29/10/2026
Herar: Caasimaddii Islaamka ee Geeska Afrika.
……………………….
Magaalada Herar, waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu faca weyn Geeska Afrika iyo dunida Islaamka. Waxay dhacdaa bariga Itoobiya, waxaana qarniyo badan ahayd xarun ganacsiyeed iyo aqooneed si wayn diinta Islaamka iyo ilbaxnimo fac wayn ku caan ah. Waxaa la rumaysan yahay in magaalada la dhisay qarniyadii 7aad ilaa 10aad ee miilaadiga, halka ay si buuxda u hanaqaadday qarnigii 13aad, xilligii ay noqotay xarun siyaasadeed iyo mid diimeed si wayn ugu suntan barashada Diinta islaamka. Herar waxay muddo dheer ahayd caasimaddii Saldanaddii Cadal. Waxa lagu xasuustaa Imaam Axmed Axmed Gurey, iyo halgankii uu ku difaacayay Islaamka Geeska Afrika iyo sidii ay magaaladani ugu agayd saldhigga.
Sido kale Harar Qarniyo badan waxay ahayd hoyga culimadii geeska Afrika ugu saamaynta badnaa, ganacsatada iyo ardayda cilmiga doonka ah ee ka iman jiray gayiga Soomaalida, Itoobiyada sare, canfarta, Oromada, Jabuuti, Yemen iyo dalal kale. Herar waxaa loo dhisay qaab ka tarjumaya ilbaxnimada Islaamka. Gudaha magaalada waxaa ku yaal guryo qadiimi ah oo leh naqshad Islaami ah, suuqyo taariikhi ah iyo goobo cilmigu ka hanaqaaday. Sido kale waxa ay leedahay gidaar qadiimi ah ah loo yaqaanno (Jugol), oo ah gidaarka ku wareegsan magaalada. Gidaarkan waxaa la dhisay qarnigii 16aad si looga difaaco magaalada weerarrada uga iman jiray boqorradii dawladda masiixiga ag ee Itoobiya. Dhererkiisu waa ku dhowaad 5 kiiloomitir, wuxuuna leeyahay shan albaab oo waaweyn, kuwaas oo mid kasta u furnaa jihooyin iyo deegaanno kala duwan.
Waxa ay leedahay waddooyin yar yar oo dhex mara xaafaddii h**e ee qadiimiga ahayd, 82-masaajid oo masaafo ahaan aan aad u kala fogayn. Jugol maanta wuxuu ka mid yahay goobaha dhaxalka adduunka ee ay ilaaliso UNESCO, waana astaanta ugu weyn ee taariikhda iyo jiritaanka magaalada Herar.
Sido kale Herar waxaa soo maray boqorro, imaamyo iyo amiirro badan oo door weyn ku lahaa taariikhdeeda. Tiradooda saxda ah lama wada hayo, balse magaalada waxaa soo maray in ka badan 25 hoggaamiye oo kala ahaa Suldaanno, Imaamyo iyo Amiirro, kuwaas oo xukumay xilliyo kala duwan laga soo bilaabo Saldanaddii Cadal ilaa Amiirradii Herar. Sida sawirkan ka muuqatana Amiirkii Harar ee ugu danbeeyay waxa lagu magacaabi jiray Amiir Cabdilaahi maxamed Cali. Hoggaamiyeyaashaas waxaa ugu caansanaa: Suldaan Abuu Bakar bin Muxammad, Imaam Maxfuuz, Imaam Axmed ibn Ibraahim (Axmed Gurey), Nuur ibn Mujaahid, Amiir Cabdullaahi, Amiir Maxamed ibn Cali, Amiir Cabdishakuur, iyo amiirro kale oo badan oo sii waday maamulka Herar qarniyo kala duwan.
Herar waxaa loogu naanaysaa Magaalada Awliyada, waxaana la sheegaa inay ku yaallaan boqollaal masaajid iyo goobo cibaado. Qarniyo badan waxay ahayd xarun laga barto Qur’aanka Kariimka ah, xadiiska, fiqiga, tafsiirka, luqadda Carabiga iyo culuumta kale ee Islaamka. Waxay soo saartay culimo waaweyn oo raad muuqda ku leh Geeska Afrika iyo dunida Islaamka. Waxaa ka mid ahaa culimadii h**e:
Sheekh Cabdiqaadir Al-Jaylaani Al-Harari
Sheekh Abbaadir Cumar Ar-Rida
Sheekh Yuusuf Al-Kawneyn (Aw Barkhadle)
Sheekh Cumar Ar-Rida
Sheekh Axmed Kabir
Sheekh Madar
Sheekh Haashim iyo culimo kale oo badan oo magaalada ka dhigay xarun aqooneed geeska Afrika ka tilmaaman. Sidoo kale waxaa ka mid ah culimadii danbe ee intii aanay magaaladu sida tooska ah u dhaxal wareegin kasoo aflaxay culimo badan oo maanta la yaqaanno oo ay ka mid ahaayeen:
Sheekh Cabdilaahi Qudubi, Sheekh Cabdiraxmaan Saylaci, Sheekh Cali Suufi, Sheekh Cali-Jawhar,Sheekh Maxamuud Macallin Cumar, Sheekh Yuusuf Baxar iyo kuwo badan oo kale. Culimadani waxay door weyn ka qaateen fidinta diinta Islaamka, tarbiyadda bulshada, faafinta cilmiga shareecada iyo ilaalinta hidaha diimeed ee bulshada Soomaalida
Ugu danbayn: Herar Waxay ahayd albaabkii Islaamka ee Geeska Afrika, xaruntii culimada iyo tasawufka, iyo goob ay ka hanaqaadeen dhaqdhaqaaqyo diimeed sabab u noqday Diinta Islaamku in ay Geeska Afrika inta badan wada gaadho.Sido kale waxa ay ahayd xarun ganacsi oo isku xidhi jirtay Afrika iyo Carabta. Ilaa maanta Herar waxa ay leedahay sumcad wayn oo waxa loo aqoon sanyahay: “Caasimaddii Islaamka ee Geeska Afrika”, iyadoo lagu xasuusto kaalintii ay ka qaadatay faafinta Islaamka iyo kobcinta aqoonta gobolka.
Xogo kale oo badan ayaan maalmaga soo socda idinla wadaagi doonaa oo ku saabsan taariikhda magaaladan qiimaha badan.