17/11/2025
WARSAXAAFADEED:
KA FALCELINTA MARIN HABAABINTA GUDDIGA LAGU MURANSAN YAHAY
FAAFIN DEGDEG AH
17 November 2025
Muqdisho, Soomaaliya
SAMADOON, DHULKA HOOYO & XAQSOOR waxay si adag uga xunyihiin marin habaabinta iyo been abuurka gurracan ee uu sameeyay guddiga lagu muransan yahay ee “doorashooyinka” kaas oo dhawaan faafiyey muuqaal uu ku sheegayo in xisbiyadeenu ay guddiga u gudbiyeen saddex shirkadood oo sameeya baaris ama fatashaad farsamo oo madax bannaan oo ku saabsan nidaamka diiwaangalinta codbixiyayaasha, iyo inaan ku qanacnay natiijada fatashaad farsamo ee la sheegay iney sameysay shirkad magaceeda lagu sheegay CERTI TRUST.
17/11/2025
https://www.youtube.com/watch?v=foNch7bMXPU
Sababta Xisbiga Suufiyadu Uga Baxay Doorashada Gobolka Banaadir | Khaliif C/qaadir Macallin Nuur
Wareysigaan wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa arrimo culus oo hadda udub-dhexaad u ah siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir. Qodobada ugu waaw...
09/11/2025
Soo dhoweyn sharaf leh 🇸🇴
Amb. Abdulkadir Moallim Noor, oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Samadoon ahna Musharrax Madaxweyne, ayaa Xaruntiisa Siigaale ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Sinnaan & Cadaalad (SINCAD), Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye), iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Maamul Goboleedka Puntland.
Eng. Jabiye waa siyaasi ku caan baxay adeegga bulshada iyo mashaariic horumarineed oo wax weyn ku kordhiyay nolosha shacabka Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa hoggaan ku dhisan daacadnimo, adeeg dadweyne iyo danta guud.
Amb. Dr. Khalif Abdulkadir Moallim Noor ayaa u mahadceliyay isimada dhaqanka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada reer Muqdisho ee doorka muuqda ka qaatay soo dhoweynta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo midnimada Soomaaliyeed ay suurtagal tahay marka isimada, nabadoonada, beldaajayaasha, suldaannada, ugaasyada iyo garaadadu ay hormuud ka noqdaan isku keenka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed.
20/10/2025
🇸🇴 WARSAXAAFADEED: Jawaab Celin Qoraalka “Guddiga Doorashooyinka”
Muqdisho, 20 October 2025
Annagoo ah xisbiyada Samadoon, Dhulka Hooyo, iyo Xaqsoor, waxaan si rasmi ah uga jawaabaynaa qoraalka uu baraha bulshada ku faafiyey “Guddiga Doorashooyinka” ee lagu muransan yahay, kaas oo uu ku sheegay inuu u yeerayo hoggaanka saddexdeenna xisbi si aan u caddeynno eedeymo aan h**e u soo bandhignay.
✅ Waxaan caddeyneynaa in marnaba uusan jirin wadahadal rasmi ah oo dhex maray xisbiyadeenna iyo “Guddiga lagu muransanyahay .” Wadahadaladii dhacay waxay ahaayeen kuwo siyaasadeed oo aan la yeelanay xukuumadda iyo guddigii wasiirrada JSP.
📢 Qoraalka uu soo saaray “Guddiga lagu muransanyahay ” wuxuu si cad u muujinayaa in guddigan uu yahay laan ka tirsan xisbul-xaakimka JSP, maadaama uu afkiisa ku hadlay isagoo aanay xukuumaddu ama xisbiga JSP ka hadlin mowqifkeenna.
⚖️ Mid kamid ah 13-ka qodob ee aan u gudbinnay xukuumadda wuxuu ahaa in la saxo qaabka “Guddiga Doorashooyinka” — maadaama aanu u aragno inuusan ahayn mid dhexdhexaad ah oo qaban kara doorasho xor iyo xalaal ah.
🗳️ Xisbiyada Samadoon, Dhulka Hooyo iyo Xaqsoor waxay u taagan yihiin doorasho xor ah, xalaal ah, oo aan ku jirin gacanta hal xisbi, balse ay wada leeyihiin dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.
15/10/2025
Anagoo ah xisbiyada Samadoon, Dhulka Hooyo iyo Xaqsoor, waxaan go’aansannay inaan gabi ahaanba joojino wadahadalladii aan la lahayn dowladda Soomaaliya, kadib markii ay diiday in qiimeyn madax-bannaan lagu sameeyo nidaamka diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaan aaminsannahay in tallaabadaas ay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada soo socota.
02/10/2025
Guddoomiyaha Guddiga Xisbiga Samadoon ee Xaruntiisa Degmada Guriceel, Shiiqow Jama Tarabi, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tagay mid ka mid ah xarumaha diiwaangalinta ee ay ku diiwaangalinayeen taageerayaasha xisbiga.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Guddoomiyuhu wuxuu ku booggaadiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha sida hagar la’aanta ah ugu howlan arrimaha is diiwaangalinta, isagoo carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan shacabka xaqooda codbixineed ka faa’iideystaan.
Sidoo kale, Guddoomiye Shiiqow Jama Tarabi ayaa uga mahadceliyey taageerayaasha sida ay ugu soo baxeen diiwaangalinta, isagoo ku dhiirri-geliyey in ay sii xoojiyaan ka qeybqaadashadooda howlaha xisbiga iyo doorashooyinka soo socda.
02/10/2025
Cabdi Ontorow Oo ka mid ah Madaxda xisbiga samadoon ayaa booqday qaar kamid ah xarumaha ay ka socoto qaadashada kaarka isdiwaangalinta codbixiyaasha isaga oo bulshada ku dhiiragaliyay inay kaarka isdiwaangalinta qaataan si ay codkooda ugu ciilbaxaan isla markaasna u doortaan Hugaaanka ay rabaan.