03/05/2026
🔥 GUDDOOMIYAHA WAAXDA JABUUTI OO HOGGAAMIYEY OLOLE NADAFADEED IYO CARO QAADIS 🔥
Maanta oo ay taariikhdu tahay 03 May 2026, waxaa si rasmi ah Waaxda Jabuuti uga bilowday olole nadaafadeed iyo caro-qaadis ah oo laga fuliyey waddada weyn ee Mugdi Maguuro, taas oo ah laf-dhabarta isku socodka waddooyinka dhex mara Waaxda Jabuuti.
Ololehan oo uu hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Waaxda Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray nadiifinta deegaanka, qaadista qashinka iyo carrooyinka waddada xannibay, dib u furista marinada biyaha, iyo kor u qaadista bilicda deegaanka.
🤝 Howsha waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay:
✅ Guddoomiyaha Waaxda Jabuuti
✅ Maamulka Waaxda
✅ Kooxda Hormuudka Waaxda
✅ Dhalinyarada iyo bulshada deegaanka
💬 Guddoomiyaha Waaxda Jabuuti ayaa sheegay in nadaafaddu tahay tiirka koowaad ee horumarka bulshada, islamarkaana bulshada looga baahan yahay ilaalinta deegaanka si loo gaaro waax nadiif ah oo hormarsan.
🌿 Waaxda Jabuuti — Nadaafad, Horumar & Iskaashi Bulsho