud uu u dalacsiiyey darajada G/...
22/06/2026

Waxaan halkan uga hambalyeynayaa Colonel Cawaale oo Madaxweynaha JFS, Hassan Sheikh Mohamud uu u dalacsiiyey darajada G/Dhexe.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Qaranka, Hamza Abdi Barre, iyo Taliyaha CXDS, General ibrahim mohamed Mohamoud , oo ka shaqeeyey arrintan.

Colonel Cawaale waa sarkaal waqti iyo dadaal badan geliyey midnimada iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan kuu rajeynayaa guulo badan. Horey u soco, annagana garabkaaga ayaan nahay mar walba.

Ciid Wanaagsan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naga aqb...
26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadii iyo acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay, kana yeelo kuwo khayr iyo ajarba leh. Sidoo kale, waxaan Eebbe ka rajaynaynaa inuu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado abaaraha, dhibaatada iyo duruufaha adag, kuna mannaysto nabad, barwaaqo iyo hormar waara.

Ciiddan barakaysan waxaan u rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed midnimo, walaaltinimo iyo farxad ku dheehan caafimaad iyo kheyr badan.

Ciid Mubaarak.

Hon Mohamoud Adan Geesood

Aad ayaan uga xumahay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday deegaanka Laashimo.Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo dhammaan...
06/05/2026

Aad ayaan uga xumahay dagaalka maanta ka soo cusboonaaday deegaanka Laashimo.

Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka iyo dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan xal degdeg ah oo ku dhisan wada hadal, is-afgarad, iyo isu-tanaasul, si loo badbaadiyo nolosha shacabka.

Nabadi waa nolol, colaadduna waa burbur bulsho .

Hon Mohamoud Adan Geesood

Hambalyo sannad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanku waa laf-dhabarta difaaca iyo jiritaanka q...
12/04/2026

Hambalyo sannad-guurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidanku waa laf-dhabarta difaaca iyo jiritaanka qarankeena, iyagoo mar walba u taagan ilaalinta amniga, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

NIMAAN QUUSAN ISAGAA QUUS AH!!”Mohamoud Gesood
31/03/2026

NIMAAN QUUSAN ISAGAA QUUS AH!!”

Mohamoud Gesood

Address

Mogadishu
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Mohamoud Adan Geesood posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Mohamoud Adan Geesood:

Shortcuts

Share