28/03/2026
WARSAXAAFADEED
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Muqdisho, Soomaaliya โ Taariikh: Maarso 28, 2026
Xisbiga Xaqsoor wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Wakiillada ee maanta lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dibu doorashada Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoomiye Dr. Cali Siciid Faqi waxay ka dhigan tahay inuu soo afjarmay muddo dhaafkii daba-dheeraaday ee heyโadaha dastuuriga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo uu sababteeda lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Xisbiga Xaqsoor wuxuu ku dhiirigalinayaa Madaxweyne Laftagareen inuu si xilkasnimo iyo waayeelnimo leh u abbaaro xallinta tabashooyinka siyaassdeed ee ka jira maamulka Koonfur Galbeed, si waafaqsan dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana horseedi karta maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale, Xisbiga Xaqsoor wuxuu ugu baaqayaa dhammaan saamileyda siyaasadda ee Koonfur Galbeed iney ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka Dowlad Goboleedka, tabashooyinka jirana ku waajahaan wadahadal, isqancin iyo u turidda shacabka tabaaleysan ee ay abaaruhu ragaadiyeen.
Dhanka kale, Xisbiga Xaqsoor wuxuu ugu baaqayaa dowlad goboleedyada kale ee muddo dhaafka ah, iney iyaguna sida ugu dhakhsaha badan u qabsadaan doorashooyinkooda, si waafaqsan dastuurkooda, ayna ku dheehan tahay hufnaan iyo wada-oggol.
Ugu dambeyn, Xisbiga Xaqsoor wuxuu ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka sokeeye ee ay ka abaabulaayaan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kana shaqeeyaan isku soo dhaweynta bulshada
Koonfur Galbeed.
๐๐๐ช๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐๐๐ข๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ค๐๐ฌ๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐๐๐ซ๐๐ง
23/03/2026
WARSAXAAFADEED
๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ช๐ฌ๐จ๐จ๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฆ๐ฎ๐ซ๐๐ ๐ฌ๐๐ง ๐๐ก๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ฎ ๐ฎ ๐ฆ๐๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐จ ๐ฑ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐๐ฎ๐ซ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐.
Muqdisho, 23 Maarso 2026-----Xisbiga Xaqsoor wuxuu aad uga xun yahay xiisadda siyaasadeed iyo iska horimaadyada hubeysan ee ka alsoosan guud ahaan deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xaruntiisa KMG ah ee Baydhabo. Colaadahan sokeeye waxay halis ku yihiin hannaanka federaalka Soomaaliya iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, xilli uu dalkeennu wajahayo abaaro baโan oo aafeeyey malaayiin qof, faragalin shisheeye oo gurracan iyo saameyn taban oo naga soo gaaraysa dagaalka ka socda Bariga Dhexe.
Masuuliyadda koowaad ee dhiigga ku daata Koonfur Galbeed waxaa qaadaya madaxda Dowladda Federaalka ah, kuwaas oo muddo in ka badan saddex sano ka hortaagnaa madaxda dowlad goboleedyada muddoo xileedkeedu dhammaaday in ay qabsadaan doorashooyinkooda, si waafaqsan dastuurradooda. Taasina waxa ay dhalisay muddo kororsi qasab ah oo lagu banneystay in la qaban doono doorashooyin qof iyo cod ah oo isku mar ka dhaca saddexda dowlad goboleed ee muddo xileedkoodu dhammaaday.
Saddex sano kaddib, iskabadaa in ay doorasho qof iyo cod ah dhacdee, waxa ay Dowladda Federaalka ahi si sharci darro ah u beddelatay dastuurkii federaalka ee heshiiska lagu ahaa ee 2012, waxayna sameysatay muddo kororsi sharci darro ah. Sidoo kale, waxay Gobolka Banadir ka qabatay doorasho aan xeerarkeeda iyo xeer-beegtideeda heshiis lagu ahayn. Xukuumad ay muddo xileedkeeda dastuuriga ah ka harsan tahay dhowr iyo konton maalmood ma haysato sharciyad ay ku amar-ku-taagleyso dowlad goboleedyada dalka.
Xisbiga Xaqsoor wuxuu codkiisa ku biirinayaa baaqyada ka soo yeeraya waxgaradka Soomaaliyeed ee dhiirrigalinaya in tubta wadahadalka iyo isqancinta lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee jira, lagana baaqsado in muwaadiniin Soomaaliyeed la isku laayo. Sidoo kale, wuxuu Xisbiga Xaqsoor cambaareynayaa xannibaadda safarka ee soo noqnoqotay ee loo geysanayo xildhibaannada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaโud.
Xannibaadda, cabburinta iyo handadaadda muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa ka dhalaneysa in dhibbanayaasha lagu xadgudbay ay miciin bidaan dowlado shisheeye oo muddo dheer yoolkoodu ahaa kala irdheynta ummadda Soomaaliyeed. Taasina waxay dhaawac ku tahay heybadda qarannimada Soomaaliyeed iyo midnimada ummadda.
Haddaba, isaga oo ka duulaya dastuurka federaalka ah, dastuurrada dowlad goboleedyada iyo curfiga siyaasiga ah ee soo jireenka ah, Xisbiga Xaqsoor wuxuu si buuxda u garab taagan yahay dowlad goboleedyada muddo xileedkoodu dhammaaday in ay qabsadaan doorashadooda, si waafaqsan dastuurradooda, kuna qotonta mabaadiโida hufnaanta iyo dimoqraadiyadda, si looga baaqsado firaaq dastuuri ah iyo hubanti la'aan siyaasadeed.
Haddaba, Xisbiga Xaqsoor wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah in ay:
1. Ka waantoobaan abaabulka dagaal sokeeye oo ka qarxa Koonfur Galbeed
2. Wax ka bartaan isku daygii dhicisoobay ee Raas Kaamboonni ee 2024
3. Kala shaqeeyaan madaxda dowlad goboleedyada muddo xileedkoodu dhammaaday iney qabsadaan doorashooyinkooda raagay, si waafaqsan dastuurradooda.
4. Ka waantoobaan iney burburiyaan maamulka Koonfur Galbeed, kana garab dhisaan maamul barbar taagan midka sharciga ah (parallel state)
5. Ka waantoobaan xannibaadda sharci darrada ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan xildhibaannada laga xannibayo iney dalka gudihiisa iyo dibaddiisa u safraan, taas ah oo xaq dastuuri ah
6. Ku abbaaraan ismariwaaga siyaasadeed tubta wadahadalka iyo isqancinta
7. Kusoo laabtaan xeyndaabka dastuurkii Soomaali ku heshiisay ee 2012
8. U turaan, isla markaana u gurmadaan danyarta Soomaaliyeed ee ay aafeeyeen abaaraha baโan ee dalka ka jira.
XAQSIINTA MUWAADDINKA & XILKASNIMO QARAN
- DHAMMAAD
19/03/2026
Xisbiga Xaqsoor wuxuu hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul Fitriga ee sannadka 1447 Hijriya. Waxaan Allah SWT ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha soonqaadka barakeysan.
Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado dadka tabaaleysan ee abaaruhu ku habsadeen .
08/03/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Qaar kamid ah masuuliyiinta iyo xubnaha Xisbiga Xaqsoor ayaa ka qaybgalay munaasabad afur ah oo ay madaxda xisbigu u sameeyeen xubnaha xisbiga.
Munaasabadda ayaa la isaga wareystay guud ahaan xaaladda uu dalka marayo iyo kaalinta xisbiga. Masuuliyiinta xisbiga ayaa isla qaatay in la dardargeliyo doorka siyaasadeed ee Xisbiga Xaqsoor marka ay dhammaato bisha barakeysan ee Ramadan.
04/03/2026
๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ช๐ฌ๐จ๐จ๐ซ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ-๐ค๐-๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ ๐๐ฒ ๐๐ง ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐ก, ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐ฎ ๐๐ซ๐ค๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐จ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข-๐๐๐ซ๐ซ๐จ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ก๐จ๐ซ ๐ข๐ฆ๐๐๐ง๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐.
02/03/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐
Muqdisho, Soomaaliya โ Taariikh: Maarso 2, 2026
Faafin degdeg ah:
Xisbiga Xaqsoor wuxuu sida ugu adag u cambaareynayaa xannibaadda loo geystay xildhibaanadda kasoo jeeda Puntland ee la xayiray iyagoo gudanaya waajibkooda dastuuriga ah. Falkan gurracan wuxuu qayb ka yahay silsiladda gaboodfallada ay xukuumadda federaalka ah ku kaceysay muddooyinkii dambe.
Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa xorriyad buuxda siinaya muwaadinka Soomaaliyeed inuu si xor ah ugu safro jihada uu rabo iyo goorta uu rabo. In xildhibaanno qaran oo xasaanad leh la xannibo iyagoo u socda deegaankii laga soo doortay waa afduub siyaasadeed oo yeelanaya cawaaqib aan la mahdin.
Falalka nocan ah waxay sii kala fogeynayaan shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxayna reebayaan mahadhooyin iyo aanooyin horseedi kara colaado sokeeye.
Masuuliyiinta geystay fal-dambiyeedkan gurracan ma ahan kuwa lagu aamini karo dastuur qaran oo ah heshiis bulsho. Horey ayay masuuliyiintan u caadeysteen boobka hantida qaran iyo ku takrifalka awoodda.
Ugu dambeyn, Xisbiga Xaqsoor wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah iney fasaxaan xildhibaannada ay ku haystaan afduubka siyaasadeed, si waafaqsan dastuurka KMG ah.
XAQSIINTA MUWAADDINKA & XILKASNIMO QARAN
# # #
27/02/2026
WARSAXAAFADEED
XISBIGA XAQSOOR OO SOO DHAWEEYAY NATIIJADA SHIRWEYNAHA DIFAACA DASTUURKA
Muqdisho, Soomaaliya โ Taariikh: Febraayo 27, 2026
Faafin degdeg ah:
Xisbiga Xaqsoor wuxuu si weyn usoo dhaweynayaa warmurtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Difaaca Dastuurka ee 27-ka Febraayo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xisbiga Xaqsoor wuxuu dhowr mar caddeeyay mawqifkiisa ku beegan wax-ka-beddelka sharci darrada ah ee ay xukuumadda Soomaaliya ku sameyneyso dastuurka KMG ah.
Dastuurka ay Soomaali si KMG ah u ansixisay waa midkii 2012-kii. Beddelka lagu sameeyay dastuurkaasna waa mid gabi ahaanba baalmarsan habraacyada ku cad dastuurka sharciga ah.
Sidoo kale, Xisbiga Xaqsoor wuxuu la qabaa Shirweynaha Difaaca Dastuurka in muddada xilheynta dastuuriga ah ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku egtahay 14-ka April 2026, midda madaxweynahana ay ku egtahay 15-ka May 2026.
Dhanka kale, Xisbiga Xaqsoor wuxuu codkiisa ku biirinayaa in dowlad goboleedyada harsan loo fasoxo iney doorashooyinkooda qabsadaan, si waafaqsan dastuurka saxda ah ee 2012.
Ugu dambeyn, Xisbiga Xaqsoor wuxuu soo dhaweynayaa baaqa shirweynaha loo ballamay ee looga arrinsanaayo sidii dalka looga samatabixin lahaa hubanti laโaanta siyaasadeed.
XAQSIINTA MUWAADDINKA & XILKASNIMO QARAN
# # #
26/02/2026
๐๐จ๐ ๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ช๐ฌ๐จ๐จ๐ซ ๐จ๐จ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐๐ง๐ข
Masuuliyiin kamid ah madaxda Xisbiga Xaqsoor ayaa booqasho salaan iyo is xogwareysi isugu jirta ugu tagay Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid C/llahi Deni, oo maalmahaan ku sugan caasimadda Muqdisho.
Wafdiga Xisbjga Xaqsoor waxaa hoggaaminaayay Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga, Mudane C/llahi Xamud, waxaana ku weheliyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Mudane C/Xakim Cige Guuleed, Xoghayaha Amniga, Difaaca & Xasilinta, Mudane Farxaan Cali Axmed iyo Xoghayaha Hawlaha Guud, Mudane Siciid Cirro.
Labada dhinac ayaa iska wareystay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo sida loo furdaamin karo, waxayna isku raaceen in cududda xoogagga mucaaradka ah loo mideeyo sidii dalka looga saari lahaa hubanti laโaanta siyaasadeed ee ka dhalatay muddada xilheynta dastuuriga ah ee heyโadaha federaalka ah oo gabaabsi ah, iyadoo aan wali la isku raacin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay.
Madaxda Xisbiga Xaqsoor ayaa Madaxweyne Deni u xaqiijiyey mowqifka sugan ee xisbiga ee ku saabsan Dastuurka KMG ah iyo doorashooyinka, mawqifkaas oo ah in dastuurka sharciga ah ee dalku yahay kii 2012-kii la ansixiyey, doorashana tahay mid dowladda iyo mucaaradku heshiis ku yihiin.
Madaxda Xisbiga Xaqsoor ayaa Madaxweyne Deni uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee uu ka qaadanayo xal u helidda cakirnaanta siyaasadeed.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in lasoo xoojiyo wadashaqeynta ku saabsan samatabixinta dalka marxaladdan adag oo ay dalku abaaro baโan soo foodsaareen.
17/02/2026
Hoggaanka iyo xubnaha Xisbiga Xaqsoor waxay hambalyo u dirayaan shacabka Soomaaliyeed, curashada bisha barakeysan ee Soonqaad.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa ummadda Soomaaliyeed inuu fadliga bishan quluubtooda isku soo dhaweeyo, inta tabaaleysanna u gargaaro.