Somali Embassy in Jakarta- Indonesia

Somali Embassy in Jakarta- Indonesia

Share

Embassy of the Federal Republic of Somalia in Jakarta Accredited to Australia, Brunei, New Zealand, Singapore, and the Republic of Korea.

22/04/2026

Strengthening people-to-people ties: Somali and Indonesian students sharing culture, traditions, and friendship 🇸🇴🇮🇩

Photos from Somali Embassy in Jakarta- Indonesia's post 13/04/2026

Jakarta, 12 April 🇮🇩 🇸🇴

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jakarta ayaa si diirran ugu soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee Soekarno-Hatta wafdi ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya. Wafdigan oo isugu jira agaasimayaal iyo masuuliyiin kale, ayaa soo gaaray Jakarta si ay uga qayb galaan munaasabadda SCQ, oo ka dhici doonta Jakarta inta u dhaxaysa 13–16 April.

04/04/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH | ADEEGYADDA QUNSULIYADDA | CONSULAR SERVICES

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Indonesia, ahna safaaradda qaabilsan waddanka Australia, waxay ogeysiineysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Australia in ay heli karaan adeegyada qunsuliyadda sida ku cad lifaaqa hoose.

Adeegyada waxaa ka mid ah:
âś… Codsiga iyo cusboonaysiinta baasaboorka
âś… Xaqiijinta dukumentiyada
âś… Warqadaha safarka degdegga ah
âś… Wakaalad iyo awood-siinta
âś… Shahaadada dhalashada
âś… Police Clearance Certificate (CID)

📞 Nala soo xiriir:
WhatsApp: +62 811 8887 0090
đź“§ Email: [email protected]

📲 Nagala soco:
Facebook: Embassy of Somalia in Indonesia
Snapchat: somaliembassy1

⚠️ Ogoow:
Fadlan hubi inaad la xiriirayso kanaalka saxda ah ahna rasmiga ee safaaradda ka hor inta aadan gudbin dukumentiyadaada.

19/03/2026

C i i d M u b a a r a k!

S e l a m a t ci d u l F i t r i.


Photos from Somali Embassy in Jakarta- Indonesia's post 25/02/2026

Singapore, 24 Febraayo 2026 🇸🇬 🇸🇴

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Singapore, Danjire dr. Faysal Ahmed Salad, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Singapore Tharman Shanmugaratnam, munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Dalka Singapore.

Intii uu kulanku socday, Safiirku waxa uu gudbiyey salaan diirran oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiir dr. Faysal ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi miro-dhal ah oo ka dhexeeya labada dal.

Safiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda juqraafiyeed ee istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Singapore, taas oo ka dhigaysa marin isku xira Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Geeska Afrika, isla markaana ku taalla Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, sidaas darteed, maadaama ay labada dal leeyihiin marinnada ganacsi ee ugu muhiimsan caalamka oo istaraatiiji ah, waxay Soomaaliya u suurtagelinaysaa inay noqoto xarun mustaqbalka muhiim u ah saadka (logistics) iyo ganacsiga badda ee Afrika.

Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga ku saabsan:
• Casriyeynta iyo maareynta dekedaha
• Saadka badda iyo adeegyada maraakiibta
• Fududeynta ganacsiga iyo hufnaanta kastamyada
• Maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha
• Dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy) iyo kalluumeysiga

Safiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay waddo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamyada sharciyeed, lagu hagaajinayo nidaamka maaliyadeed, isla markaana lagu dhisayo jawi maalgashi oo furan oo la isku halayn karo. Waxa uu ku dhiirigeliyey shirkadaha iyo hay’adaha maalgashiga ee Singapore inay sahamiyaan fursadaha ku jira dekedaha, kaabeyaasha tamarta iyo isku xirka gaadiidka ee Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan doorka hoggaamineed ee Singapore ku leedahay dekedaha iyo saadka caalamiga ah. Safiirku waxa uu caddeeyey in Soomaaliya danaynayso iskaashi farsamo iyo mid ganacsi oo lala yeesho hay’adaha iyo shirkadaha Singapore.

“Soomaaliya waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo isku xirta qaarado kala duwan,” ayuu yiri Safiirku. “Iyadoo dhaqaalaha Afrika uu kobcayo, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto xarun muhiim u ah ganacsiga iyo saadka badda ee isku xira Geeska Afrika iyo suuqyada caalamka.”

Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo sahminta fursado wax ku ool ah oo kor u qaada xasilloonida gobolka, badqabka marinnada badda iyo horumar waara.

Safiirku waxa uu mar kale caddeeyey sida uu uga go’an yahay inuu si dhow ula shaqeeyo hay’adaha dowladda Singapore, ganacsatada iyo daneeyayaasha istaraatiijiga ah si loo xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal loogana faa’iidaysto danaha wadaagga ah ee muddada dheer.

Singapore, 24 February 2026 🇸🇬 🇸🇴

Ambassador dr. Faysal Ahmed Presents Credentials to the President of Singapore

The newly appointed Somali Ambassador to Singapore, Ambassador dr. Faysal Ahmed Salad, officially presented his letters of credence to the President of Singapore at the Istana.

The Ambassador conveyed warm greetings from President Hassan Sheikh Mohamud, emphasizing Somalia’s commitment to building strong economic and diplomatic ties. A key focus of the discussion was leveraging Singapore’s digital pathway and futuristic governance to modernize Somalia's public sector and trade systems. The meeting highlighted several strategic areas:

Digital Transformation: Adopting Singapore’s world-class digital governance and e-government frameworks.

Port & Maritime Logistics: Modernization, smart management, and global shipping services.

Trade Facilitation: Enhancing customs efficiency and infrastructure through technology.

Blue Economy: Sustainable ocean resources and high-tech fisheries management.

Ambassador dr. Faysal highlighted Somalia’s strategic location as the maritime gateway connecting Africa, the Middle East, and Asia. Both parties reaffirmed their commitment to bilateral cooperation, ensuring maritime security and fostering a sustainable, tech-driven economic future.

Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 25/02/2026
Photos from Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed's post 23/02/2026

Amb Faysal Ahmed Salad

Photos from Somali Embassy in Jakarta- Indonesia's post 23/02/2026

Canberra, Australia 🇦🇺 🇸🇴

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire dr. Faysal Ahmed Salad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah Governor-General-ka dalka Australia.

Tani waa dhacdo taariikhi ah taas oo lagu xoojinayo xiriirka Dowlaha Australia iyo Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Australia.

Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa:

* Muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.

* Horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga si loo gaaro koboc iyo horumar waara.

* Fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta Visa on Arrival ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.

* Doorka muhiimka ah ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ay ka qaadan karto sidii ay u noqon lahayd buundo isku xirta labada dal.

Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Commonwealth of Australia formally presented credentials, marking a historic milestone.

In his remarks, the Ambassador described the appointment as both symbolic—restoring a high-level diplomatic presence—and practical, advancing priorities that directly impact citizens and bilateral ties.

A key focus was the importance of remittances in supporting Somali households and the national economy. He called for regulatory and banking pathways that enable Somali-serving Money Service Businesses in Australia to operate securely and compliantly, recognizing the diaspora’s vital contribution.

The Ambassador also highlighted the need to expand cooperation in education and trade, fostering long-term development and mutual growth. Facilitating travel, including smoother visa arrangements for Somali passport holders, was another priority.

Overall, his vision emphasizes strengthening Somalia–Australia relations through partnership, people-to-people links, and the Somali community in Australia as a bridge between the two nations.

19/02/2026
12/01/2026

🇰🇷 🇸🇴

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Mogadishu, January 12, 2026 - The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his counterpart, H.E. Dr. Cho Hyun, the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Korea.

The discussions focused on strengthening bilateral relations and expanding cooperation between the two countries. The ministers also reviewed several issues of mutual interest, including the presence of Republic of Korea naval forces in the Gulf of Aden, alongside broader regional and international developments.

The South Korean Foreign Minister reaffirmed the Republic of Korea’s full respect for the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia and emphasized its commitment to international law and the principle of non-interference in the internal affairs of other states.

-> # # #

09/01/2026

🇸🇬 🇸🇴

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Dr. Vivian Balakrishnan.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ilaalinta iyo taageeridda mabaa’diida madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

09/01/2026

🇸🇬 🇸🇴

H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, held a telephone conversation on Friday with his Singaporean counterpart, H.E. Dr. Vivian Balakrishnan.

The Ministers discussed ways to strengthen bilateral relations and underscored the importance of upholding and supporting the principles of sovereignty, unity, and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, in line with international law and the UN Charter.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jakarta?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Office 88 Kasablanka Tower A, 27G, Jalan Raya Casablanca No. 16, RW. 5
Jakarta
12780

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:30
Tuesday 09:30 - 16:30
Wednesday 09:30 - 16:30
Thursday 09:30 - 16:30
Friday 09:30 - 16:30